(shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaato)
(( وَمَا مُحَمَّدٌ إِلَّا رَسُولٌ قَدْ خَلَتْ مِنْ قَبْلِهِ الرُّسُلُ ))
” Maxamad, rasuul mooyee wax kale maahan, kaas oo hortiis ay tageen rusul badan
(Suuradda Aala-Cimraan. Aayadda 144-aad)
Maxamad (shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee) waa shakhsi kii arkey ay sharaf u tahay oo kii la noolaadey ay sharaf u tahay oo kii xusa ay sharaf u tahay oo kii maqla ay sharaf u tahay oo kii ku deyda ay sharaf u tahay. Maxamad (sh.n.d.a.) waa magac leh mudnaan, kaas oo laga caleema-saarey carshiga Eebe (kor ahaaye). Macnaha ereygu wuxuu yahay meel ay ku kulantey dhamaan kheyrka iyo tilmaamaha la mahadiyo. Maxamad (sh.n.d.a.) waa bad-wayn xikmad iyo aqoon ah, ee aanan xeeb looga baxo ayan jirin. Waa howd laga gurto mirihii raxmadda, jaceylka, cafinta, dhimrinta, wada-noolaanshaha, isu-hiilinta, nadaafadda, caddaaladda iyo damiirka hagaagsan ee aadaminimo. Waa daawo qofeed, mid qoyseed, mid qabiilo iyo mid qarameed. Wuxuu daawo u yahay aadamiga iyo hayaankiisa nololeed. Wuxuu daawo u yahay cimilada iyo bahaahimka nagula-nool. Bayaan uu isku kaaya barayo ayuu wuxuu ku sheegey sidan:
” Dadyohow anigu wax kale ma ihi, aanan ahayn raxmad la hibeeyey “. (Waxaa warinaya Bukhaari iyo Muslim)
Eebaha ceeb li’ida badan, ayaa wuxuu dadka ka dhex eegtaa rag. Raggana wuxuu ka tilmaantaa geesiyaal, kuwaas oo qeyb halyeeyo ah uu dhambaalladiisa u caleemo-saarto. Dabadeed halyeeyada ayuu ka magacaabaa adeegayaal uu ku aamino dhambaalladiisa hanuunka ah ee uu samada ka soo dejiyo. Adeegayaashuna wuxuu ka xushay Maxamad ina Cabdullaahi (Sh.n.d.a.). Suubane Maxamad (sh.n.d.a.) isaga oo wiil ah, ayaa xagga Eebaha aanan falalkiisa la su’aalin, waxaa looga doortay in uu noqdo qofka ugu mudan aadamiga. Kaas oo uunka ku nool yahay ku badbaadiyay dhambaal dhamaystiran ee aadami walba ka deeqey caqliga iyo laabta. Qof raacay oo caqiido ahaan ugu qancay iyo qof diidey labaduba xushmad ayay u qaadeen dhambaalkii Eebe (kor ahaaye) ee uu suubanaha la yimid. Wuxuu noqdey qof lagaga deydo maareynta nolosha qofeed, midda qoyseed iyo midda bulshadeed. Taasina badbaadadeeda waxay kugu xiriirineysaa badbaadada nolosha danbe.
Suubane Maxamad ina Cabdullaahi (sh.n.d.h.), waa shakhsiyadda keliya ee qofkii is hor-dhiga uu guuleysanayo, kii is daba-dhigana uu hoogayo. Sidaa darteed, noloshiisii oo idil waxay ahayd duruus is daba-joog ah oo ay haboon tahay in laga casharo qaato. Tilmaamaha uu lahaa midda ugu hilan culus waxay ahayd in uu ahaa qof aadami ah, kaas oo lahaa aabe iyo hooyo la yiqiin. Agoonimo ayuu ku dhashay, rajaynimo ayuu ku barbaaray, saboolnimo ayuu ku koray, dan-yarnimo ayuu shaqo ku bilaabay. Dhallinyaranimadiisii, wuxuu ku caan-baxay, dhamaan tilmaamaha wanaagsan ee qof aadami ah uu yeesho sida runta, gar-soorka, deeqda, ballan-oofinta, daacadda, aaminaadda, hufnaanta, adkeysiga, nadaafadda, naxariista, baarinimada iyo xumaan ka dheeraanshaha.
Shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaate, isaga oo 40 jir ah ayuu magaaladii uu ku noolaa dibadda uga baxay. Markaas buu wuxuu galay god ku yaal qar magaalada dibaddeeda ah. Wuxuu halkaa kala soo laabtay aayado 5 ah oo ay ugu horeyso ooraahdan Eebe:
” Wax ku akhri magaca Eebahaaga wax uumey “. (Suuradda Al-Calaqa. Aayadda 1-aad)
Xilli bay ahayd, dadka dunida ay ku sugnaayeen jahli iyo aqoon-darro. Gaar ahaa dadka uu ka dhashey ma ayan ahayn kuwo wax akhriya waxna qora. Iyagu waxay ku dhaqnaayeen dhul lama-degaan ah oo ka dheer xarumihii ay il-baxnimadu tiil. Shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee, isaga qudhiisu ma ahayn nin aqoon u lahaa akhriska iyo dhigaalka. Saddex iyo toban sano ayuu beeshiisii dhexdeeda ka ololeynayay in dadku ay ku baraarugaan wax ku akhriska magaca Eebe (kor ahaaye) iyo garashada aayadihiisa leh ooraahda iyo abuurka. Diidmo xooggan ayuu kala kulmey ololihii baraarujinta ee uu u joogsadey. Taasi waxay salka ku heysaa dhaqamadii guracnaa oo ay beeshu horey u heysatey oo ay ka fuqi-waayeen.
