Home » Maqaallo »

Dhambaal Furan oo Xambaarsan Talo iyo Tusaale ku Wajahan Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya .

Soo Dhawoow  Dhakhtaryahow  Cusubi Dhaawac baan Qabaa Waadna Dhayi kartaa.

 

Mudane Madaxweyne waxaan ka mid ahay Shacabka Soomaaliyeed ee ku leh soo dhawoow kuuna muujiyay Taageerada iyo Dhiirri galinta,Ilaahay hakaa dhigo Dhakhtarkii Daweyn-lahaa Dhaawaca iyo Uur ku taallada Shacabkaaga Aaamiin,

HOR-DHAC:

Mudane Madaxweyne Gacantii Nadiif ah oo Daahir ah ayaa wax Daahirisa,hadaan dib u Milicsanno Taariikh Nololeedkaagi & Tar-tankaagi Madaxtinimo.

ü  Dhiig Soomaaliyeed ma aadan Daadinin adoo Kursi doon ah

ü  Xoolo Ummadi leedahay iyo Xaq Muslim intaad Aruursattay Madaxweyne kuma aadan noqonin,

ü  Dawlada Shisheeye  iyo Ajnabi Dibad kaasoo Abaabulay ma jiro,

ü  Ma tihid nin siyaasadda muddo dheer ku jiray  oo la yaqaannay.

ü  Waxaa lagugu yaqaannay inaa tahay Macallin da’yarta Soomaaliyeed wax Bara,Shacabka Soomaaliyeedna la noolaay, dhibaatadana la qaybsanaayay,

Intaa aan soo sheegay iyo ino kale markii la isku daro waxaa Shacabka Soomaaliyeed iyo adigaba kuu caddaanaysa,Qaddarka iyo Xukunka Rabbigeen ayaad Madaxweyne ku noqotay,waxaad ku soo aaday Xilligii aad bad-baadin lahayd Umadaada,

Sidaa darteed waxaan kaaga digaayaa in lagaa Xijaabo ama lagaa marin habaabiyo Maslaxadda guud ee Dalkaaga iyo Dadkaaga,iyo qaybaha kala duwan ee Shacabkaaga, waxaan kaaga digaayaa inaad Kooxo iyo Qolyo kuugu manna sheegta inay Madaxweyne kaa dhigeen isku koobto Fikirkooda iyo Aragtidooda gaarka u ah iyaga, 

  • Amniga Qaranka iyo Garsoorka,

Mudane Madaxweyne inta aana u galin Dulucada Qormadayda waxaan rabaa inaan is weydiinno Su,aalo dhowr ah iyo Jawaabahooda, si aan  farta ugu wada fiiqno dhinaca uu naga jiro Xalka iyo wadada ugu sahlan ee loo mari karo:

1-Mushkiladda Qarankeenna haysata Ma Dhaqaalo xumi iyo Faqri baa? Maya,

2-ma Jahli iyo Dadnimo xumi aan Dawlad ku maamulan waynaa? Maya.

3-Ma Qabiil iyo Qabyaalad aan rajo laga qabin Qarnimo dambaa? Maya,

4-Ma Cadaalad xumi iyo Garsoorkeenoo dayacan baa? Haa.

5-Ma Musumaasuq iyo Hanti lunsi joogta ah oon cabsi ka qabin Garsoor iyo Cadaalad ciqaabteeda marisaa ? Haa.

Mudane Madaxweyne:

Hadaan Tusaale u soo qaadanno Shacabka Kenya een Dariska iyo Saaxiibadaba nahay Tira koobkiisi ugu dambeeyay waa 40-Milyan .qiyaastii, shaqaalaha Dawladda ee qaata Mushaar Dawladeed  waa 500.000. Shan Boqol oo Kun laga soo billaabo Madaxweynaha Dalka illaa laga soo gaaro Dhul-Xaaqaha,oo ay ku jiraaan Ciidamada qalabka sida qaybahooda kala duwan,Macalimiinta,Wasaaradaha iyo dhamaan shaqaalaha u soo xaadiro Mushaar Dawladeed noocay doonaanba ha noqdeene, markaan u qaybinno Shaqaalaha  Dawladda Tiradooduna tahay Shan-Boqol oo Kun, 40-ka Milyan  ee uu ka kooban yahay Shacabkooda, waxay noqonaysaa wax ka yar Boqolkiiba  3%. waxaana Masruufta Mushaarkoodana laga qaadaa Boqolkiiba  97% ee ahShacabka.si loo helo Shacab bixiya Canshuurta,oo Masruufa Dawladiisa,Nolol & Horumar deg-deg  loo helo,waxaan u baahannahay labada Tiir ee Hal-bawlaha u ah Ummad walba oo gaadhay Horumar iyo Barwaaqo,waana kuwan soo socda:

