Home » Faallo »

DHOWRISTA DEEGAAN WAA AS-AASKA NOLOSHA

Qore

Guddoomiyaha Hay’adda Dhowrista Deegaanka Soomaaliya

GREEN SOMALIA (GS) NGO

Abdulkadir Mohamoud Walayo

Waxaan laga murmurni karin in bani’aadmigu yahay abuurista Eebe haybta ugu caqliga badan. Eebe wuxuu uumay nafley kale oo iyadana la hubiyay inay ku caqli dhowdahay amaseba aadanaha wax dheer tahay, dhir iyo jamaad, kuwaas oo kaabaya ama dhameystiraya nolosha aadanaha si toos ah amaseba si dadban. Nafleyda qaar waxay dheeli tirtaa waxaa loo yaqaan “Ecological System”. Qaar kalena aadanaha ayaa si toos ah uga manafaacsada. Waxaa ku jira raxmad Eebe iyo qurux indhuhu doogsadaan oo xiise iyo jacayl geliya qofka noloshiisa iyo jiritaankiisa inta uu ku nool yahay koonka dushiisa. Waa mid ka mid ah aayadaha lagu rumeeyo jirista Eebe.

Ilaa iyo markii Eebe uu aadanaha ku uumay dunida guudkeeda oo ku hoyanaayay godadka ilaa iyo maanta oo uu ku haminaayo inuu dego dayaxa guudkiisa isla markaana ka warqabo xiddigaha kale ee fogfog sida Mariiqa iyo kuwa kale wuxuu mudadaas, aan tiro lagu qiyaasi karin, dabeecada kula jiray kulana sii jiri doona faltan joogto ah ilaa inta ay noloshu jirto. Aadanuhu wuxuu ku baahi baxayay wuxuu ka hela dabeecada Eebe u dulleysiiyay inuu siduu doono, si caqli ah, ugu noolaado ayadoo laga dhowrayo israaf iyo wixii soo raaca. Baahida waa joogto. Taranka aadnaha waa sii kordhaya waqtiba waqtiga ka dambeeya ayadoo tirade hadda jirta lagu qiyaasay ilaa 7 billyan oo dad ah halkan ay welibana aan hadana sida badan la saadaalin karin waxay dabeecadu la imaaneyso xumaan iyo samaan.

Ka manafaacaadsiga aadanuhu ka manafaacsadsanaayo abuuristaas ayaa loo baahan yahay inay tahay mid ku dhisan xisaabtan iyo qorshe cilmiyeysan si jiilba jiilka xiga uu reebo, dhaxal ahaana, nolol tayo wacan leh. Haddaba taas waxay ku imaan karta in ku dhaqashada dadku ku dhaqanayo barriga, biyaha iyo hawada deegaanka ku weegaarsan si haboon loo maareeyo “sound environmental management”.

Marka la soo qaado deegaan dadka badankiisa waxaa maskaxdooda ku soo dhacaya deegaan-gadoon ama dhalan rog “pollution”. Si wacan u maareynta deegaanka waxaa looga samato baxa dhallan roganka deegaanka, nabaadguurka, iyo si aan ka soo kabasho lahayn, hawllowga kheyraadka.

MAXAA LOO YAQAAN DEEGAAN

DEEGAAN (environment) waxaa lagu fasira dhamaan habka biyoljiga iyo fiisiyada ee aadanaha iyo xubnaha kale ay ku wada nool yihiin.

Aqoonta iyo kaska aadnaha inkastoo ay sii kordheyso oo iqtiraac hor la soo saarayo, hadana way kooban tahay marka la garab dhigo dhibaatooyinka uga imanaya iqtiraaca, ayadoo ay taasi jirto ayaa waxaa guul ah isku dayga aadunuhu isku dayayo inuu u baabaca dhigo dhibaatada inta markaa karaankiisu joogo mashaqooyinka wax gummaado sida dhul gariirka, duufaanka, qaraxa suntan burkaanooyinka, warshadaha nuklearka ee tamarta loo isticmaalo iwm kuwaasoo si aad ah wax ugu dhima degaanka. Mashaqooyinka dabiiciga (Natural disasters) inta ay dhacayaan qasaaraha ka yimaada, aadanaha isagoo mitidaaya kalana reeban inta karaankiisa la’eg yahay wuxuu isku dayaa inuu wax baajiyo. Isagoo adeegsanaya aqoonta iyo teklonojiyada casriga ah aadanuhu wuxuu miisaama qasaaraha xadigiisa, goorta iyo goobta uu ka dhacay. Wuxuu isku daya inuu qasaaraha masiibada ka gashaanta amaseba yareeyo. Ku tala galka noocan aadanuhu marna wuu asiiba marna waa la soo dhaweeya. Tusaale ahaan waxaa loo soo qaadan karaa habka digniinta hore “Early warning system” ee dhul iyo badgariirka (Tsunami) iyo sadaasha hawada.

