Home » Faallo »

Warbixin Culimmadii San Diego ku Xirnaa

IIMAAMKII MASJIDUL -ANSAAR SHEIKH MAXAMED KHADAR IYO WALAALIHII LAXIRNAA XAALADOODII UGU DANBAYSAY.
Sida aad lawada socoteenba waxaa in mudo ah ku xirnaa Magaalada San Diego ee gobalka California ee cariga Maraykanka, imamkii Masajidka al-ansaar sh Maxamed khadar iyo culimo kale oo laxirnayd, culimadaas oo lagu eedeeyey sida ay sheegeen,hayadaha amniga uqaabilsan wadankan, Inay xiriir lalahaayeen kooxaha kadagaalama Somaliya.Iyadoo Walaalaha culimada ahna ay arinkaas iska fogeeyeen, kuna tilmaameen arin ujeedo kale laga leeyahay, shaqana aysan ku lahayn waxa ka socda Soomaaliya, wax xiriir ahna aysan la lahayn kooxaha lagu eedeeyay.

Sidoo kale waxaan dhawr jeer oo hore idiin soo gudbiyey, warbixinta walaalaha iyo inaysan wali keenin qolyihii soo eedeeyey wax cadayn ah. Waxaan idiin soo gudbinayaa warbixintan kooban xaaladii ugu danbaysay ee arinka Walaalaha:-

XAGA CAAFIMAAD KOODA.

Walaalaha wuu wanaagsan yahay caafimaad kooda guud ahaan,Marka laga reebo Sh. Ciise oo xanuun dhabarka ah oo in muda ahba hayay uu mar mar ku soo kaco. Waxaana sababaya waad dareemi kartaan, qof xabsi kujiro oo jiifkiisu uu yahay,shamiito gogol aysan saarnayn,ama haday saarantahayna aytahay midaan waxba ka celinaynin.
Dhinaca muraalka walaaluhu waa wanaagsan yahiin, runtii waxaa ka muuqday sabar iyo isku kal soonaan wayn,iyagoo rumaysan qadarta allaah. Bal waxay waqti uheleen aqrinta qur’aanka kariimka ah sida uu telefonka iigu sheegay sheikh Maxamed khaddar waxaaba u suura gashay inay dacwada ka fuliyaan xabsiyada dhaxdooda, waxaana ku soo Islaamay sheikh gacantiisa maxaabiis uu sheikh u bandhigay dacwada.

XAGA MAXKAMADOODA WALAALAHA MEESHAY MARAYSO.
Marar badan ayaa walaalaha lakeenay maxkamad,mar walbana waxay codsanayeen qolyaha soo eedeeyey walaalaha in dib loogu dhigo maxkamada si ay u soo dhamaystirtaan cadaymo ka dhiman dacwadooda. Ugu yaraan ilaa 5 jeer ayaa lakeenay walaalaha maxkamad mase dhicin in dacwada sitoos ah loo dhexgalo.Sidoo kale Mararna waxaaba codsanayey in dib loo dhigo maxkamada Qareenada difaacayay walaalaha, iyagoo doonayey inay dib u eegaan, waxyaabaha ay ku soo eedeeyeen walaalaha,iyagoo xaataa u galay safar banaanka ah si ay uga salgaaraan cadaymaha ay sheegeen inay hayaan xaqiiq dooda,waxaa ugu danbeeyey maxkamad dhacday horaantii bishii August ee sanadkan. Hada balanta lafilayey waxay ahayd in bisha soo socoto ee October ee sanadkan Maxkamad lakeeno, laakiin Nasiib wanaag waxaa dib loodhigay ilaa bisha January ee sanadka cusub ee 2013-ka,waqtigaas oo lafilaayo inay hawsha dacwada si toos ah loogalo,xalka ugu danbeeyana la ogaadaa.

GABO GABO:-Dhamaan Walaalaha Islaamka ah waxaan xasuusinaynaa inay uduceeyaan walalahooda xiran sidii ay horayba ugu ducayn jirayn,Sidoo kale waa in lalaban laabaa taageeradii xaga maadiga ahayd ee walaalaha lala garab taagnaa, maadaama ay Qareenadu wali hawsha sii wadaan,waqtiguna uu dheeraaday. Wixii ku soo cusboonaado arinaka wadaadada waan idiinla soo socodsiin doonaa insha allaah.

اللهم فك قيد اسرانا و اسرى المسلمين – اللهم فك فضيلة الشيخ محمد ومن معه من الإخوة – اللهم فك اسرهم وردهم الى اهلهم سالمين – اللهم انهم في اجة عاجلة الى رحماتك فانزل عليهم رحماتك يا ارحم الراحيمن اللهم من اذاهم فآذه ومن عاداهم فعاده – اللهم فك اسرهم وفرج كربهم و ارحم ضعفهم و ردهم الى اهلهم سالمين انك انت ولي ذلك و القادر عليه

Diyaariye: Sheikh Abdullahi Abul Fadli
kulmiye99@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.