Home » News »

Dhibaatada 4.5.ay la Timid iyo Dhaawaca ay u Geysatay Garsoorkeennii.

Dhamaal Furan oo ku socda Madaxwenaha, Mudane Xassan Sh.Maxamuud,
Qaybtii 2aad

Mudane Madaxweyne Dhambaalkaygi kan ka horreeyay waxaan ku Iftiimiyey Amaan iyo kala dambayn inoo taaba gashaa inaysan jiri doonin Haddii la waayo Garsoor hufan iyo Cadaalad dulmiga lagu Xakameeyo,sidoo kale waxaan soo sheegnay Ciidamo badan iyo Gawaari wada Qafilan oo shacabka lagu sii daayo,iyo Hawl-gal Ciidan oo joogta ah inaysan miro dhal noqon Karin Amaan lagu sugi karaana aysan jirin haduusan jirin Garsoor iyo Garsoorayaal la isku hallayn karo,islamarkaana Kasban kara Kalsoonida Shacabka,

Dowlad aan lahayn Garsoor iyo Cadaalad la isku hallayn karo Ilaahay ma lliibaaniyo,Haybad Dowaldeed iyo Qarannimana wey kala fogaadeen, Shacabkaaga Cadaalad waad ku deeqi kartaa, Amaankooda inaad sugto waad ku deeqi kartaa, Laakiin kuma deeqi kartid inaad shaqaale Dawladeed ka wada dhigto,ama wada Tacliimiso,Shacabkaaga waad ku deeqi kartaa Canshuurtooda inaad si wanaagsan ugu Maamusho,waad ku deeqi kartaa inaad u dhisto Xukuumad leh Tayo iyo wax qabad,laakiin kuma deeqi kartid Caafimaad iyo Inaad Beeraha u wada qoddo.

Mudane Madaxweyne waxaan kuu sidaa Qaylo dhaan aan kaaga sido Garsoorkeena iy Cadaaladda Qaranka,waayo waxaa tahay Astaanta Dastuuriga ah ee kulmisa Sedexda Gole ee Qarinku ka kooban yahay,waxaa tahay Taliyiha Ciidamada Qalabka sida, hadaan soo koobo dhibaatada haysta Garsoorka iyo Maqaamkiisi uu mudnaa sida uu uga hoos dhacay:

1-Garsooka iyo Cadaaladdu waa Muraayadda ay iska daawadaan shacabka, waa Hal-beega ay ku kala baxaan,waa Awoodda kaliya ee sinta Muwaadiniinta oo dhan, midabkay doonaan ha yeesheene,Masuul sare iyo Wasiir haduu lunsado Hantida Shacabka,ama si Xun u Isticmaalo Xafiiska loo igmaday,waa Xaqiir mudan ciqaabtiisa oo Dambiila ah Cadaaladda iyo Garsoorka hortiisa.Sharcigaa Sarreynta iska leh , cid ka sarraysaa ma jirto,Muwaadiniintana waa u siman yihiin Sharciga hortiisa,ama Masuul sare ha noqdo ama Muwaadin caadi ah ha noqdo,
2-Si loo xaqiijiyo u jeedooyinkaa sare ku xusan qaab dhismeedka Hay’adda Garsoorka iyo Hawl-wadeenada Garsoorkaba wey ka duwan tahy Golayaasha kale ee Qaranka sida Golaha Shacabka iyo Golaha Wsiirrada, labadan Gole ee dambe waxay ku dhamaadaan Muddo kooban,laakiin Golaha Garsoorka mudo loo calaamadeeyay ma lahan,wuu ka madax banana yahay dhamaan Mawjadaha Siyaasadda iyo Duufaannadooda,waayo waa Hogaanka u sarreeya ee isku si u koontroola Hawlaha Dastuuriga ah ee Golayaasha Qaranka,iyo Muwaadiniinta Caadiga ah intaba, Garsoorka waa Xaq-dhawraha Shacabka iyo Dawladda,