Adeegihii suubanaa (sh.n.d.a.), qalbi faxan ayuu ku qaabiley fal-celiskii shiddada badnaa oo dhanka beesha kaga yimid. Gaar ahaan odeyaashii beesha waa ka madax-adeygeen dhambaalkii ahaa akhriska abuurka Eebe (kor ahaaye) ee lagu fahmayo nolosha. Si gaar ah guurtidii iyo hantiilayaashii reerka ayaa si xooggan uga hor-yimid mabaadidii ku cusbeyd dhaqankooda ee caqiidada ka hadleysey. Iyagu markaas kuma ayan ekaan diidmo, bal qof ahaantiisii (sh.n.d.a.) ayay dagaal ku qaadeen. Jirkiisii, sharafkiisii iyo intii raacdey ayay dhaawacyo u geysteen. Ujeeddadu waxay ahayd in ay joojiyaan dhambaalkan cusub. Markey aragtidii hakan-weydey, odeyaashii beesha waxay qorsheeyeen shirqool ay ku dilaan adeegihii suubanaa (sh.n.d.h.).
Markey arintaasi dhacdey, suubanihii (sh.n.d.a.) waa uu ka qaxay degaankii beesha. Mar kale ayuu wuxuu galay god ku yaal qar u dhexeeya degmada uu ka qaxay (Maka) iyo tuu u qaxay (Madiina). Qarkaasi ayaa magaciisa waxaa la yiraahdaa Qarka Al-thowr. Godku waa meel ciriiryoon oo bahalladu ay habeenkii ku hoydaan. Waxaa gala dugaagga xushmadda ku leh duurka oo ay kamid yihiin dhurwaaga, Shabeelka iyo Libaaxa. Waa kuwa ku xooggan nolosha baadiyaha. Markuu kaaha waaberiga dillaaco ayay godka ka soo baxaan oo ay foof tagaan. Adeegihii suubanaa (sh.n.d.a.) godkaas ciriiryoon ee cidlada ah ayuu markale galey. Qaxiisii wuxuu ahaa mashruuc dhamaantiis ahaa duruus xambaarsan wax-badan oo aadamigu cibrad u ah. Hubka toolmoonaanta, ku adkeysiga xaqa, isku xirnaanta kooxda xaq u-dirirka ah, wax u huridda mabaadiida, bulshada oo xaqa ku kala tagta, fahamka in guushu xaqu leeyahay iyo tabaabulyeysiga hagaagsan ayaa waxay ahaayeen casharrada laga dhaxley qaxii suubanaha (sh.n.d.a.). Degmaduu u socdey oo Madiina ahayd ayuu markaas gaarey. Bulshadii halkaas ku dhaqneyd waa ay soo dhoweeyeen. Wuxuu ula yimid aayad oranaysa:
” Inaad uunka naxariis u tahay mooyee, wax kale kuuma aanan adeejin ” (Suuradda Al-Anbiyaa. Aayadda 107)
Naxariistaa Eebe sheegay, waa shakhsiyaddii suubanihii Maxamad (sh.n.d.a.). Wuxuu la yimid hannaan nololeed ee dhameystiran. Kaas oo isaga oo kale aanan horey loo helin, dibna la fileyn in loo helo. Waa hannaan deeqey oo ay ku nasteen dhamaan abuurka noolaha iyo ma-noolaha. Shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee, wuxuu muujiyay in uu yahay macallin loo doorey jinsiga aadamiga. Wuxuu inooga tegey sheekooyin tusaale wacan oo fasiraad innaga siiya sawirka nolosha. Fahamkooda waxaa lagu haleelaa nuur lagu tiigsado nolosha wejiyadeeda hagaagsan. Tusaaluha uu bixiyay waxaa kamid ah, qof haween ah oo ku cadaab mudatey bisad ay ka xayirtay xoriyaddii ay biyaha wax ku cabi lahayd waxna ku cuni lahayd. Arintaa barbar-dhiggeeda, wuxuu inoo sheegey nin mutaystey naxariistii Eebe (kor ahaaye). Taasina waxay ka danbeysey markii kabihiisii uu dar ahaan u adeegsadey si uu u waraabiyo ey harraadan.
