Home » Warar »

Socodkiiu Ciidamada Kenya ee Kismaayo oo Hakad galey ka dib markii Ciidamadii ugu badnaa Xarakada Al-Shabaab ay ku Daabuleen Kismanyo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in xaalad Degganaansha ahi ay ka jirto gudaha magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada hoose ka dib markii meelo Duleedka ka ah maalmihii ugu dambeeyey ay ka jireen Dagaalo aad u qaraar kuwaas oo u dhexeeyey Ciidamada Kenya oo hgarabsoiionaya kuwa Dowladda iyo Xarakada Alshabaab

Wararka ayaa waxaa ay intaa ku darayaan in la arkayo Ciidamo Xad dhaaf ah oo saacadihii la soo dhaafay soo gaarayay Magaalada.Saraakiisha maamulka Gobolkaas ee Xarakada Alshabaab ayaa shacabka ugu yeeraya in aysan bara kicin Guryahoodana ay ku sugnaadaan Islmarkaana ay qoryaha Qataan kana hortagaan Dulaanka lagu soo yahay Magaalada Kismaanyo

Guddoomiayaha xarakada Shabaab ee Magaalada kismaayo ShiikhCabdiraxmaan Xudeyfi oo ka mid ahaa Saraakiil ka hadashay goobo Fagaare ah ee Magaalada kismaaya ah ayaa ugu yeeray Shacabka ku dhaqan Magaalada Kismaayo inaysan guryahooda ka qixin kuna negaadaan degaanadooda.Guddoomiyaha ayaa sheegey in Cadowga soo duulay ay soo dhaafi kari la’yihiin meel Kismaayo u jirta wax ka yer Boqol Kiilo Mitir.

Xudeyfia ayaa farta ku fiiqay in Difaaca xarakada Shabaab uu hor fadhiyo una diiday in dhinaca kismaayo ay u soo gudbaan Ciidamadaas isa soo biirsaday isagoona wacad ku maray in ay difaacayaan Magaalada kismaayo.Ciidamadan ayaa la arkayaa oo gaaf wareegaya gudaha magaalada kismaayo kuwaasoo ku hubaysan gaadiidka dagaalka oo loo yaqaano Tignikada, sidoo kalewaxaa Dib Hawada ugu soo laabtey Idaacadii Xarakda Alshabaab

Xarakada Shabaab ayaa dib isu soo abaabushay keentayna Magaalada kismaayo Ciidamo fara badan oo ay ku xoojinaysa Difaaca ay ugu jiraan sidii aanay gacantooda uga bixi lahayn Magaalada kismaayo oo Istiraatiijiyad gaar ah u leh.

Si kastaba Dadka ayaa sheegaya in Xaaladdu markan cakiran tahay lana hureen in Dagaal Goradda la is daro, maadaama Ciidamada dawladda iyo kuwa Kiinyana ay u soo siqayaan dhinaca Magaalada Kismaayo.

Dhawaan ayay ahayd markii lagu soo waramay in Ciidamada Xarakada Shabaab ay faaruqiyeen Magaalada Kismaayo kuwaasoo in ka badan Soddon saacadood ka maqnaa magaalada hase yeeshee Ciidadii Huwanta ahaa eek u soo jeedey Magaalada Kismaanyo ayaa Socdkoodii Hakad geliyey ka dib markii ay ogaadee in aysan Sahlaneyn Gelista Magaalada Kismaanyo, iyadoo Bisha Soo socota 16 keeda ay Ciidamad Kenya u buuxsameyso Sannad markii ay soo galeen Gobolada Jubada Hoose ee Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.