Home » Warar »

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud “Kenya ugu Dulqaadanmeyno in ay u Gefto Madaxweyneheenii Hore ee Shiikh Shariif”

Sam Ongeri “Shiikh Shariif waxaa uu ka mid Dadkii noo soo Gurmadey, Marka Ruux kuu soo Gurmadey Sideen u Eedeyn karnaa”

Madaxweyne Xasan sheikh Maxamud oo Shir Jaraaid ku qabtey Xarunta Madaxtooyada ee Filla Soomaaliya ayaa jawaab kulul ka bixiyey warkii ka soo yeerey Wasiirka arimaha Dibada ee Kenya Sam Ongeri ka dib markii uu Madaxseynihii hore ee DFKMG Shiikh Shariif ku eedeeyey in uu ka dambeeyey Qaraxii ka dhacay Hotelka Jasiira ee la doonayey in lagu khaarijiyo Madaxweynaha Cusub isagoo ku tilmaamey hadalkaas mid nasiibdaro ah.

“Waxaa Xiriir la sameyney Dowladda Kenya waxaana ka codsaney in ay raaligelin ka bixiyaan Warkaas qaladka ah iyagana wey naga aqabaleen” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh oo sheegey in Dowlada Kenya looga baahan yahay in ay warkaas Caddeeyaan waayo Madaxweynihii hore waxaa uu naga mudan yahay Xushmad iyo Qadarin, Dawladda Soomaaliya waxaa ka saaran in ay ilaaliso Sharafta Madaxweynaha marka u dulqaadanmeyno in meel looga dhaco Sharaftiisa.

Wararka hada naga soo gaaraya Magaalada Nairobi waxay ay sheegayaan in Magaalada Nairobi uu shir Jaraaid uu ku qabtey Wasiirka Arimaha Dibadda Kenya Sam Ongeri. Shirkaas Jaraaid oo uu ku beeniyey warkaas laga soo xigtey Wargeyska The Daily Nation oo ahaa in uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif uu ka dambeeyey Qaraxii ka dhacay Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho isagoo warkaasi ku tilmaamey mid aan waxba ka ka jirin.

“Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed waa noo soo Gurmadey waxaa uu noogu yimid Hotelka Jasiira waxaana ka muuqatey in aad uga xumaa Wixii ka dhacay Hotelka marka shaqsi kuu soo gurmadey sidee ayaan u oron karaa waa uu ka dambeeyey Qaraxaasi marka warka wargeyska waxaa uu ahaa mid aan waxba ka jirin anigana la igama soo xigan” ayuu yiri Sam Ongeri oo raaligelin ka bixiyey Warkaasi.

Dawladda Maraykanka oo Xarakada Shabaab u soo jeedisey in ay la hadlaan Dowlada Federaalka islamarkaana aysan sii lumin Waqti Dambe

Danjiraha dawladda Maraykanka u fadhiya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi ayaa ka hadlay Xaaladaha Soomaaliya ka jira.Danjire Jeemis Aswan oo Shirkiisa jaraa’id ka hadlayay ayaa sheegay in Xarakada Shabaab oo muddo Dagaal kula jirtay Dawladda ku meel gaarka Soomaaliya in weli uu ka muuqanayo mowqifkoodii ad adkaa isla markaana ay diyaar u tahay in ay sii waddo Dagaalka.

Danjiraha ayaa sheegey in Xarakada Shabaab laga qabsaday Magaalooyin dhowr ah iyadoo magaalada Kismaayo oo ah Magaladii ugu weeyned Koofurta Soomaaliya iminka gacantooda ay ka sii baxayso.Jeemis Aswan ayaa ka codsaday Xarakada Shabaab in ay la hadlaan Dawladda Federaalka Soomaaliya isla markaana aysan sii dhumin waqti dambe

Danjiraha Maraykanka ayaa intaa ku daray in Xarakada Shabaab uu mayalkoodu adag yahay isla markaana ay ka door bidayaan in ay dagaalka sii wadaan halkii ay iska dhiibi lahaayeen.Danjiraha ayaa dhinaca kale hoosta ka xarriiqay in Xukuumaddiisu ay sii wadi doonto taageeradii ay siin jirtay Dawladda Soomaaliya isagoona sheegay in Maraykanku Dhaqaale ahaan iyo Milatery ahaanba uu garab taagan yahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Dawladda Maraykanka ayaa sida la ogyahay ka qayb qaadatay Dagaalada Dawladdu ay kula jirto Xarakada Shabaab iyadoona Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee dalka Maraykanka ay dhowr mar Duqeeymo ka gaysteen degaano ka tirsan Soomaaliya gaar ahaana Gobolada Koofureed.

Dawladda Maraykanka ayaa xiligan wadda dhiiri gelinta sidii Xaaladda Soomaaliya mar kale wada hadalo loogu dayi lahaa isagoona si gaar ah xarakada Shabaab ugu yeeraya in ay ogoladaan in wada hadaladaasi ay ka qayb qaataasi loo dhameeyo dhibaatada

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.