Home » Warar »

Saxafi u Dhashay Maraykanka oo Gacanta ugu Jira Burcad Badeedda Soomaalida oo Dawladdiisa ka Codsaday in La Bad-Baadiyo

Saxafigan oo lagu Michael Scott ayaa waxaa laga af duubtay Gobolka Mudug aagga Magaalada Hobyo xilli uu halkaa Shaqo u joogay ka gadaal markii Kooxo Hubaysani ay weerar ku soo qaadeen isaga iyo ilaaladii la socotay. Mr Scott ayaa baaq u diray Xukuumadda Maraykanka isagoona ka codsaday in laga bixiyo Lacagaha Madax furashada ah oo Burcad Badeeddu u haysato.

Saxafiga oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in uu ka baqa qabo haddii aan laga bixin Lacagtaas in loo gacan geliyo waa siduu hadalka u dhigaye Kooxaha Al Qaacidda. Suxufigan u dhashay Maraykanka oo muddo afduub ay u haysteen Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa ku cel celiyay inuu ka cabsanayo haddaan laga bixin lacagaha ay sheeganayaan Kooxaha af duubka u haysta inuu halis ugu jiro in lagu wareejiyo Xarakada Shabaab.

Saxafigan ayaa sida la sheegay waxaa laga afduubay xilli uu doonayay inuu dib ugu soo laabto Magaalada Gaalkacyo halkaasoo uu rabay inuu Diyaarad ka raaco taasoo Kooxo Hubaysan ay dhexda ka af duubteen geeyeena Degmada Hobyo ee isla Gobolka Mudug. Si kastaba baaqan uu soo jeediyay Saxafiga ayaa ah baaq uu si toos ah Dawladdiisa ugu weeydiisanayo in laga bixiyo Lacagaha madax Furashada ah oo ay u haystaan Bur cad badeedda Soomaalida.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.cu.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.