Home » News »

Madaxweyne Farole oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Maxamad Cisman Edson, Qunsulkii hore ee Safaaradda Somalida ee dalka Kenya

19 September 2012

TACSI: Marxuum Maxamad Cismaan Aden “Edson”

Inaa Lilaahi waa innaa Ilayhi Raajicuun.

Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca dadka iyo Dowladda Puntland waxaan Tacsi tiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyskii, ehelladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Marxuum Maxamad Cismaan Aden “Edson” Qunsulkii hore ee Safaaradda Somalida ee dalka Kenya oo xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi.

Waxaan ILAAHAY Subxanahuu Wa’tacaalaa uga baryeynaa inuu Marxuumka ka waraabiyo Janadii Firdowsa, samir iyo iimaan-na ka siiyo dhammaan ehelkii, asxaabtii iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed. Aamin.

Cabdiraxman Sh. Maxamad Maxamud (Farole)
Madaxweynaha Dowladda Puntland

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.