Home » News »

Doha Center Media Fountion oo Deeq Lacageed soo gaarsiiyay Suxufiyiintii ku Dhaawacantay Qaraxii Guriga Hooyooyinka.

Deeqdan Lacageed ee la gaarsiiyay Saxafiyiinta ku Dhaawacantay Qaraxii The Village Bishii aynu ka soo gudubnay kana timid Ururuka Suxufiyiinta Doha Center Media ayaa waxaa Saxafiyiintaas gaarsiiyay Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano Nusoj.

Lacagtaas oo dhameyd illaa Afar Kun oo Doolarka Maraykanka ah ayaa waxaa la guddoonsiiyay Saxafiyiinta kala ah. Cabdullaahi Maxamed Cali (Sulddaan) oo ka tirsanaa warbaahinta Kulmiye, oo la guddoonsiiyay Laba kun oo Doolar, Cabdikariin Guutaale oo u shaqaynayay S 24 Tv. Oo isagana la siiyay Kun Doolar iyo Maxamed Xuseen Genital Man oo u Shaqeeya T.V.ga Qaranka oo isagana la guddoonsiiyay Kun Doolar.

Deeqda lacagtaas ayaa waxaa halkaa Saxaafadda kula hadlay Xoghayaha Guud ee Nosuj Maxamed Ibraahim Pakistan oo sheegay in ay u mahad celinayaan Hay’adda Doxa oo mar walba u taagan in ay gacan ka gaysato caawimadda Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka ay ka soo gaaraan Dagaalada ama sida gaarka ah loo bar tilmaameedsado. Bakistaan ayaa sharaxaad ka bixiyay lacagahaas iyo qof walba inta uay u qoondeeyeen isagoona sheegay in dhaawaca ugu daran uu yahay Sulddaan lana siiyay Lacag dhan Kun Doolar.

Lacagahan ayuu ku sheegay Xoghayaha guud ee Ururka Suxfiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Pakistaan mid loogu tala galay in Saxafiyiintaas la gaarsiyay ay isaga bixyaan Daawada iyo inta ay isbitaalka Jiifaan.Maxamed Xuseen Gentle l Man oo isaguna ku hadlay Magaca Saaxiibadiisa Dhaawaca ah ayaa u mahad celiyay Hay’addii deeqdan u soo dhiibtay iyo Ururka Nusoj isagoona ballan qaaday in shaqooyinkoodii halkii ay ka sii wadanayaan oo marnaba aysan u baaqanayn Qarax lala beegsado

Si kastaba ma aha markii u horeeyay ee Hay’adda Doha Center ay Deeq soo gaarsiiso Saxafiyiin Soomaaliyeed oo dhibaatooyin kala duwan ay ka soo gaareen Qaraxyo iyo qaar toos loo weeraray.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.