Home » Warar »

Soomaaliya: Banaanbaxayaal Careysan oo ka soo Hor Jeeda Filimkii Lagu AfLagaadeeyay Nabigeena NNKA

iyo Ahlu Sunnah oo sheegay in ay Bar tilmaameedsanayaan kuwii aflagadana u gaystay Rasuulka Suuban SCW..

Waxaa Maanta qaybo ka mid ah Gobolada Soomaaliya si weyn la isugu soo baxay banaanbax looga soo hor jeedo Filimkii dhawaan lagu af lagaadeeyay Diinta Islaamka iyo Nabigeenii Suubanaa Naxariis iyo nabadgelyo Dushiisa ha ahaatee.

Banaan baxyadan ayaa meelaha ay ka dhaceen waxaa ka mid ah Magaala Madaxda soomaaliya ee Muqdisho halkaasoo ay isku soo baxeen boqolaal qof oo qayabaha kala duwan ee bulshada ka koobnaa oo wejiyadooda caro aad ah laga dheehan karay.

Banaanbaxayaashan ayaa socod dheer ku maray wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho kuwaasoo ku qaylinayay ha Dhaco Maraykanka, Israa’iil ha dhacdo iyo hadalo kale oo ay ku diidayeen falkaas lagula kacayn Nabi Muxamed CSW. Sidoo kale waxaa magaalada Gaalkacyo maalintii labaad ka soccnaya Banaanbax looga soo hor jeedo Filimkii dhawaan lagu soo dayay Interneetyada laguna xumaynayay Sumacadda Diinta islaamka iyo Sharafta Nabeegeena NNKH.

Banaanbaxayaashan maanta isugu soo baxay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa dalbnayay in tallaabo muuqata laga qaado kuwii Filimkaas Jilay iyo intii Hindistayba. Banaanbaxayaasha ayaa sidoo kale Naclad Dusha uga tuurayay xukuumadda Maraykanka oo Dadka Filimka sameeyay ay haystaan dhalashadiisa in kastoo Ninka Filimkaas sameeyay uu asal ahaan ka soo jeedo Qidbiyiinta Reer Masar ama Faraacinadii Reer Masar.

Magaalada guri Ceel ee Gobolka Gal gaduud ayaa ka mid ahayd iyaduna meelaha maanta sida aadka ah looga soo banaan baxay.Shacabka ku dhaqan Guri ceel ayaa socod ku maray wadooyinka waa weyn ee Magaaladaas kuwaasoo dalbanayay in Maraykanku tallaabo ka qaado kuwii ka dambeeyay af lagaadada loo gaystay Nabi Muxamed Calahaysi Salaatu Wa salaam.

Si kastaba ha ahaatee Soomaaliya oo keliya ma ahaa banaan baxyadan waa kuwo si xiriir ah uga dhacaya guud ahaan caalamka Islaamka iyadoo banaan baxyadaas qaarna ay sababeen Geerida dad ka mid ah dibad baxayaashii ka dhiidhiyay falkaas waxshinimada ee Diinta Islaamka meel looga dhacay.

Dhinaca kale War saxaafadeed ay soo saareen Maamulka Ahlu Sunada Gobolada Dhexe ayaa looga hadlay Filimkii dhawaan lagu sameeyay Dalka Maraykanka ee lagu af lagaadeynayay Nabigeena Muxamed Nabadgelyo iyo Naxariis dushiisa ha ahaatee. War saxaafadeedkan ayaa lagu Canbaareeyay kuwii ka danbeeyay falkaas iyadoona looga digaya Xukuumadda Maraykanka haddii aanay tallaaba sharci ka qaadin in Xaaladdasu wax weyn u dhimi doonto Safaaradaha Maraykanka ee ku yaala dalalka islaamka.

Shiikh Cabdicasiis Al Ashcari afhayeenka Guud ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe oo war saxaafadeedkaas kaddib qaybo warbaahinta ah la hadlay ayaa sheegey in ay Bar tilmaameedsanayaan kuwii bartilmaameystay aflagadana u gaystay Rasuulka Suuban SCW.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.