Home » Maqaallo »

Rajo Caqabad Wadata

Somaliya waxey soo martay cadaab ay iska kaashadeen koox diimeedyo raba xukun ay xoog ku qabsadaan, hogaamiye dhaqameedyo qabiil raba in qabyaalad wax lagu xukumo, ganacsato burcada oo maalgelinaya shaqsiyaad dowlada uga dhex adeega, wadamada deriska oo raba in siyaasada gudaha ee Soomaaliya ay taladooda yeeshaan, bulshada caalamka oo dooneysa in deeqda Soomaaliya la siiyo inta badan ay dib u boobaan inta yar ee soogaartana ay ku ceebeeyaan madaxda Soomaaliyeed oo laaluush ahaan ay iyagu u geliyaan, xildhibaanadii oo lacagtooda ku soo galay baarlamaanka codkooduna yahay beec, iyo dowlad-goboleedyo raba in caalamka ay dowlada Soomaaliya barbar socdaan.

Shacabka Soomaaliyeed waxey qabaan xanuun iyo murugo kaga timid hogaanxumo dhanka siyaasada, waxeyna ka quusteen iney helaan dowlad tixgelin siisa codka shacabka iyo rabitaankooda. Dadweynaha Soomaaliyeed waxaa soo gashay hididiilo wanaagsan markii ay UNka go’aamisey in Soomaaliya loo sameeyo dowlad la aqoonsan yahay oo dhameystiran. Waxey ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto dib ugu soo noqotay rajadii ay u qabeen wadankooda iyo in la helo hogaamiye caadila oo daacada oo Soomalya ka samatabixiya dhibaatadii ka soo gaartey dowlad la’aanta.

Waxaa rumodey in Soomaaliya ay yeelatay hogaamiye cusub, doorashadaas oo soo kordhisey taabagalka dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo madaxbanaan. Shacabku waxey soo dhoweeyeen isbedelka siyaasadeed oo lagu tuuray madaxdii KMG, kuwaas oo abuuray rajabeelka salka ku haysey wadashaqeyn la’aantooda iyo u adeega danaha wadamada deriska. Doorashada hogaanka cusub wuxuu ku yimid hantidiisa iyo naceybka loo qabey madaxdii KMG. Doorashadii lagu soo doortay hogaanka cusub ma ahayn mid ku timid codeyn siyaasadeed iyo tixgelin rabitaanka dadka ama taageero loo hayey fikirka musharaxa guuleystey. Waxaa lagu qiyaasay musharixiinta iibsaday codadka in wadajir ahaan ay ku bixiyeen suuqa cod gadashada lacag lagu qiyaasay 31 million oo Dollar.

Wax badan lagama yaqaano hogaamiyaha cusub, waxaase xusid mudan in wajiga cusub iyo siyaasada cusub ay ahayd  waxa ay shacabka Soomaaliyeed ku soo dhaweeyeen madaxweynaha cusub. Sidii uu doonaba ha ku yimaadee, waxaan aaminsanahay in madaxweynaha cusub uu yahay rajo uguba oo u dhalatay shacabka Soomaaliyeed, himiladaas oo salka ku heysa in dib loo soo celiyo aayaha mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed, taas oo ah gobonimadii, ismaamulkii dowladnimada Soomaaliyeed iyo madaxbanaanidii qaranimada Soomaaliyeed.

Iney hana qaado dowladnimo Soomaaliyeed oo u madaxbanaan ismaamulkeeda waxaa caqabad ku ah siyaasadxumo ka dhalata dhaqanka uu la yimaado hogaamiyaha cusub. Marxalada uu hadda wadanku marayo wuxuu u baahan yahay hogaamiye go’aan adag oo dadkii shacabka soo dhibaateeyey si naxariisdaro ah uga qaban kara, shacabkana u fidinaya daryeel naxariis badan leh. Waxaan shaki lahayn cid kasta oo gacan saar la leh koox dimeed iney kooxdaas hogaanka dalka si dadban ula wareegayaan, go’doona ay gelinayaan hogaamiyaha iyaga oo ay dantoodu tahay helida isbedel bulsho, dhaqaale, iyo siyaasadeed oo u gaara afkaartooda qarsoon.

