Home » Warar »

Madaxweyne Kibaki oo Ururka Midowga Afrika ka Codsaday in Ciidamadiisa ku Sugan Soomaaliya Muddo Kordhin loo Sameeyo.

Madaxweynaha Dawladda Kenya Mwai Kibaki ayaa Codsi u diray Ururka Midowga Afrika isagoona ka Codsaday in Ciidamada dalkiisa ee Qaybta ka ah Amisom Mudada loo Kordhiyo maadaama uu waqtigoodii dhamaaday. Mwai Kibaki oo ka hadlay Munaasibad lagu Maamuusayay Sanad Guuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii Ciidamada Kiinyaanku ay gudaha u galeen Soomaaliya ayaa ku amaanay Ciidamadooda inay wax badan ka qabteen hawlihii ammaan ee Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegey in Xukuumaddiisu ay doonayso in ay caawiso kana caawiso dhinaca Sugidda amaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya sidaa darteedna loo baahan yahay in Ciidamada Kiinyaanka ee qaybta ka ah Hawl Galka Amisom in Mudada loo sii kordhiyo. Kibaki ayaa ku faanay in Ciidamadiisu Gobolka Jubada Hoose ay ka saareen dagaalyahanadii Xarakada Shabaab ee hore ee halkaa uga arrimin jiray.

Madaxweynaha Kenya ayaa ku cel celiyay in Ciidamada Kenya aan looga maarmin waa siduu hadalka u dhigaye inay baaqi ku sii ahaadaan Gobolka Jubada Hoose oo uu sheegay in iminka ay gacanta ku hayaan Xoogagga dawladda iyo kuwa Kenya.

Hadalkan ka soo yeeray Kibaki ayaa imaanaya xilli dhawaan Saraakiisha Ciidamada Dalka Kenya ay sheegeen in Xiligii loogu tala galay uu ku egyahay Dabayaaqada Bishan Oktobar. Si kasta ha ahaatee Bishii Oktoobar ee kal hore ayay Ciidamada kiinyaanku gudaha u soo galeen Soomaaliya iyagoo markaasina sheegayay in ay baacsanayaan Dagaalyahanada Xarakada Shabaab oo ay ku Eedeynayeen in falal amnidarra ah ay ka gaysanayaan gudaha Dalka Kiinya.

Mudadaas ayaa waxaa Ciidamada Kenya waxay Gobolka Jubada Hoose ka geysteen Khasaarooyin fara badan oo soo gaarey Shacabka ku nool Gobolkaas oo isugu jira Dhimasho, Dhaawac iyoBarakacin ,waxaa weli taagaan dagaaladii ka jirey Gobolkaas iyadoo Gobolada Jubada hoose , Jubada Dhexe iyo Gedo ku sugan Xarakada Al Shabaab oo wada Dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.