Home » Faallo »

SANNAD GUURADII 58aad. 1954-2012 CALANKA QARANKA SOOMAALIYEED

Maanta oo ah 12kii Oktoober 2012  kuna  beegan sannad guuraddii 58aad ee helida astaanta  calanka qaranimadda soomaaliyeed, nasiib wanaag xuskani wuxuu ku soo beegmay xili ifafaalihii dowladnimo u dhalatay  shacabka soomaaliyeed, taasoo  la rajeynaayo in ay soo af jarmaan colaaddii iyo amaano daraddii dalka ka jirtay oo ay aad iyo aad u adkeyd in dadka dhibaateysan in la gaarsiyo gargaar deg deg isla markaasi na  waxaa laga filayaa barlamaanka cusub inuu noqdo kuwa u adeega shacabka soomaaliyeed waxaana looga baahan yahay in ay ka fogaadaan wax alla wixii khilaaf keeni kara taasoo guud ahaan dan u ahayd dadka dan yarta ah ee ku nool dalka gudahiisa iyo kuwa ku dac dareysan dibadda ba.

Haddaba waxaan hambalyo iyo boogaadinba halkaani ugu soo gudbinayaa Madaxweynaha cusub Prof Xassan Sheekh Maxamuud iyo Raiisul wasaaraha muddan Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid) iyo guddoomiyaha barlamaankaProf. Maxamed Osman Jawaari  iyo ku xigeenadiisa iyo dhamaan xildhibaanadda barlamaanka soomaaliyeed, waxaana ku boorinayaa in xilka culus ay shacabka soomaaliyeed u hayaan inuu ilaahay waafajiyo waddada  xaqa ah  isla markaana noqdaan kuwiii maamulka dowladda oo shacabka ku aaminay in ay  ku hogaamiyaan cadaaladd iyo sinaan iyo midnimo, kana fogaadaan musuqmaasuq,qabyaaladda, dulmi  iyo lax jacleysi, sidaasi darted waxaa looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan horumarinta iyo dib u dhiska dalka iyagoo  wax waliba ay ka hormariyaan maslaxadda guud ee dadka iyo dalka soomaaliyeed,waxaan aaminsanahay haddii la helo maamul hufan oo xalaal ah in laga bixi doono dhibaatadda dalka muddada dheer ku jiray, lana gaari doono horumar iyo barwaaqo .

Sida la wada ogsoon yahay calan walba wuxuu taagan yahay ama  astaan u yahay  qaranimadda dalka uu leeyahay,  calankeena  buluuga (cirka oo kale ah) iyo xiddigta  cad ee dhexda kaga taala  waxay astaan u tahay jiritaanka  ummadda soomaaliyeed oo isticmaarka u qayb qaybiyey shan qaybood .

Calanka soomaaliyeed oo ah astaan aad iyo aad u qurux badan markii ugu horeysay oo taariikhda  ahayd 12 Oktoober 1954 ayaa  la soo saaray, waxaana alifay ilaahay ha u naxriistee marxuum  Maxamed Cawaale Libaan

Alla ha u naxriistee Maxamed Cawaale Libaan oo ahaa wadani ah  aragtidiisa ay fogtahay , isla markaasina  soomaalinimada ay ku weyntahay, xiligaagi na wuxuu ahaa guddoomiyiha ururka shaqalaha soomaaliyeed wuxuuna ku micneeyey calanka sida tan hoos ku qoran;

Xiddigta cad ee bartamaha kaga taala calanka qaranka soomaaliyeed waxay xambarsan tahay micno weyn oo ah soomaal weyn  waxaa   loo yaqaanaa xidigta midnimada shacabka Soomaaliyeed. waxeyna mideyneysaa gobolada ay Gumeystayaashii reer  yurub ay u  kala qeybiyeen 5 qaybood oo kala: Koonfurta soomaaliya oo xiligaasi gacanta ku haayey dalka Talyaaniga, waqooyi galbeed , soomaali galbeed oo hadda itoobi ay ka  tirsan tahay  gacanta ugu jirto  iyo waqooyi bari N.F.D oo hadda heysato Kenya , xiligaasi ganacta ay ugu jirtay dowladda Ingriiska iyo Djabouti oo xiligaasi maamulaayey dowladda Franciiska, midibka cadka ahna wuxuu ku micneeyey nabadgalyo , buluuga na wuxuu ku tilmaamay barwaaqadda dalkeena uu leeyahay

Markii uu soo bandhigay ururka SYL iyo kuwa mucaadka ah ba dood dheer ka dib waxaa la isku waafay muxaafid iyo mucaaridba calanka uu soo ban dhigay Maxamed Cawaale Libaan, hase yeeshee markii loo geeyey maamulkii  talyaaniga ayaa diiday oo ku tilmaamay inuu egyahay calanka dalka Zair sidaasi darted aan la ogoleen calan dal leeyahay in la qaato , hase yeeshe Maxamad Cawaale liibaan wuxuu Talyaaniga u sheegay in labada calan aanay isku mid ahayn sababtoo ah Calanka (Zaire) xiddigta ku dhextaal waa mid dahab huruud ah , sidaasi darteed  maamulkii xafiiska basaabka ee Muqdisho waa ogolaaday in la qaato calanka buluug ah xiddigta cad dhexda kaga taala.

Halgan  dheer ka dib ummadda soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad iyo aad u qurux badan , kaasoo ka tarjumaya jiritaanka iyo himiladda ummadda soomaaliyeed oo ah in la helo soomaali weyn oo mideysan “Pan Somalism .