Adeegihii suubanaa (sh.n.d.a.) wuxuu inoo sheegay qofkii geed tallaala, in uu abaal-marin kaga helayo qof kasta oo harsada geedkaas iyo shimbir kasta oo mirihiisa wax ka cuna. Wuxuu naga reebay inaan biyaha ku cayaarno, in cimilada la halleeyo iyo in micna-darri loo jaro dhirta iyo laamahooda. Wax walba wuxuu ku lamaaniyay wanaag u-falid. Xataa neefka la gowracayo wuxuu ka dejiyay xeer ah in birta loogu naxariisto, islamarkaa aanan lagu gowricin neef kale hortiis.
Mabaadiidaas hagaagsan ee uu ku badbaadiyay aadamiga iyo noloshiisa, waxaa qiray xataa cadowgiisii iyo kuwii aanan rumeyn diinta uu la yimid. Alphonse de Lamartine, oo ahaa taariikhyahan u dhashay dalka Faransa ayaa kamid ah dadka, iyaga oo aanan rumeyn adeegihii suubanaa (sh.n.d.a.), misana u muujiyay xushmad sare. Ninkaas oo noolaa muddo laga joogo qarni iyo bar, wuxuu ka tegay qoraal uu wax kaga tilmaamay shakhsiyadda suubanihii Maxamad ahaa (sh.n.d.a.). Isagu wuxuu yiri sidan:
” (Adeegihii Eebe) Isaga oo Filosof ah, isaga oo aftahan ah, isaga oo ah nin khudbeeya, isaga oo halgamaa ah, isaga oo mid shrci-dejiye ah, isaga oo dagaalyahan ah, isaga oo mid guuleystay ah, isaga oo ah nin dadka ku badbaadiyay caqiido hagaagsan iyo mad-hab aanan khayaal ku dhisnayn. Curiyihii 20-ka boqortooyo ee taariikhda ugu dhul ballaarnaa. Islamarkaa ah imbraadoor ruuxi ah. Kaasi waa Maxamad. Iyada oo ictibaar la siinayo heerarkaas looga qiyaas qaato sareynta aadamiga, waxaa is weydiin mudan su’aasha ah, ma jiraa nin ka sareeya Maxamad ? “. (Alphonse de Lamartine. Historie de la Turquie. Paris. 1854. Vol. II. Pp. 276 – 277).
Suubanihii Maxamad ahaa (sh.n.d.a.), isaga oo aanan xoog adeegsan ayuu xal u helay bulsho kala daadsan. Bulsho ay nolosheedu ku dhisnayd dulmi, kala sareyn iyo isu xoog sheegasho. Markaasuu nolol liidata inta ka qaaday wuxuu gaarsiiyay nolol sareysa. Taas iyada oo kale uu aadamuhu ku riyoodo illaa iyo haatan. Nolol ay caynaanka u heyso siyaasad garsoor xuquuqeed iyo sinnaan bulshadeed. Bulsho isku tiirsan oo xubnaheedu ay is buuxiyaan. Bulsho isu-turista iyo is-taageeriddu ay saldhig u tahay tiirarka nolosheeda. Bulsho hantiilayaasheeda ay ka hor gaajoodaan saboolkeeda, madaxdeeda ay la dareen yihiin dan-yarteeda. Bulsho, guurkeeda iyo geerideeda, baahideeda iyo dheregteeda, dagaalkeeda iyo nabaddeeda, hurdadeeda iyo soo jeedkeeda, fal kasta oo ka dhacaya uu fekerka caqiidadu ka horeeyo. Suubanuhu (sh.n.d.a.), wuxuu dadka baray Eebeha xaqa ah. Markaasaa mid waliba intuu xisaabtamay ayuu si wanaagsan oo madax-bannaan ula xiriiray Eebihiisa boqorka ah.
Ninka la yiraahdo Edward Gibbon (1937 – 1994) waa aqoonyahan u dhashay dalka Ingiriiska. Waxaa loo aqoonsanaa xilligii uu noolaa in uu ahaa ninka dunida looga danbeeyay aqoonta ah taariikh-barad. Isagu wuxuu tilmaan ka bixiyay saldhigyada culus ee suubanihii uu ku qotomiyay nolosha bulshadii uu ka tegey iyo bulsho walba oo la caqiido ah. Edward Gibbon oo arinkaa tilmaamaya wuxuu yiri:
” Allaah mooyee Eebe kale ma jiro, Maxamad waa adeegihii Eebe. taasi waa saldhigga caqiidada Islaamka ee aanan is beddelin. Aragtida islaamka ay ka qabaan Eebe maahan mid u soo daadegta heer ah sanam muuqda ama la arkayo. Xushmadda ay u ahayaan adeegaha Eebe, iyadana maahan mid dhaafsiisan in uu yahay qof aadami ah. Taas ayaa beeg u ah fikradihiisii ku abuuray dareenka ku maaxayay wanaagga oo saaxibadiis ay u hayeen. Guushii ugu wayneed ee uu gaaray ayaa waxay ahayd in uu la qaybsado caqligooda iyo dareenka gudahooda ah, isaga oo aanan adeegsan seef “. (Edward Gibbon. History of the Saracen Empire, London. 1870).