Dhibaatada aadanaha ma aaney cabsi gelin, balse waxay u kordhisay waaya-aragnimo iyo aqoon cilmi ah. Taas ayaa yididiilo hor leh iyo dardar cusub oo dhadhan u yeesha nolosha aadanaha inuu tiigsado berri iyo waqtiyada soo socda ee dhow ama fog. Feker badan iyo daraasa waqti dheer la waday, culimo badan iyo siyaasiyiin ka tirsan wadamada qaar waxay u arkeen in, bacdamaa hoos u dhaca tayada degaanka aaney soohdin lahayn, uu aadanuhu iska kaashado sidii loo dhowri lahaa degaanka.

SHIRKA CAALAMIGA AH EE DEEGAANKA AADANAHA

INTERNATIONAL CONFERENCE ON HUMAN ENVIORNMENT

Sidaa darteed, waxaa magaalada Stockholm, Sweden intii u dhaxaysay 5 ilaa 16 June 1972 lagu qabtay shirkii duwaliga ee deegaanka aadanaha ‘INTERNATIONAL CONFRERENCE ON HUMAN ENVIORNMENT, shirkaasoo noociisu ahaa kii ugu horeeyay ee la dhigo.

Shirkaas kaddib waxaa aduunka dhamaan laga dareemay baahida loo qabo dhowrista deeganka aadanaha ku dhex nool yahay ayadoo aqoonyahanada culunta sayniska ay sammeeyaan cilmi baaris qoto dheer si loogu guntado oo tallaabooyin hor leh laga qaado sidii loo xaqiijin lahaa nolol wacan ay gaareen jiilka maanta iyo kan kale ee soo socda.

ABUURISTA BARNAMIJKA QARAMADA U QAABILSAN DHOWRISTA DEEGAAN

UNITED NATIONS ENVIORNMENT PROGRAM

(UNEP)

Kalfadhiga 27aad ee shirka guud ee Qaramada Midoobay go’aanka tirsigiisu yahay 2997 ee 15 Disember 1972 wuxuu u xilsaaray Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhowrista Deegaanka inay la socoto hadba heerka uu marayo xaalka deegaanka adduunka “THE STATE OF WORLD ENVIORNMENT” si loo hubiyo dhibaatooyinka ka dhalanaya deegaanka oo aragti caalami leh si dawladuhu uga qaataan tallaabooyin iyo tixgelin haboon.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhowrista Deegaanka UNEP oo xarunteedu ku taal Degmada Gigiri magaalada Nairobi, Kenya, waxaa aqoonyahannadu isku dhaafsadaan daraasaadka iyo cilmi barista ay ka sammeeyeen dhowrista deegaanka adduunyada guud ahaan iyo wadamada keli keli ah gaar ahaan.

Waxaa labadii sanaba mar la iskugu yimaada shirka Golaha Idaariga (Governing Council) waxaana lagu jaangooya sidii aadunuhu uga manaafacaadsan lahaa dabeecada isagoon dhibaato u geysan aasaaska nolosha ee deegaanka isla markaana qiimeyn ku sameynaya wixii hadba ku soo kordhay nusqaan iyo horumar.

Wadamada badankood waxay abuureen Hay’ado wadan kasto u qaabilsan dhowrista deegaanka ayadoo hay’adaas loo xilsaaray inay u ururiyaan xogta xaalada deegaanka meesha ay marayso tiiyoo wixii isku qaarad ah isla deris ah ay si wacan iska kaashaadaan dhowridda Deegaanka.