Sidaa darteed Masuuliyiinta Sar-sare ee Gasoorka iyo Garsoorayaashaba waxaa lagu soo xulaa Shuruudo Adag, Sida Aqoonta sharciga iyo Shareecada,Akhlaaqda,Kartida, Dhowr-soonaanta,iyo inuusan Siyaasadba fara gashan Karin, Xisbi siyaasi ah ku biiri Karin,Ajaanib iyo umada shisheeye la saaxiibi Karin, Xitaa Ganacsi iyo Baayac mushtar uusan gali Karin, Taa badalkeedina la daboolo baahidiisa oo dhan, si uu u dhowro Cadaaladda iyo Xuquuqda shacabka iyo Qarankaba,

3-Mudane Madxweyne dhibaatada haysta Gasoorka ma ahan kaliya midda guud ee wada haysata Golayaasha kale ee Qaranka,waxaa dhacday Nasiib darro ah Awood qaybsigii 4.5-kii inaan kula dhaqaaqnay Garsoorkii. sidii Boorsooyinkii Wasaaradaha iyo Siyaasadda ee lagu qaybsanaayay qaab qabiil,Garsoorkii waxaan ka dhignay Awood siyaasdeed oo la yiri Beel hebla qayb ha u qaadato Garsoorkii iyo Cadaaladii Shacabka ka dhaxaysay ee loo wada sinnaa!!!, Runtiina waa Xaajo Ugub ah oon horaan taariikhda Garsoorka Soomaaliyeed u soo marin,

Gudoomiyaha Maxamadda Sare,
Wasiirka Garsoorka.
Xeer-ilaalihyaha Guud ee Qaranka,
Talyaha Ciidanka Asluubta oo Raacsan Garsoorka,
Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Qaranka,

Dhamaantood waa Bal Beel ah oo kamid ah Beelaha Soomaaliyeed.3-Bilood ka hor waxaa banaanaatay Jagada Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka,waxaa dalab soo gudbistay dhowr qofood oo sharci yaqaanno wada ahaa, Gudoomiyaha Maxkmadda Sare wuxuu kulmiyay GOLAHA ADEEGGA GARSOORKA, si ay u kala xushaan, kii ku haboonaada Shaqadana ay soo jeedin ugu gudbiyaan Madaxweynha JFS, laakiin waxaa dhacday Nasiib Daro ah in Wasiirka Garsoorka een wali Xilkii wareejinin inuu si Toos ah u soo fara gashaday ka dibna inta Miiska u garaacay Golaha Adeegga Garsoorka yiri “Meeshu waa Awood qaybsi 4.5. Jagada Xeer-ilaaliyaha guud Beeshaydaa iskaleh ee yaan been loo sheegin Soomaalida kale”,wuxuuna keenay nin Beeshiisa ah sidaana loogu qasbay Golihii Adeegga Garsoorka inay soo sharraxaan Wasiirka ninkii ay isku Beesha ahaayeen, loona Magacaabay inuu Noqdo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka,

4-Mudane Madaxweyne Runtii Beelaha Shacabkaygu uu ka kooban yahay waan wada jeclahay Beel aan lid ku ahay ma jirto ama wax ay heli lahayd aan ka hor istaagayo,kaliya waxaan rabaa inaan Farta ku fiiqo Garsoorka iyo Cadaaladda hadii la siyaasadeeyo,hawl-wadeenada Garsoorkana lagu soo xulo Qaab Qabiil waxaan wada garan karraa meeshaas Meel Cadaalad laga filan karo ma ahan, Garsoorkana Garsoor Ummad u dhaxeeya ma ahane,waa Saami ay Beel Beelaha ka mid ah Qayb u heshay, waa Doorshihii iyo Kac-kicii 4.5-lagu qaybsanaayay.

Halkaa waxaa inooga cadaanaysa Masuulka Sare ee qabtay Xilka Garsoorka kuna qabtay Magaca Qabiilkiisa: Garsoorayaasha ka hoos shaqeeya kalsooni darrada soo wajihi karta iyo haday maamul ahaan isugu dhacaan, Madaxdii Garsoorkoo dhanna ay yihiin dad Ilama Adeer ah oo wada dhashay inuusan heli doonin meel uu dulmigiisa u sheegto Ama uu ku dacwoodo hadii loo xaq soori lahaa kolay tahay wuxuu qaadi karaa Dareen cabsi ku jirto iyo Fikir ah in Garsoorkii Qaranka Reer Hebel saami iyo Awood qaybsi u heleen, Isna Beel kale kasoo jeedo.

