Home » Warar »

Cabdiraxmaan Faroole oo Isku Shaandheyn ku Sameeyay Golihiisa Wasiirada islamarkaana ku sii jeeda Muqdisho

Wareegto ka soo baxaday Xafiiska madaxweynaha Maamul Goboleedka PuntLand ayaa qaar ka mid ahaa Golaha Wasiirada Xilkii Wasaaradaha ay hayeen looga qaaday.

Wareegtada oo soo baxday Sept 15, 2012 Ka Akhri Halkan

Wasiirada Xilalkoodii waayay waxaa ka mid ah Caasha Cabdi Geelle Wasiirkii arrimaha haweenka iyo Qoyska taasoo xilkaasi haysey mudadii Todobada sana ahaydee la soo dhaafay iyadoona lagu bedelay Xaliima Xasan Xaaji oo iyadu noqonaysa wasiiradda Haweenka iyo arrimaha Qoyska ee Puntland.

Sidoo kale waxaa isaguna Xilkiisii waayay Wasiirkii Warfaafinta ee Maamulka Puntland Axmed Cali Askar oo isaguna lagu bedelay Maxamuud Cabdi.Waxaa kale ka mid ahaa wasiirada Xilkoodii Waayey Wasiirka deegaanka oo isaguna xilkii Wasaaraddaas laga qaaday.Isku Shaandheynta uu sameeyay Faroole ayaa sidoo kale waxa ay saameysey Wasiiro dawlayaal, wasiiro ku xigeeno ka tirsanaa maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa markii uu wareegtadaas sii soo saaray waxaa uu shir kula yeeshay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe Golaha Wasiirada ee maamulkiisa iyadoo Ajandaha ugu ballaaran oo ay shirkooda kaga hadlayaan ay ugu horreyso sidii is bedel muuqda loo sameyn lahaa.Warku waxaa uu intaa ku daray in Madaxweynaha oo iminka shir ku leh xarunta Madaxtooyada ee Magaala madaxda Garoowe marka uu soo dhamaysto Shirkiisa inuu u soo duuli doono Magaalada Muqdisho.

Imaatinka faroole ee Muqdisha ayaa waxa ay Ujeedadeedu tahay isagoo ka qayb galaya Munaasibadda caleema Saarka Madaxweynaha Soomaaliya oo maalinimada berri ah ka dhici doonta Xarunta Madaxtoyada ee Magaalada Muqdisho. Si kastaba ha ahaatee lama garanayo sababaha iminka keenay in Madaxweyne Faroole uu isku Shaandheeyo Golaha Wasiirada ee Xukuumaddiisa.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.