Home » Warar »

Dowaldda Fransiiska oo Baareysa Cajal Video ah oo laga soo Duubay Muwaadin u Dhashay Dalkeeda oo Gacanta ugu jira Xarakadda Alshabaab

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arimha Dibadda Faransiiska ayaa sheegay in khuburo gaar ah loo xilsaaray cajalkaasi lagu baahiyay bar Internet-ka ah oo ka faaloota arimaha islaamka taa oo muujinaysay Muwaadinka Faransiska ah oo baaq u jeedinaya Dowladda Faransiiska oo ahaa in laga siidaayo gacanta kooxda Afduubka u haysata Muwaadinkaan

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in wax walba oo suragal ah ay u adeegsanayaan in dib Xuriyaddiisa loogu soo celiyo oo uu ka mid noqdo Qoyskiisa oo muddo ka badan Seddex Sanno uusan arag waxa uu intaa raaciyay “waxaan Har iyo Habeen ku dadaali doonnaa sidii aan ku soo deyn lahayn Muwaadinkaasi oo haan gacanta ugu jiro kooxahaasi ku sugan gudaha soomalia”

Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in xaaladda la heystayaasha Farnsiiska Oo haatan lagu heysto dalalka Maali,Nayjar iyo Somalia ay tahay mid aad u adag isla markaan ay waqti badan qaadan doono sidii xal looga gaari lahaa
Afhayeenka ayaa inta raaciyay in illaa Todobo Muwaadin oo Faransis ah oo Afar ka mid ah lagu hesto dalka Nayjar,labana lagu heysto Dalka Maali iyo Alexis oo isna gacanta ugu jiro kooxo Somali ah haatan Qorshahooda gacanta lagu hayo

Sikastaba hadalkan Wasaaradda Arimaha Dibada Faransiska ayaa ku soo beegmaya maalin kadib xilli baaq uu Warbaahinta u mariyay la heystaha Faransiiska ah oo seddex Sanno kahor kaga qafaashay Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdihso oo kaga dalbaday Madaxweynah Dalka Faransiiska in laga siidaayo gacanta kooxda Afduubka u heysata

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.