Muwaadinka caadiga ah ee kasoo jeeda Beelaha kale markay Dacwad dhaxmarto muwaadin Caadi ah oo ka soo jeeda Beesha Garsoorka Xukunta waxaa dhici karta inuu ka xoog iyo Gal-gal badiyo kan-kale ama uu ku qanciyo inuusan waxba ka qaadi Karin kuna qasbo inuu dulmigiisa iyo Gardarradiisa u hogaansamo ,waayo Hay’adda Garsoorka waa Hay,adiisi uu ku helay Awood qaybsiga 4.5.ka.

Haduuba meesha soo Galo Dareen ah In Beel Hebla Hay’adda Garsoorka Awood Qaybsi u heshay waana Dareenka hadda ka dhax-jira Shaqaalaha Garsoorka: Waxaa meesha ka baxaysa Haybadii iyo Dhex-dhaxaadnimadii looga baahnaa Cadaaladda iyo Garsoorka, Waa Dhaawac Culus iyo Dhabar jab soo wajahay Garsoorka iyo Madax banaanidii uu caanka ku ahaa,iyo Xanuun,kalsooni darro Damiirka iyo dareenka Shacabka Soo food saartay,

Gunaanad

Mudane Mdaxweyne Dowlad iyo Qaranimo hadaad rabto waa Ciidan Tayo leh iyo Garsoor la isku hallayn karo.Tusaale, Shaqaalaha Garsoorka ee 16-ka Degmo ay ka kooban tahay Muqdisho + Garsoorayaasha Maxkamdda Sare + Xeer-ilaalinta Qaranka iyo dhamaan Shaqaalaha Garsoorka Muqdisho waxaa Qaada 2-Bas oo Koostarra ah,waa 100 qofood qiyaastii ama ka yar daryeelkooda iyo Guryo Amaan ah in la dijiyaa Kharash badan iyo khasaare ay Dawlad qaadi weydo ma ahan, Garsoorkii iyo Cadaaladiina way inoo hirgali doontaa,Goballada wadanka oo dhanna tan uga qiyaas qaado,Kharash Garsoorka ku baxa iska daaye waxaa soo Xaroon doonta Malaayiin iyo Malaayiin Doollar oo kasoo xaroon doonta lacagaha Canshuurta ah ee laga qaado furitaanka GAL-DACWADEEDKA, iyo Xukunnnada GANAAXYADA LACAGEED ee lagu xukumo Dambiilayaasha,Cadaaladii iyo Kala dambayntiina way soo laabanaysaa.kaliya waxaan u baahanahay Hay’adda Garsoorka oo dib loo habeeyo ka dibna la Maal galiyo,

Haday inoo dhismaan qaybaha kala duwan ee Hay’adaha Dambi Baarista Ciidanka iyo Garsoorka,Haday inoo dhismaan Kaabayaasha Qaranka sida Bankiga Dhexe,Xisaabiyaha Guud,Hanti Dhowrka Guud, Waxaad ku guulaysatay inaad dhisto Xukuumad Tayo iyo Wax-qabad leh, waayo waxaad haystaa Awood aad ku Xakamayso Musuq-maasaqa iyo Dambiyada joogtada uga dhaca Masuuliyiinta sar-sare ee loo igmaday Hawsha iyo Hantida Qaranka, Haday kuu dhisan yihiin laamihii la xisaabtanka ,Dambi Baarista iyo Garsoorka Ma jiri doono Wasiir iyo Maareeye ku dhiirran doona inuu lunsado hantida Qaranka kadibna Qabiilkiisi Dabada la gali doona,laakiin Naguma filna Baahida Xukuumad tayo leh loo qabo darteed inaad is tiraahdo waxaan Xulan doonaa Ra’iisul Wasaare iyo Wasiiro aad is leedahay wey fiic-fiican yihiin kaliya,Agabkii iyo Qalabkii lagu Koontarooli lahaana aysan kuu diyaarsanayn.
Avv.C/Qafaar Shiikh Axmed
E-Mail: dool38@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.