Eebaha boqorka ah, wax uu abuurey waxaa ugu horeeyey nuurkii suubanaha Maxamad ah (sh.n.d.a.). Nebiyadii Eebe oo idil ayuu imaam u noqday oo uu ku tujiyay masjidka Beytul-maqdis. Taasi waxay tilmaan u tahay mudnaanta iyo darajada dheeriga ah ee xagga Eebe uu ka helay. Haddii nebi Nuux la siiyay doon uu kaga badbaaday biyihii lagu ganaaxay reerihiisii beeniyay, suubanihii Maxamad ahaa (sh.n.d.a.), waxaa la siiyay faraskii Buraaqa ee uu toddobada cir kaga gudbay, si loo tusiyo boqortooyada Eebe, iyada oo aanan la ganaaxin reerihiisii beeniyay. Haddii nebi Suleymaan la siiyay boqortooyadii dhulka, suubanihii Maxamad ahaa (sh.n.d.a.), waxaa la siiyay boqortooyadii wakhtiga, oo waakaas magaciisa maalin walba lagaga dhawaaqo munaaradaha caalamka ka taagan dushooda. Haddii nebi Ibraahim, dartiis loo soo nooleeyay xubnihii la kala qaaday ee shimbirka, suubanihii Maxamad ahaa (sh.n.d.a.), waxaa dartiis looga hadliyay neef la gowracay oo la jar-jaray, dabadeedna inta la kariyay la cunayo. Haddii nebi Muuse iyo kuwii raacay loo kala dhambalay biyihii badda, kuwii raacay suubanihii Maxamad ahaa (sh.n.d.a.), waxaa loo kala dhambalay labadii boqortooyo ee dunida ugu xoogga waynaa (Beershiya iyo Rumeeniya). Haddii nebi Ciise mucjisadiisu ay ahayd in Eebe idankiis uu ku nooleeyo qofka dhintay, mucjisada suubanihii Maxamad ahaa (sh.n.d.a.), waa aayadaha quraanka oo uu ku noolaado qalbi walba oo nolosha ku dhinta, goor walba iyo meel walba uu ahaado.
Suubane Maxamad (sh.n.d.a.), wuxuu dhambaal-wade u yahay ummadda ugu kheyrka badan ummadaha. Waa isaga ninka loogu hor nooleynayo maalinta joogsiga. Waa isaga sidaha calanka kuwa Eebe keli-yeeley, midka shafeecaya ee dadka waraabinaya, horseedaha la siinayo furaha janada. Eebe ayaa amaanay oo yiri (Dheerida Eebe uu dushaada saaray, waa mid sareysa). Isaga oo darajadaas sare helay, ayaa wuxuu mataal u ahaa anshax hufan iyo dul-qaad sare. Dhaqankiisa qofeed ayaa soo jiidanayay qof kasta oo ama la kulma ama maqla. Anshaxaas ayaa u saldhig ahaa aqoonta ay ka dhaxleen saaxiibadiisii ardada u noqotay iyo facihii xigey ee barakadu raacdey. Anshaxaas ayay ku gaareen guulihii ay nolosha ka soo hoyeen.
Proff. William Montgomery Watt, waa aqoonyahan u dhashey dalka Scotland. Wuxuu macallin ka ahaa jaamacadda Edingburgh University. Nikaasi isaga oo aanan rumeyn diinta Islaamka ayuu isna wax ka sheegay sareynta shakhsiyaddii suubanaha Maxamad ah (sh.n.d.a.). Isagu wuxuu yiri:
” Diyaarka uu Maxamad u ahaa u dul-qaadashada dhibka uu u marayay caqiidadiisa, iyo anshaxa sareeya ee labeenta ah oo ay lahaayeen raggii raacay oo u aqoonsaday in uu yahay odaygoodii iyo hoggaamiyahoodii. Taas oo lagu kordhiyay guulihii waynaa ee uu gaaray. Arimahaas oo idil waxay tilmaamayaan caddaaladda aanan baraxa lahayn ee ku tallaalayd shakhsiyaddiisa. Xataa haddii aanu isku deyno inaan Maxamad masabidanno oo aanu ku tilmaanno in uu ahaa nin mushkiladaha abuura, in kabadan intii uu xalliyi lahaa, waxaa hubaal ah shakhsiyaadka taariikhda reebay ee reer galbeedka ah, in uusan jirin mid gaarsiisan qaddarinta haboon ee uu Maxamad helay “. (Proff. William Montgomery Watt. Mohammad at Mecca. Oxford. 1953. p.52).
Boqorkii Abaasiiniya Najaashi, ayaa rumeeyay oo soo dhoweeyay raggii xambaarsanaa caqiidadii uu suubane Maxamad (sh.n.d.a.) la yimid. Boqorkii Roomanka Hiraqle, markii uu gaaray warka suubanaha, wuxuu caddeeyay in uu jeclaan lahaa in uu kamid noqdo kuwa raaca, haddiise ay dhacdo in uu la kulmo in uu cagaha u dhaqayo. Boqorkii Qibdiga ee Masar Maquuqas, hadduusan u cabsan lahayn in saldanadda uu ku waynayo, waa uu rumeyn lahaa. Sidaas ayaa suubanuhu uu ku noqday boqorkii boqorrada. Waayo isagu wuxuu ka sareeyay mid walba oo hela tilmaamaha mudnaaneed ee lagu sare-maro.
Shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee, suubanuhu wuxuu dejiyay xeerar adag oo loo kaashado maareynta nolosha. Wuxuu ku dardaarmay in Eebaha dadku uu mid yahay (waa Allaah), sida aabaha dadku uu mid u yahay (waa Aadan). Hoggaaminta guud ee siyaasad kasta oo lagu maamulayo dad aadami ah, wuxuu uga tegey xeer u saldhig ah. Waa xeerka caddeynaya in qofku uu qofka kale u dhowro si anshax leh. Taasina wuxuu ku xasiliyay in dadku ay isu ilaaliyaan dhiigga, maalka iyo sharafka. Markaasaa qof kasta oo kamid ah bulshada aadamiga wuxuu ka badbaadayaa bulshada inteedii kale. Xeerka dhaqaalaha, wuxuu saldhig uga dhigay, in uu reebay hannaanka dul-saarka ah. Dul-saarkii ugu horeeyay ee uu reebay wuxuu ahaa dul-saar uu lahaa adeerkiis Cabbaas ina Cabdi-mudalib (Eebe ha ka raali noqdee). Meel leysigu yimid ayuu arintaas kaga dhawaaqey. Xeerka bulshada wuxuu saldhig uga dhigay in dadka oo idil ay yihiin ilma Aadan, Aadanna wuxuu sheegey in laga abuurey ciid. Sidaa darteed wax ay ku kala soocan yihiin ma jiraan carabta iyo cajamta, midka cad iyo midka madow, midka cas iyo midka huruudiga ah. Miisaanka keliya ee dadka lagu kala sareysiinayo wuxuu tilmaamey in uu yahay ka dhowrsashada xuduudda Eebe iyo xuquuqda addoomadiisa.
Reverend Bosworth Smith oo isna ah aqoonyahan u dhashey dalka Ingiriiska ayaa suubanihii ka qorey buug. Wuxuu ku magacaabay Mohammed and Mohammedanism. Isaga oo ka war-bixinaya sareynta suubanihii (sh.n.d.a.) ayaa wuxuu qorey sidan:
” Wuxuu ahaa qeysar iyo wadaad. Laakiin wadaad aan lahayn dacwaddii wadaaddada, qeysar aan lahayn askar, aan lahayn ciidan, aan lahayn ilaalo, aan lahayn qasri, aan lahayn dakhli sugan. Ma qof baa xaq u leh in uu yiraahdo, maamulkaasi waxaa hoggaaminayay nin faalallow ah. Kaasi wuxuu ahaa Maxamad. Wuxuu hantiyay taladii, isaga oo aanan adeegsan qalabkii lagu hantiyi lahaa, iyo taageero ka danbaysa “. (Reverend Bosworth Smith. Mohammed and Mohammedanism, London, 1874, p. 235).
Sida laga wariyay adeegihii suubanaa (sh.n.d.a.), wuxuu caddeeyay in uu yahay odaga dhashii Aadan, iyada oo ayan faan ka ahayn. Ooraahdaas waanu rumeynay waana aanu jecelnahay innaga oo aanan arag. Jacayl aanan khuraafi iyo khayaal ahayn. Maxaa yeelay waa uu ina jeclaa isaga oo aanan ina arag. Wuxuu inoo keenay xeer nololeed toosan. Wuxuu inaga badbaadiyay hoogga iyo ba’a ay leedahay nolosha qalloocan iyo damaca khariban. Wuxuu la dhibtooday oo la ooyay darteen. Wuxuu horseede u noqday wada-noolaanshaha iyo is-cafinta aadamiga, xilli ay aqoon-xumida iyo xoogsiga ay ceynaanka u hayeen talada bulshooyinkii aadamiga. Dadkii uu la noolaa, mid raacey iyo mid diideyba, wuxuu kula dhaqmey xushmad meesha u sareysa. Meyd la sido oo Yuhuud ah ayuu u joogsaday. Markii loo sheegay in uu Yuhuud yahay. Markii lagu yiri meydka la sido waa Yuhuud, wuxuu ugu jawaabay, sow qof Eebe uumay maahan. Tusaale wuxuu u ahaa hoggaanka qoyska iyo la dhaqanka xaasaska. Weligiis gacan uma uusan qaadin haweeney u dhaxda, islamarkaa kulama uusan hadlin erey fool-xun. Hooyadeen Caa’isha ina Abuubakar (Eebe ha ka raali noqdee) ayaa la weydiiyay qaab-dhaqankii suubanaha (sh.n.d.a.), marka uu aqalka ku sugan yahay. Waxay tiri:
(Wuxuu ahaa dadka midka u jilicsan una deeq-badan. Wuxuu ahaa nin raggiina kamid ah. Waxaa u dheeraa in uu ahaa mid qosol badan oo dhoolla-caddeyn badan). (Waxaa warinaya Al-Tarmadi iyo Isxaaq ibnu Raahwiya)
Gabadha la yiraahdo Anna Besant (1847 – 1933) oo u dhalatay dalka Ingiriiska, ayaa waxay kamid tahay aqoonyahannada shisheeyaha ah, oo sareynta suubanihii (sh.n.d.a.) qiray. Iyadu markaas ma ayan ahayn mid diintii suubanaha (sh.n.d.a.) raacdey. Gabadhaasi aqoonteeda waxay ahayd caqiido-barad Theosophist. Iyad oo ka faaloonaysa suubane Maxamad (sh.n.d.a.) Anna Besant waxay tiri:
” Qof kasta oo baranaya noloshii iyo shakhsiyaddii nebigaas wayn ee carbeed, qof kasta oo ogaanaya sidii uu ku noolaa iyo sidii uu dadka wax u baray. Wax kale qofkaas u suura-geli maayaan aan ka ahayn dareenka ah in uu xushmeeyo nebigaas wayn, ee kamidka ah adeegayaasha Eebe kuwooda ugu waawayn. Inkasta oo aan arintan idiin soo bandhigay, misana waxaan ka warami lahaa dhinacyo kale oo soo jiidasho u leh dad badan. Mar walba oo aan arimahaan akhriyo, waxaan dareemayaa la-yaab iyo sareyn ku aaddan macallinkan carbeed ee wayn “. (Annie Besant. The Life and Teaching of Muhammad. 1932, p. 4).
