Home » Warar »

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo Mar kale baaq u Diray Dagaalyahanada Ashabaab.

Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa baaq u diray dagaalyahanada Shabaab isagoona u kala qaybiyay Laba Qaybood. Madaxweynaha ayaa ugu horeynba Ajaaniibta ka bar bar Dagaalanta Xarakada Shabaab sheegay inaysan jirin wax kala dhaxeeya Soomaaliya wax wada hadal ah oo ay la galayaana aysan jirin isagoona sheegay in Soomaaliya Shacabkeedu uu Muslim yahay Muslinimadana ay uga horeeyeen dalalka ay ka yimaadeen.

Halkan ka dhegeyso Hadalkii Xasan Sh. Maxamuud:

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2012/xasan_iyo_shabaab.mp3]

Madaxweynaha ayaa ugu yeeray Kooxdaas Al Qaacidada ah in ay dalalkooda dib ugu laabtaan si shuruud la’aana ay isaga baxaan Dalka Soomaaliya oo uu sheegey inaysan jirin wax kala dhaxeeya Soomaaliya. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in haddii taa la waayo ay abuuri doonaan Duruufo kalifaya in Ajaaniibtaas ay isaga baxaan Dalka Soomaaliya isagoona farta ku fiiqay in arrintaasi ay waajib ku tahay cid kasta oo Soomaali ah.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday Xarakada Shabaab ee Gabdho iyo Wiilal isugu jira oo Soomaalida ah isagoona sheegay in ay yihiin Wiilashoodii, Gandhahoodii iyo eheladoodii sidaa darteedna ay ugu yeerayaan in ay Xukuumadda isku soo dhiibaan. Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sheegay in ay jiraan dhallinyaradaas ku biiray Xarakada Shabaab Duruuf mid walba oo iyaga ka mid ah ku kaliftay in ay ku Biiraan Shabaabka isagoona soo qaatay in ay jiraan kuwom ay ku xanbaartay Dhaqaale Caqiido iyo Aar Goosasho.

Xasan Shiikh ayaa Xusay in kuwa Duruufaha Dhaqaale ay ku xanbaartay in ay galaan Shabaab in ay u samayn doonaan Xaalado Shaqo abuur ah kuwa Aar Goosiga u galayna ay sameynayaan dib u heshiisiin halka kuwa Caqiida ahaanta loo galiyayana ay tusayaan dariiqa Xaqa ah ee Caqiidada runta ah ay ku jirto isagoona sheegay in ay u samayn doonaan barnaamijyo wacyi gelin ah.

hadalkan Madaxweynaha oo uu maalintii shalayka hor jeediyay mar uu la hadlayay Boqolaal dad ah oo ku soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo ayuu wuxuu noqonayaa kii labaad ee uu Madaxweynuhu soo jeediyo tan iyo markii Xilkaas loo magacaba waxaa maanta uu gaaray Magaalada Beled weyne ee Gobolka Hiiraan, waxayna Booqashooyinkaan ay tahay mid Madaxweynaha uu ku soo eegayo Xaalada qaar ka mid ah Gobolada Dalka iyo la tashiyo ku aadan soo Magacaabista Raiisul Wasaaraha Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.