Calanka qaranka soomaaliyeed oo maanta 58 sano jirsaday , wuxuu ku yimid halgan adag oo loo soo galy, halgankaasoo ay hogaanka u hayeen dhallinyaraddii soomaaliyeed xisbigii SYL  kuwaas ka soo horjeday ama diidanaa gumeysiga iyo gumeysi kalkaalayaasha  .

Waxaan jaclahay in aan si koob u xus halgankii gobonimadoonka soomaaliyeed iyadoo maanta loo dabaal degaayo 58 guuraddii astaanta calanka u ah qaranimadda shacabka soomaaliyeed, waxaan jacalahay dhallinyaradda qurbaha ku dhallatay iyo kuwa dagaalkii sokeeye ka dib dhashay ee ku nool dalka  in ay fahmaan dhibaatadda  xanuunka badan loo soo maray xornimadda maanta aynu haysano , runtii xornimadaasi kuma aysan imaanin si fudud balse waxaa loo soo maray halgan adag oo dhiig fara badan loo daadiyey  , sidaasi darteed waxaa loo bahan yahay in dhallinyaradda maanta jira in ay ku daysadaan doorkii wax ku oolka lahaa ee dhallinyaraddii soomaaliyeed ka soo qayb qaadatay  xornimadda.

Dhalllinyaro ka kooban 13 , waxaa u suurta gashay  markii ugu horeeyey taariikhduna ahayd Bishii May 15, 1943 kii in ay abaabulaan urur dhallinyaro gobannimo doon ah oo la magac baxay S.Y.C Somali Youth Club oo aan siyaasi ahayn.

Xisbigii S.Y.C. ahaa wuxuu isku beddelay urur weyn oo siyaasi ah lana magac baxay S.Y.L. Somali Youth League, ururkaasi waxaa albaabadda loo furay taariikhdu markii ay ahayd May 15, 1947kii kaasoo go’aansaday  halgan siyaasadeed oo gobannimo doon ah , sidii  loo gaarsiin lahaa shacabka soomaaliyeed xornimo taam ah.

Waxaa xusid mudan 11.01.1948dii waxay ahayd maalin xamaasad weyn leh taasoo ahayd tii ugu xoog badneyd uguna caansaneyd , sababtoo ah waxaa dhacaayey gudoonkii Aayaha Ummadda Soomaaliyeed , Maanlintaasi  oo ay dhaceen dagaalo ba’an  oo ay ku dhinteen 52 Talyaani ah iyo kuwa kale

Maantaasi waxaa dalka ku  sugnaa guddigii ka socday 4ta dowladdood ugu xoog weyn ee adduunka oo ku guuleystay dagaalkii labaad ee Addunka kan koobnaa, dowladda Mareynka Mr. Utter, dowladda Ingriiska Mr. Stafford, dowladda Ruushka Mr. Feodorof iyo dowladda Faransiiska Mr. Burin Des Rosier

Guddigaasi oo ka socday 4tii dowladood  waxaa u suurta gashay maalintii ay bishu ahayd 20kii Janaayo  1948 in ay la kulmaan xisbigii SYL iyo xisbigii HYC (Hamar  Youth Club) oo ay isku mabada’ahaayeen ururka SYL iyo axsaabtii mucaadka ahayd oo ku bahoobay daladda “umbrella”  la magac baxday Patriotic Beneficient. Kuwaasoo ka koobnaa todoba urur oo yar yar .

Guddigii markii ay dhageysteen doodihii faraha badanaa ee halkaasi laga soo jeediyey , waxaa u cadaatay in xisbiga SYL iyo HYC ay haystaan taageeradda shacabka soomaaliyeed, taasoo ay la yaabeen qabkii iyo hanaankii ay u soo agaasimeen warbixinadaasi oo soo jiidatay guddigaasi, waxayna balan qaadeen in ay u gudbin doonaan Jamaciyadda Qaruumaha ka dhaxeysa.

Taariikhda markii ay ahayd Oktoober 12.10.1954kii shacbka soomaaliyeed u suurto gashay in ay hanato calanka buluuga ah ee sharafta badan oo aan maanta aanu ku fano. Abwaakii Cabdullahi Qashe heestiisi calanka oo ah : Qolobaa calankeedu waa ceynoo , innaga keenu waa cirkoo kale e…..Taasoo abaalkeedu ay leeyihiin dhallinyaraddii u soo halgantay xornimada maanta aynu harsaneyno.

Haddaba waxaan kula dardaarmayaa masuulinta dowladda uu hooseedka ka yahay madaxweyne Prof. Xassan Sheekh Maxamuud iyo maamulka guud ee dowladda in ay dib u soo celiso sharaftii calanka iyo qarannimadii ummadda Soomaaliyeed

Waxaan halkaani dhambaal hambalyo ah u soo gudbinayaa dhamaan bahweynta Soomaaliyeed meel kasta oo ay  joogaan, waxaana u rajaynayaa bashbash iyo barwaaqo .

Waxaa soo diyaariyey

Dr. Cabdulkadir Cali Bolay

E mail :bollay@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " SANNAD GUURADII 58aad. 1954-2012 CALANKA QARANKA SOOMAALIYEED "

  1. Umad waliba waxa lagu garto oo astaan u ah waa calankooda, inkastoo aan heyn waxa ey utaagantahay xidigta cadi ee shanta geys leh oo ah shanta soomaaliweyn.
    shan soomaali iska daaye hal kamid ah xitaa lama hayo waa nasiib darada nagu dhacday mana ii muuqato in la helayo soomaaliweyn inta danaha shisheeyaha ladaba ordayo.
    Waxaan xal u arkaa soomaali oo isku timaado oo aayahooda ka tashada oo caqiidado ku dhaqma in ey tahay wadada lagu mideynkaro soomaali