Sidaa ay wax u qortay waxaa ku raacay James Michener, oo isaguna qorey in Islaamku yahay diin soo-jiidasho leh. Buug uu ninkan qorey ayuu ugu magac daray islamku waa diin khalad laga fahmey Islam The Misunderstood Religion. Qoraalkii buuggiisa wuxuu ku xusey in islaamku uusan ahayn diin ku faaftey xoog iyo khasab. Isaga oo arinkaa xusaya wuxuu yiri sidan:
” Taariikhda laga heli maayo diin u faaftay sida deg-degta leh oo islaamku uu ku faafay. Reer galbeedku si baahsan ayaa waxay u rumeysan yihiin, in seeftu ay tahay midda diintan u suura-gelisay arintan. Laakiin hadda, dadka wax dhiga ee casriga la socda, kuma jiro qof arintaas rumeysan. Quraankuna waa mid si caddaan ah u gacan siiyay madax-bannaanida garashada “. (James Michener. Islam : The Misunderstood Religion. Reader’s Digest. May 1955. pp. 68-70).
Suubanuhu (sh.n.d.a.), wuxuu la dagaalamay jahliga iyo aqqoon-darrida. Wuxuu dhiiri-geliyay aqoonta iyo fekerka xorta ah. Markaasaa caqli kasta oo madax-bannaan wuxuu noqday mid u sharaxan in uu qiro wanaagga ku dheehan hannaanka nololeed iyo xeerarka diineed ee uu la yimid. Caqli-xumida iyo aqoon-darridana wuxuu ka yeelay mid Eebe laga magan-galo. Been kasta oo cadowgu uu ka faafiyay, waxaa tirtiray saldhigyada wanaagga xaqiiqada dhabta ah ee uu baray bulshadii uu la noolaa. Iyo guulaha ay ku gaareen, markii ay ku dhaqmeen xeerarkii nolosha ee uu barey. Filosofka Hinduuga ah ayaa isna tilmaan wacan ka bixiyay suubanihii Maxamad ahaa (sh.n.d.a.). Ninkaas oo magaciisa la yiraahdo K. S. Ramerkashnah, wuxuu macallin ka yahay jaamacadda lagu magacaabo Meusor University. Isaguna wuxuu yiri:
” Sida ay sheegeen taariikhyahannada carabta ah, Maxamad waa nin ku dhashay saxaraha jasiiradda carabta 20/ 4- 571-kii c.d. Macnaha magaciisu leeyahay waa kii la mahadiyay. Xaggeyga, isagu wuxuu yahay caqliyaddii ugu wayneed ee jasiiradda carabta ay soo saarto. Wuxuu ka sareeyaa aftahannada badan iyo boqorrada badan ee hortiis noolaa, ama dabadiis ka soo baxay saxarahaas go’doonka ah ee ciidda badan. Markii uu Maxamad soo baxay, jasiiradda carabta maahayn meel la xuso. Saxarahaas aanan lahayn wax la xuso, dhexdiisa ayuu Maxamad wuxuu awooday, ruuxdiisa sareysa darteed, in uu ka curiyo aqoon cusub, nolol cusub, garasho cusub, ilbaxnimo cusub, boqortooyo cusub oo ku fidday Marooko illaa Hindiya. Islamarkaa wuxuu raad ku yeeshay fekerka nololeed ee yiil saddexdii qaaradood ee gabowga ahaa Aasiya, Afrika iyo Yurub “. (K.S. Ramerkashanah Raw. Mohamed. The Prophet of Islam).
