Home » Warar »

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo ku sii jeeda Magaalada New–York ee Cariga Mareykanka

Waxaa la filayaa in 23 bishaan September uu Dalka ka ambabaxo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, waxaana uu tagi doonaa Magaalada New York ee Cariga Markeykanka halkaasuu kaga qayb geli doono Shirkii Sannadlaha ahaa ee Qaramada Midoobey oo ay ka qayb galaan Madaxda Dunida.

Madaxweynaha ayaa waxaa la sheegey in safarkaan uu yahay safarkii ugu horeeyey ee uu dalka uga ambabaxo iyadoo inta uu joogo Dalka Mareykankaa uu la Kulmi dooono Madaxda Wadamada ka soo qaybgeli doona Shirkaas oo looga hadlo dhibaatooyinka ka jira Dunida islamarkana Qaramada midoobey ay warbxino ka dhageysato Madaxda Dunida.

Madaxweyne Xasan shiikh ayaa inta uu joogo Dalkaas waxaa la kulmi doonaa Jaaliyadaha dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolada wadanka Mareykanka ,waxaana lagu wadaa in uu warbxin siiyo shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaas, sidoo kale waxaa uu Madaxweynaha Cusub Prof Xasan Sheikh la filayaa in uu soo mari doono wadamo kale.

Hassan Sheikh Mohamud Somalia PresidentMarka uu soo dhameysto Safarka waxaa uu deg deg ugu soo laaban doonaa Magaalada Muqdisho markaas oo uu ku dhawaaqi doonaa Raiisul Wasaaraha Soomaaliya, warar kale ayaa sheegaya in Madaxweynaha inta uusan wadanka ka amababixin uu ku dhawaaqi doono Raiisul Wasaaraha Soomaaliya oo la sheegey in ay tartan weyn ugu jiraan Siyaasiyiin Far badan.

Saddexdii sanno ee ugu dambeysey Shirkii Qaramada Midoobey waxaa ka qayb galayey Madaxweynahii Doorashada looga guuleystey Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maanta ka qay galaya Caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya oo ay ka soo qayb galeen Madax fara badan oo ka tirsan Beesha Caalamka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo ku sii jeeda Magaalada New–York ee Cariga Mareykanka "

  1. hiirad says:

    codsi sixid
    waxaan dalbaynaa in uu saxo goraaga qorlaalkan qoray in uusan madaxwaynahiii hore uusan sanadkii u danbeeyay uusan shirka sanadlaha ah ka qayb qaadan ee uu u soodiray rai’zalwasarihiisii xiligaas .