KHEYRAADKA QAARADA AFRIKA

Afrika waxay leedahay keyd baaxad weyn oo wax tar aadane ah (human resources). Boqolkiiba 97, Afrika waxay leedahay macdanta Kromo, boqolkiiba 89 waxay keydka adduunka leedahay macdanta platinum, 64 % waxay leedahay macdanta manganeeska, 35 % waxay leedahaya macdanta yuraaniyamka, 13 % waxay leedahay macdanta naxaasta, iskaba dhaaf macdanta bauxinta, nickel, iyo lead, 20 % waxay leedahay quwada korontada dhalisa ee biyaha,75 % waxay leedahay soo saarka Kokao, iyo sedex meelood hal meel waxay leedahay soo saaraka bunka.

Ayadoo ay kheyraadkaas leedahay ayaa haddana qaarada Afrika waxaa ku yaal 22 dal 30 dal oo aduunyada loo aqoonsan yahay kuwa ugu saboolsan oo horumarkoodu hooseeyo “LEAST DEVELOPED COUNTRIES – LDCs”. Kheyraadkaas waxa si xun u baa’biyay maareyn xumo dhanka deegaanka.

LAMA DEGAANKA AFRIKA

Haddii aan soo qaadano dhibaatada lama deegaanka, qaarada Afrika lama degaanka hadda jira oo baaxadiisu ay dhan tahay in ka badan 16.377.000 kms 2 ka sokow, waxaa halis ku jira dhul qiyaastiisu tahay in ka badan 10 Kms oo dhan walba ah inuu lama deegaan noqdo. Inkastoo cimilada, nooca ciida iyo dhirta iyo sababo kale ay sii xoog leh dhulka nugeyl uga dhigi karaan inuu lama deegaan noqdo, hadana waxaa xaalkaas sii murjiyay daajinta xadaafka ee xoolaha iyo ficilka aadanaha.

Tallaabooyinka go’aan qaadashada ee ku aadan si wacan u maareynta kheyraadka Afrika waxaa masuuliyadeeda hor iyo horraanba iska leh dawladaha Afrika. Dabeecada mushkilada deegaan ee Afrika haysata bacdamaa uu muggeedu weyn yahay isla markaana ay jiraan wadamo deegankoodu isku dhibaatpo qabo, masuuliyad wadajir ah ee deegaan dhowrista waxaa wada wadaaga Gobolka Afrika guud ahaan iyo gobol-hoosaadyada isku dhow (sub-regional groups).

Hay’adda UNEP xafiiskeeda Gobolka Afrika (UNEP REGIONAL OFFICE FOR AFRICA) markii uu daraaso ku sameeyay, siyaasiyiin iyo xeeldheerayaasha deegaanka Afrika waxaa qaarada loo qaybiyay 7 gobol hoosaad tiiyoo gobol hoosaad walba ay ka tirsan koox wadamo ah oo qaba dhibaatooyin isku mid ah ee xagga deegaanka. Gobol-hoosaadkyada waxay kala yihiin: Gobolka Hoosaadka Jasaa’irka Afrika waxaana ka mid ah Jasaa’irka Komoro, Mauritius, Madagascar iyo Seychelles. Gobol hoosaadka Afrika Dhexe waxaana ka mid ah wadmada Cameroun, Central African Republic, Congo, Equatorial Guinea, Gabon, Sao Tome and Principe. Gobol hoosaadka Bariga Afrika, waxaana ka mid ah wadamada Burundi, Ethiopia, Kenya, Rwanda, Tanzania, Uganda, Zaire iyo Zambia. Gobol hoosaadka Afrikada Woqooyi waxaa ka mid ah wadamada Algeria, Libya, Mauritania, Morocco iyo Tunisa. Gobol hoosaadka Afrikada Koonfureed waxaana ka mid ah wadamada Angola, Botswana, Lesotho, Malawi, Mozambique, South Africa, Swaziland iyo Zimbabwe. Gobol hoosaadka wadamada ka hooseeya saxara waxaana ka mid ah wadamada Cape Verde, Chad, Egypt, Djibouti, Mali, Niger, Sudan, Somalia, iyo Burkina Faso (formerly Upper Volta). Gobol Hoosaadka Afrikada Galbeed waxaana ku jira wadamada Benin, Gambia, Ghana, Guinea, Guinea-Bissau, Ivory Coast Liberia, Nigeria, Senegal, Sierra Leone iyo Togo.