Maxamad (sh.n.d.a.), waa ninkii 1-aad. Sidaas waxaa qirey Proff. Michael H. Hart oo ah aqoonyahan u dhashay dalka Mareekanka. Aqoontiisu waxay isugu jidhaa cir-barad (astronomy), dabiicad-barad (physics) iyo culuumta taariikhda (history of science). Ninkaasi isaga oo aanan rumeyn diinta Islaamka, ayaa Eebe wuxuu qalbigiisa ku baraarujiyay una sahlay in uu qoraal ka sameeyo 100-kii nin ee ugu taariikhda cuslaa ee soo mara dunida. Markuu isu eegey 100-koodii, wuxuu u doortay ninkii 1-aad suubanihii Maxamad ahaa (sh.n.d.a.). Michael H. Hart sababta uu suubanaha uga yeelay ninka 1-aad, wuxuu yiri:
” Doorashadeyda aan Maxamad u doortay in uu yahay ninka hoggaamiya ragga adduunka ugu raadka culus, waa suura-gal in ay ka yaabiso akhristayaasha qaarkood, amaba ay qaar kale su’aalo ka keenaan. Laakiin (runtii), isagu waa ninka qura ee ku xusan taariikhda ee si aad u sareeya ugu guuleystay dhismo bulsho leh xeerar diineed iyo mid cilmaaniyadeed ee wada socda “. (Michael H. Hart. The 100. A Ranking of the Influential Persons in History. New Yourk. 1978. p. 33).
Kitaabka dahairan ee quraanka, waxaa lagu amaaney qof-ahaanttis iyo xataa xubnihii jirkiisa. Carrabkiisii ayaa Eebe amaaney markaas ayuu yiri: ((وَمَا يَنطِقُ عَنِ اْلهَوَى)). Maqalkiisii ayaa Eebe amaaney markaas ayuu yiri: ((فَأَوْحَى إِلَى عَبْدِهِ مَا أَوْحَى)). Araggiisii ayaa Eebe amaaney markaas ayuu wuxuu yiri: ((مَا زَاغَ الْبَصَرُ وَمَا طَغَى)). Laabtiisii ayaa Eebe amaaney markaas ayuu yiri: ((مَا كَذَبَ الْفُؤَادُ مَا رَأَى)). Macalimkiisii ayaa Eebe amaaney markaas ayuu yiri: ((عَلَّمَهُ شَدِيدُ الْقُوَى)). Mabda’iisii ayaa Eebe amaaney markaas ayuu yiri: ((مَا ضَلَّ صَاحِبُكُمْ وَمَا غَوَى)). Wixii uu samada ku soo arkey ayaa Eebe amaaney markaas ayuu yiri: ((لَقَدْ رَأَى مِنْ آيَاتِ رَبِّهِ الْكُبْرَى)). Anshixiisii ayaa Eebe amaaney markaas ayuu yiri /(وَإِنَّكَ لَعَلَى خُلُقٍ عَظِيمٍ)). Bal cimrigiisii iyo noloshiisii ayuu Eebe ku dhaartey markaas ayuu yiri: ((لَعَمْرُكَ إِنَّهُمْ لَفِي سَكْرَتِهِمْ يَعْمَهُونَ)).
Haddii nebbi Muuse (nabad-gelyo dushiisa ha ahaatee) uu Eebe weydiistey lab faxan (( قَالَ رَبِّ اشْرَحْ لِي صَدْرِي )). Suubanihii Maxamad ahaa (sh.n.d.a.) isaga oo aanan weydiisan ayaa la siiyay ((أَلَمْ نَشْرَحْ لَكَ صَدْرَكَ)). Haddii nebi Muuse (nabad-gelyo dushiisa ha ahaatee) uu u deg-degey si uu u gaaro raali ahaanshaha Eebe ((وَعَجِلْتُ إِلَيْكَ رَبِّ لِتَرْضَى)) , Eebe wuxuu inoo sheegey, in uu raali-gelinayo suubanihii Maxamad ahaa (sh.n.d.a.) ((وَلَسَوْفَ يُعْطِيكَ رَبُّكَ فَتَرْضَى)). Sidaas ayaa waxay ku caddahay darajada sare ee suubaneheenii uu dheeraadey aadami oo idli. Darajo ka ahaatey xagga Eebe (kor ahaaye), ee aanan lagu kasban dadaal iyo karti.
((وَكَانَ فَضْلُ اللّهِ عَلَيْكَ عَظِيماً))
” Dheeriga Eebe dushaada saarey waa mid wayn ” (30) (Suuradda Al-Nisaa. Aayadda 113-aad)
Maanta oo dunidii ay noqotey aqal qura, xiriirkii aadamigu uu noqdey mid loo adeegsado agabka internet-ka ee aqal gudihiisa yaal, waxaa la oran karaa majiro qof aqoon leh ee inkiraya suubanihii Maxamad ahaa (sh.n.d.a.). Afka talyaaniga waxaa jirta ooraah ay bulshadaasi aanan islaamka ahayn ku ammaanayaan suubanihii Maxamad ahaa (sh.n.d.a.). Ooraahdu waxay leedahay sidan:
(Se Mohametto non va alla montagna, la montagna va da Mohametto).