A-Garsoorka Dalka oo si deg-deg ah loo dhiso,magacaabidda Garsoorayaal hufan loona dhamaystiro wax alaale iyo waxa ay u baahan-yihiin,sida Mushaar xoog badan oo loo qoro,amaankooda oo la sugo, Sharciga Nidaamiya Garsoorka iyo Gar-soorayaasha oo si deg-deg ah loo meel-mariyo,

B- Dhisidda Ciidamada qalabka sida qaybahooda kala duwan iyo qalabayntooda,

Sida aan la wada soconno Ciiddamada qalabka sida dhamaantood hawshoodu waxay kusoo biya shubtaan Garsoorka iyo Cadaaladda, sida

Booliska,Nabdsugidda,Asluubta,ciidamada Madaniga ah,Millatariga,hadii la waayo Garsoor iyo cadaalad xoog badan Ciidamadu halgankooda iyo hawsha ay gudanayaan waxay noqonaysaa Hal Bacaad lagu lisay, Amaankana faraha ayuu ka baxayaa,

Tusaale Askariga Booliska ah markii loo diro howl-gal ah inuu soo qabto Gacan-ku Dhiigle ama Dhagarqabe dhibaateeyay Shacabka, wuxuau u bareerayaa khatar ah in Dambiiluhu ku Hubaysan-yahay Hubka uu wato mid la mid ah ama ka casrissan,haduu howl-galkaa ku Dhinto,ama ku Dhaawacmo Dawladii howl-galisay Askariga kama helaayo Xaqiisa sida.

Daryeel la taaban karo haduu Agoon ka tago ma jirto Dawlad Xanaanaynaysa Agoontiisa. Askarigaa Maskiinka ah haduuba ka Bad-baado gacan ku Dhiiglaha loo diray kuna guulaysto inuu Xabsiga soo dhigo,waxaa dhici karto Sarkaalkii uu ku wareejiyay inuu sii daayo inta xoogaa laalusha ah lasiiyo,waayo waa Sarkaal baahan oon haysan Mushaar iyo daryeel ku filan,

Hadyba dhacdo in dhagar qabihii dhibaateeyay Shacbiga loo gudbiyo Gar-soorka iyo Cadaalladda si loo mariyo ciqaabka uu mutaystay;Xeer-ilaaliyihii iyo Garsoorihii Maxkamadayn lahaa waa Masaakiin aan haysanin Amaan iyo Daryeel Dawladeed toona,oo Caga cadi lugaynaaya,isla markaana la kulmaaya handadaad iyo Caga juglayn uga imaanaysa Dambiilha iyo kuwa difaacaaya Dambiilayaasha sidaa darteed wuxuu ku qasban yahay inuu sii daayo Dambiilihii dhibaateeyay Shacabka,si Garsooruhu naftiisa u Bad-baadiyo,oon loo dilin sidii loo dilay Askarigii Booliska ahaa,

Dhibanihii Shacabka ka tirsanaa oo islahaa dhagar-Qabihii ciqaabta uu mutaystay Garsoorka iyo Cadaladda dowladdaada ayaa kuu xaq-soori doonta, wuxuu la kulmayaa Niyad jab iyo Tiiraanyo aan xad lahayn markuu Arko Gacan-ku Dhiiglihii  oo la soo daayay oo banaanka ku jooga si nabad ah,wuxuu ku dhaqaaqayaa siduu gacantiisa ugu Aar gudan lahaa,Amaankii iyo Haybadii Dowladana sidaasey ugu dhamaatay,La soco qaybta dambe

 

Avv-C/Qafaar Shiikh Axmed,

E-Mail. dool38@hotmail.com

Muqdisho

Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.