Soomaaliya maanta waa sabool, dowlada la dhisayana wax dhaqaala ma heysato. Kaalmada shisheeyahana waxaa ku xiran shuruudo qarandumis ah. Wadanka waxaa jooga ciidamo shisheeye oo bulshada caalamka ay bixiso qarashkeeda, sidoo kale inta badan dadka Soomaaliyeed waxaa maciishadooda kaba gargaarka shisheeyaha laga soo tuugsado, waxaa intaas wehliya shirkado badan oo aan dowli ahayn iyo kuwo macaash doona oo ay naasnuujiyaan deeqbixiyeyaasha caalamka. Arrimahan aan soo xusay waxey caqabad ku yihiin howsha dowlada maadaama kuwaas ay yihiin kuwo xalaaleystay iney buuxiyaan adeega dowlada oo ay galaan maqaamkii dowlada. Soomaaliya waxey u baahan tahay iney dhisato ciidan qaran iyo dib u howlgelinta hayadaha dowliga si ay u fuliyaan adeegyadda aasaasiga ee bulshada.

Caqabadahaas ku hor gudban rajada laga qabo dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo madaxbanaan waxey ku xiran tahay dhaqanka siyaasadeed oo uu soo bandhigo hogaamiyaha cusub kaas oo tijaabo u ah waxqabadka gudaha iyo iskaashiga caalamka. Waxaa marag ma doonto ah in dhibaatooyin fara badan ay ka jiraan wadanka gudihiisa oo saboolnimadu ay ka tahay hormuud, waxaa sidoo kale u baahan kalsooni fara badan in lagu furdaamiyo sidii amaah bixiyeyaasha caalamka looga heli lahaa iskaashi si loo helo dhaqaale lagu socodsiiyo howlaha dowlada, taas oo in badan ay ku xiran tahay meelmarinta danaha wadamada shisheeye.

Afarta sanno ee soo socota isbedelka la damacsan yahay ayaa rajooyinka ugu waa weyn waxaa ka mida in sanduuqa codbixinta laga wareejiyo baarlamaanka loona gudbo cod toosa oo ay muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan u doortaan madaxdooda. In laga gudbo hogaamiyeyaasha dhaqanka oo xubnaha howlwadeenada dowlada ay u soo xulaan si ay dowlada wakiil uga noqdaan danaha beesha. In dhaqaalaha wadanka laga xoreeyo ganacsatada u abaabulan qaab kooxeedka ku saleysan diinta iyo danaha kelinoolaashaha ama xaaran ku taajirnimo. Waxaa kaloo rajo laga qabaa in howlgab dhinaca siyaasada laga dhigo shaqsiyaadkii ka soo qeybgalay xadgubyadii ama gaboodfalkii ka dhacay wadanka laga soo bilaabo 1960. In aqoonyahanka Soomaaliyeed dib wadanka loogu soo celiyo, laguna wareejiyo xilalka ay astaahilaan iyaga oo lagu qiimeynayo aqoonsigooda waxbarasho, shardina aan looga dhigeyn in odey dhaqameed aan waxba qorin waxna akhrin uu shaqo geeyo si uu isaga iyo beeshiisa ugu adeego.

Waxaa rajobeel ku dhamaanaya afarta sanno ee soo socota haddii caqabadahaas la gudbi waayo, gaar ahaan kuwa ku xiran xiriirka wadamada horumaray oo daneynaya arrimaha Soomaaliya.

 

Dr. Saciid Ciise Maxamud

Gudoomiyaha Xisbiga Dadka

saciidciise258@aol.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.