Home » Warar »

Ciidamo Kenya oo Xaley Saqdii Dhexe Maraakiib lagu keeney Xeebta Magaalada Kismaanyo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaanyo ee Gobolka Jubbada Hoose waxay sheegayaan in Xaley waqti dambe Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ayaa waxaa la sheegey in lagu soo daadiyey Xeebta Magaalada Kismaanyo ka dib markii ay ay halkaa keeneen Afar Markab oo kuwa Dagaalka ah oo ay leedahay Dowlada Kenya.

Markii Ciidamaas ka soo degeen Xeebta waxa Bilowdey dagaal Qaraar kaasoo uu dhaxeeya Ciidamada Kenya iyo Xarakada Alshabaab waxaa Dagaalkaas la sheegey in ay labada Dhinac ay isweydaarsanaan Hubka Noocayadiisa kala duwan waxaana Xaafadaha Magaalada Kismaayo ku dhacaya Madaafiic laga soo tuurayo dhinaca Xeebata iyo kuwa ay Tuurayaan Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya , waxaana lagu waramey in dad fara badan oo Rayid ah ay waxyeelo ka soo gaartey Madaafiicdaas.

Afhayeen u hadley Xarakada Alshabaab ayaa sheegey in ay weli ka dagaalamayaan Gudaha magaalada Kismaanyo islamarkaana waxaa uu sheegey in ay Khasaaro Xoogan ay gaarsiiyeen Ciidamadii Kenya ee laga soo daadiyey Xeebta sidoo kale afhayeen u hadley Ciidamada Kenya ayaa sheegey in Ciidamadooda ay ka dagaalamayaan Gudaha Magaalada Kismaanyo.

Mar aan la xiriirney Magaalada Kismaanyo ayaa waxaa na loo sheegey in Xaalada ay Cakiran tahay islamarkaana waxay dadka noo sheegey iy Alshabaab halkaas ka wadaan warar Guubaabo ah oo dadka loogu baaqayo in ay Dagaalamaan.

Ciidamadii Kenya ee ku sugnaa Duleedka Magaalada Kismaanyo ee dhinaca lugta maalmihii ugu dambeeyey ay la kulmeen Iska Caabin Xoog leh ayaa waxaa iyana ay bilaabeen dhaqdhaqaaq aad u Xoogana walow ay hortaagan yihiin Ciidamo aad u fara badan oo Xarkada ALshabaab oo iyagu sheegey in ay Difaacan doonaan Magaalada Kismaanyo , Ciidamada Kenya ayaa Muddo Sannad ah waxay Dagaalo ka wadeen Gobolka Jubada Hoose waxaana la sheegey in Ciidamada Kenya ay ku adkaatey sidii ay ku soo gaari lahaayeen Magaalada Ksimaanyo dhinaca dhulka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.