Home » Warar »

Wareysi: Denjiraha Soomaaliya ee Jabuuti Guulwade

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Jabuuti, Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade), ayaa waxaa waraysi la yeeshay Maxamed Macallim Cusmaan ALLMAN ee SomaliTalk Jabuuti.

Waraysigaas oo Guulwade kaga hadlayo isbedelka ka dhacay Soomaaliya ka daawo video-ga hoose:

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Wareysi: Denjiraha Soomaaliya ee Jabuuti Guulwade "

  1. Si weyn ayaan u dhageystay warbixintaada iyo talooyinkaada qiimaha badan runtiina ey ka muuqato waaya aragnimo siyaasadeed, maamul dowladeed iyo hogaan shacab lagu dhaqo oowanaagsan oo daacad ah.

    Nin walba oo doonaya xukun ama qalbiwanaagsan, caalamka oo dhan, sidaada oo kale ayuu talo wanaagsan u soo jeediyaa mana jirto cid ka hor imaan karta ama turxaan u yeeli karta. Balse Somaliya waxaa ka jirta taariikh haatan taagan: waxaa jirta in si kadis ah Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Ahmed uu u magacaabay Ra’iisul Wasaare Mohamed Abdullahi Farmaajo. Farmaajo hore ugama hadlin fal dowladeed ee wanaagsan ama xun. Balse markii xilka loo dhiibay waxa uu muddo gaaban ku hirgaliyey dhamaan qodobada iyo talooyinka aad soo jeedineyso ee wanaagsan, sidoo kale ninkasta oo siyaasi ah oo xukun doonaya iyo nin kasta oo qalbi wanaagsan balse, sida noo cad, Somaliya ma dooneyso oo meysan dooran, sababta eysan u dooraneyna waa kaliya inuu yahay shaqsi daacad ah, waana dhibaatada heysata caalamka oo dhan, taas oo ah in xukunka laga fogeeyo dadka daacadda ah, iyadoo la leeyahay “waa shaqsi wanaagsan, balse siyaasi maahan” taas oo ey micnaheedu tahay “tuug maahan”.

    Waxaa ey su’aashu tahay haddii eynu diideyno oo eynaan dooneyn midka fuliya talooyinkan wanaagsan maxay inoo anfaceysaa ka hadalkeeda iyo sheegsheegeeda. Boqol iyo afar iyo tobanka yaan aqaan qabiilkeyga ma tihid sidaa awgeed kaama aqrisanaayo ayey Somalida maanta doorbiday. Ama diin ha sheegto sida boqolaalka magac ee maalin walba soo baxaya ama casri iyo heyadaha caalamiga ha sheegato, Somaali laga waa dhaqan aan aheyn kan baa’bi’inaaya ee ah Qabyaalad iyo daacad la’aan aan kala aqoon xalaal iyo xaaraan toona, balse qabyaalad un ah.

    Haddii laga daweyn karo cudurkaas Rabbi ha u naxariisto Mohamed Siyaad Barre ayaa ka daweyn lahaa oo arkay waqti fog in qabyaaladdu tahay cadaabta Somaliya. Sidoo kale cid tiraahda maya 4.5 iyo waanu simanahay shisheeyana uma baahnin ee gacmaha aanu isqabsanno oo u shaqeyno dalkeena iyo dadkeena waxa uu ahaa Mohamed Abdullahi Farmajo, balse labadaba Somali waa ey diidey oo waxa uga roon daalin qori sita qabyaaladdna wata ha ahaatyo tu diin ku lifaaqan ama tu caalamiga ku lifaaqan.