Wadamo badan oo Afrikaan ah oo ka qayb galay aqoonisweydaarsiyo ay gobol hoosaadyaasu ku kulmeen muddo hore waxay dhibaatada deegaan ay ka siman yihiin u arkeen astur la’aanta saxarada aadanaha iyo biyaha guriyaha loo isticmaalo oo sidii la rabay aan looga haqab-b eeli Karin, taasoo wax u dhimeysa heerka nolosha magaalooyinka iyo dhulka miyiga.

Waxaa kaloo mushkilo weyn ee deegaan ee Afrika ku soo fool yeelatay loo aqoonsaday cudurada deegaanka sida calool baxa iyo xanuunka mindhicirka (enteric diseases) oo ay ka mid yihiin daacuun caloolaha iyo cudurada (vector brone) ee biyaha sida gaadi dhiiga, (schistosemiasis), duumada (malaria), lugo bararka ama lugo maroodiyowga (filariasis) iyo (oncherciasis) oo ka yimaada biyaha guriyaha loo isticmaalo oo sidii la rabay aan ugu filneyn iyo caafimaad darro ka timaada maareyn xumida biyaha. Hoy la’aanta, tiro iyo tayo ahaan iyo cunto yarida ka timaada hoos-u-dhaca waxtarka dhul beeraadka iyo dhibaatooyinka ka yimaada mashaqooyinka dabiiciga sida abaaraha iyo yarida, tiro ahaan, xaabada la shito ayaa loo arkaa inay yihiin caqabo ku hor go’an sidii loo gaari lahaa nolol lagu qanci karo.

Dhibaatooyinka sida tooska ugu xiran waxaa ka mid ah maareyn xumida ka manafacaadsiga khyeraadka deegaanka ee xagga horumarinta, baabi’inta dhirta, si xun u isticmaalka beerashada, kas u goynta geedaha, dhir jarista oo aan la garab wadin dhireyn, nabaadguurka magaalooyinka iyo miyiga, baahida looga qabo dib-ugu-dhaqmaalka dhulka laga qotay macaadinta iwm, dhulka daaqsinka oo daaqa laga laayo iyo maamul xumida daaqa, lama degaanka, dhaqaaqa bacaadka iyo dabaysha, dhowris la’aanta xoolo duurka iyo hoygooda, ugaarsiga xad-dhaafka ah, wasaqeynta biyaha dhulka korkiisa taasoo sida badan ka timaada xagga warshadadaha iyo guriyaha iyo waraabka beeraha, dhalanrogga iyo xaalufka biyaha dhulka hoostiisa, wasakheynta biyaha dhulka ka kor sida badaha, webiyada, durdurada, qatarta nafleyda badda ku nool, baabi’inta dhagaxa badaha ee loo yaqaan “coral reef” iyo doogga badaha “mangrove” iyo nabadguurka dhulka xeebaha.

Waxaa sidii la rabay aan hawl looga qaban arrimaha deegaana ee xagga warfaafinta, waxbarashada, tababarada, iyo u hoggaansanaata shuruucda dhowrista deegaanka. Waxaa loo baahan yahay in ahmiyad gaar ah la siiyo korna loo qaado dareenka dadweynaha ee xagga deegaanka loona qabanqaabiyo barnaamijyo ujeeda ilaalinta degaanka iyo xiriirka ka dhaxeeya horumarka iyo deegaanka iyo xiriirka u dhexeeya kheyraadka badda-berriga, awooda ka haqabtirka baahida aasaasiga ah aadanaha iyo xilka beesha ka saran daafaca deeganka iyo ayadoo loo diyaarinayo hanuun lana dhiri geliuyo itijaaha horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada tiiyo maanka lagu hayo wanaajinta baahida aasaasiga iyo tayada nolosha ee dadka oo dhami, Yoolka ugu horreeya ee Horumarkaas lagu gaari karo inuu yahay dhowrista deegaanka.


W/D Cabduqaadir Maxamuud Walaayo

Saxafi Somali

E-Mail : walaayo@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.