Home » Warar »

Odayaasha Dhaqanka Beelaha Jareer Weeyne oo ka soo Hor Jeestay Maamul u Sameynta Kenya ee Gobolka Jubada Hoose

Kulan ballaaran oo ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Guurtida Beelaha Jareer Weeyne ayay kaga hadleen Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya. Kulankan oo ahaa mid ay u dhamaayeen Golaha Guurtida ayaa ugu horeynba waxaa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Guurtida beelaha Jareer Weyne Ugaas Aweys Shiikh Xuseen (Huneero) oo sheegay in ugu horeynba Kulankoodan Maanta ay ku soo dhaweynayaan magacaabista Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi faarax Shirddoon

Guddoomiyaha ayaa sheegey in haddii ay yihiin Beelaha ku abtairsada Jareer Weyne ay soo dhaweynayaan Ra’iisul wasaarahan cusub isla markaana ay la shaqaynayaan isagoona faray in Ra’iisul Wasaaraha uu soo dhiso Xukuumad Tayo leh oo wax ka qabata Dhibaatooyinka Soomaalidu ay ku jirtay mudada dhowra sano ah.

Ugaas Huneero ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya in uu soo celiyo hanaankii dawlad wanaagga iyo Cadaaladdii iyadoo meesha laga saarayo dulmiga Beelaha Soomaaliyeed qaarkood loo gaysanayay. Ugaas Aweys ayaa soo hadal qaaday hadalo maalmahanba la isla dhex marayay oo sheegayay in Xukuumadda Kenya ay waddo qorshe ay maamul ugu dhiseyso Gobolka Jubada Hoose isagoona sheegay in Maamu Kenya ay halkaa ka dhisto inuusan shaqayn doonin

Guddoomiyaha Golaha guurtida Beelaha Jareer weyne Ugaas Huneero ayaa sheegay inuu aqoonsan yahay Xukuumadda Kenya in ay ka mid tahay Urur Goboleedka IGAD isla markaana ay qayb ka tahay hawl Galka AMISOM sidaa darteeda loo baahan yahay in wixii maamul ah loo daayo Soomaalida dhexdeeda gaar ahaana Beelaha wada dega Gobolka Jubada Hoose.

Huneero ayaa ka digay Colaad qabali ku dhisan oo mar kale dib uga bilaabanta Gobolkaas taasoo keeni karta cawaaqib xumo ka daran tii labaatankii sano ee la soo dhaafay dalka soo martay. Ugu danbayntii ayuu Guddoomiyaha Golaha Guurtida ee beelaha Jareer weeyne sheegay in Dawladda federaalka Soomaaliya in ay gacan ka gaysto sidii beelaha Goboladaas dega ay u samaysan lahaayeen Maamul ay gacmahooda ku dhistaan halka Dawladda kiinya ay iyadu u samayn lahayd Maamul Khilaaf hor leh keena.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mailamiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Odayaasha Dhaqanka Beelaha Jareer Weeyne oo ka soo Hor Jeestay Maamul u Sameynta Kenya ee Gobolka Jubada Hoose "

  1. Asc/Ugas aweys mahadsanid runti cadaalada waa hogaanka nabada oo ah dalka iyo dadka\teda kale kenya dulmigeda waxa uu noqday dulmi cad dowlada kenya waxan oran lahaa maamul sameynta juboyinka iska daaye bal eeg wadankaaga waxa kadhacaya hadad tahay dowlad quwadleh oo qalabeysan wadankaaga amnigiisa ilaasho dulmiga iyo duulaanka aad kusoo gashay dhulkena iyo dadkena islaamka ah jawaabteda wad heshay kolkastana wad heli waxaa balan ah shicibkaaga in ee waayan xurnimo farxad iyo hurdo waanku gubeynaa kaniisadaha waan ku dileynaa jidadka insha alaah waxaa balan ah in ee waayan shicibka bas ey nabad kuraacan waxaa balan ah in lawaayo goob lagu tunto waxaa balan inlawaayo guryo iyo hotelo nabad lagu seexdo insha alah jid walba waan u mareynaa burburka kenya hadey noqoto naf iyo maal iyo xeelad dagal waxaa balan ah in aad weysaan dal dhisan iyo dad nabad ah ilaahow dulmiga lagu hayo dalal badan oo islaam ah kaqabo umada somaaliyed waxan dhihi lahay garta dulmiga iyo gumeysoga nalagu hayo hadadna garana maalin baa garan doontan oo gacan cadaw gasheyn ilaaho dhagarta shisheye naga qabo wcs

  2. waa runtiisa ninkaa jareerweynaha u hadlay dowladaan cusub waxaa laga sugaa sinan iyo cadaaladda ma filayo sababta oo ah markii horeba 4.5 bay ku hawlgashay jareerweynaha wuxuu ku jira 0.5 marka cadaalad halkaa haka felan Allah ayaa cadaalad ka sugaynaa laakiin kenya faraha hakal baxdo arrimaha soomaliya ayadaanba meeshan lagu heshiin oo qabiiladda waa weyn ku dagaalimi doonaan sida ogaaden mareexaan majeerten shiiqaale