Home » News »

Eng. Maxamed Axmed Rooble “Dowladaada in ay hore u socoto Waxaay ku Xiran tahay Hadba Raisul Wasaaraha aad soo Xulato”

Ka: Musharaxii ugu horeeyey ee ka tanaasula Tartanka Madaxweynanimo 30, Aug, 2012. Eng. Mohamed Ahmed Roble
Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Prof. Xassan Sheikh Maxamuud
Asalaamu Calaykum Waraxmatulah Wabarakatu.

Salaan k adib, Anigoo ku hadlaya Magaceyga iyo kan Ummadda Soomaaliyeed ee samaha iyo Samaanta jecel waxaan halkan Hambalyo iyo Bogaadin uga dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Prof.Xassan Sheekh Maxamud oo maalinimadii Isniinta taariikhduna aheyd ( 10.Sept, 2012) lagu soo doortay Magaalada Muqdisho ee wadankeenii Hooyo, Mudane Madaxweyne Prof Xassan Sheekh Maxamud, waxaan Allaha Awooda sare leh kaaga baryayaa in uu kuu fududeeyo xilkan culus ee laguu doortey, si aad uga samata bixiso dhibaatada baaxada weyn ee ku habsaday dadka iyo dalka, Mudane Madaxweyne waxaan sidoo kale kuu rajeynaynaa in Alle Subxaanahu watacalaa kaa dhigo Hogaamiye Ummadda Soomaaliyeed ku Hogaamiya dhanka Nabada Sinnaanta iyo Caddaalada.

Sidoo kale waxaa Amaan muddan Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya mudane Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo kuxigeenadiisa Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Jeylaani Nuur Iikar & Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mahad Cawad Cabdulle, oo muujiyey karti iyo howlkarnimo wanaagsan, sidoo kale waxaa amaan iyo abaalmarin muddan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo aan oran karo waxa ay Ttaariikhda ka galeen Baal Dahab ah,Ttaariikhda ayaana idin xusi doonta rabitaankii shacabka ee aad muujideen .

Waxaan mahad balaaran u jeedinayaa Gudiga farsamada iyo Guddiga Qaban-qaabada Doorashada Madaxweynaha sidii wanaagsaneyd ee ay u guteen waajibaadkii saarnaa, waxaan leeyahay waxaad mudanthin Amaan iyo Abaal marin Sidoo kale waxaan mahad balaaran u jeedinayaa Dowladihii ka geystey Hiilka iyo Hoodaba in ay suurta gasho qabsamida doorashadii ka dhacday magaalada Muqdisho, Waxaa kale oo aan marnaba la iloobi Karin Ciidama Qalabka sida,Guulihii isdabajooga ahaa iyo sidii ay naftooda ugu hureen difaaca dadka, dalka iyo diintaba, waxaad mudantihiin Amaan iyo Abaalmarin.
Waxaa Mdaxda Cusub oo ugu horeeyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud u soo jeedinayaa in aad u Hagaansantaan Rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed maadaama ay meesha ku timaadeen Xildhibaanada Baarlamanka oo iyaga Matalya Shacabka Soomaaliyeed Sidoo kale waxa u soo jeedinayaa Madaxweyne Xasan Shiikh in uu soo xulo Raiisul Wasaare karti leh oo soo dhisa Dowlada loo dhan yahay

“Dowladaada in ay hore u socoto Waxaay ku xirantahay hadba Raisuul Wsaaraha aad Xulato waxaana midaas kuugu qiimeynaya Shacabka Soomaaliyeed “ayuu yiri Ing Maxamed Axmed Rooble oo uguy baaqeyn in la tashi uu la sameeyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada si aad uga hesho talo wax ku ool ah

Ugu Dambeyntii waxaan u soo jeedinayaa Shacabka Soomaaliyed in ay la shaqeeyaan Madaxda Cusub si loo gaaro Horumar , Nabad iyo Dib u heshiisiin dhab Waxaa uu sii raaciyey” Hadii aysan wada shaqeyn dhex marin Shacabka iyo Madaxda Cusub in ay meesha ka baxayso wixii la Hhigsanayey oo ahaa Nabad iyo Horumar”

Wabilaahi Towfiiq

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
E-Mail amiinkhgasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.