Macnaheedu wuxuu yahay: Haddii Maxamad uusan buurta u tageen, buurta iyada ayaa u iman lahayd Maxamad. Waxay ula jeedaan in suubanuhu ahaa nin buuruhu ay xaggiisa soo eegayeen si ay wax uga bartaan. Ogaada’ey taariikhda iyo raggeeduba waxay ka markhaati kacayaan sareynta adeegihii suubanaa (sh. n. d. a.). Si kasta oo beenaalayaasha ay uga beensheegaan, si kasta oo xaasidiintu ay u xasdaan, si kasta oo war-xun tashiilku uu uga faalloodo, si kasta oo cadowgiisu u sheekeeyo, ogaada’ey magaciisu wuxuu ahaanayaa mid sareeya, sawirkiisuna wuxuu ahaanayaa mid ka ilaashan ceeb iyo nusqaan. Ogaada’ey daawadu waa tubtiisii iyo tabihiisii.
Rasuulkii udgoonaa hadduu Eebe soo bixiyey
Uu noo akhriyey diin iftoo lagu ihdaayoobey
Waatey ka iisheen Qureysh odeyadoodiiye
Sayid Abokor waatuu adacay waa awaligiiye
Iyagoon itaal badan lahayn ulona loo heysto
Arbacuunka waatuu ka miley Cumar ayaantiiye
Waaruu akidey diinka oo aad u xoojiyaye
Waatuu aqaamada la korey oogadaas sare´e
Waatey ilmada daadiyeen uur kuwii qabaye
Aqli-laawayaal weeyagii showr u urureene
Arinkooda waa tuu ku go´ay aad haloo dilo´e
Waatii Jibriil la arsilee loo akhbaar wariye
Udrigiisa waatuu ku harey Cali Alleylkiiye
Waatey arooryada baxeen subax Isniinaade
Waatii godkii lagu asturey wadal ayaamoode
Waatuu Suraaqa uu arkee ebyuhuu rogaye
Waatii arladu qabatayee dalab amaankiiye
Macbad ooryadiis weeyagii ari ka maaleene
Aagaamo iyo weeyagii ina u buuxsheene
Ammankaaka waatuu u go´ay oori kii qabaye
Waatey Ansaar kula kulmeen Quba agteediiye
Masjid Eebe lagu caabudey ka asaseeyeene
Waatii ilma-adeeradiis col u ambeeyeene
Waatey Axsaab iyo dhigeen Uxudyo qeyrkoode
Lagana aarsayoo yooma Badar arag jihaadkiiye
Abuu Jahal abley waxa la dhacay inan an weeneyne
Arwaaxiisa waatuu jar-jaray ari mid raacaaye
Waatii Fatxiga la abshiree aayadduu timiye
Waatey asnaamtii dhamaan wada askaaxeene
Al-xamdulillaahi dabadeedna waa ku adciyeysteene (Cali-Kaar M. Iley)
Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com
http://www.youtube.com/watch?v=jGewYJVb6kA
shiikh saadiq eenoow kheeyr badan alaah haku siiyo maqalada qiimaha leh gaar ahaan maqaalkan taariikhda nebegeena scws nabd gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahate kheyr fara badan alaah hakaasiyo waxaa u baal ah in ay soomalida anficidoonan qoraaladaadu
qalinkaaga cimrigaga alaah hakii barakeeyo jaxaakalah kheeyr
Asc sheekha waa ku mahadsan yahay sida uu mar walbo noogu soo bandhigo mooduuc si heer sare loo qoray laguna saleeyaya daliilka labadiisa qeebood kan naqliga iyo kan caqliga. Maqaalkaan wuxuu ka mid yahay maqaalada aan uga baranaya ee noo faa,iideenaayaya lkn waxaan rabay inaan wax yar ka saxo ma gafe waa illaah marka aan saxaayana maahan innaan sheekha ku aqoon ahay lkn waxaa laga yaabaa inuu qalinka ka dafay. Arinta aan rabo inaan saxo waa meesha uu leeyahay ” Eebaha boqorka ah, wax uu abuurey waxaa ugu horeeyey nuurkii suubanaha Maxamad ah (sh.n.d.a.).” Sida sugan ee qur,aanka iyo axaadiithtu sheegeeso waa inuu rasuulka ahaay bashar anagoo kale ay hooyo dhashay lkn waxaa uu maziyada ku lahaay waa risaalada loo soo dhiibay iyo akhlaaqda uu illaah asaga ku gaar yeelay. mana sugnaan in rasuulka laga abuuray nuur bal nuur waxaa laga abuuray kaliya malaa,ikta sida xadiith ku soo arooray. Taas ayuuna qur,aanka caeenayaa oo ah inuu rasuulka bashar ahaay sida banii aadamka kale uuna ahaay rasuul la soo diray sida kuwa ka horeeyay lkn uu ahaa kan ku fadliga badan khlaqoga illaah. Waxaan ku soo gabagabeenaa inaan rasuulka laga abuurin nuur taasna waxay keeneesaa inuusan aheyn bashar amaba aysan hooyo dhalin. Shukran