Home » Warar »

Xukuumadda Waqooyi Suudaan oo Gebi ahaanba oo Joojisay Lacagihii Shilin Soomaaliga ay u Daabacaysey Dawladda Soomaaliya

Soomaaliya oo uu ku soo Xoogeysanayo in wax lagu kala Iibsado Lacagta Doolarka ah

Xukuumadda Suudaanta Waqooyi ayaa si rasmi ah faraha uga qaadday Daabacaad ay ku samayneysey Lacagaha Shilinka Soomaaliga oo ay hore Heshiis ugu kala saxiixdeen labada Dal. Qunsulka Soomaalida ee Dalka Suudaan Ibraahim Guure Maxamed oo war baahinta la hadlay ayaa sheegay in gebi ahaanba uu Heshiiskaasi Fashilmay isla markaana aysan jirin xiligan wax Lacago ah oo ay samaynayso.

Qunsulka ayaa hoosta ka xarriiqay in Heshiis Sedax sano ka hor ay labada dala kala saxiixdeen uu dhigayay in Xukuumadda waqooyiga Suudaan ay samayso Lacago Nood ama Waraaqo ah oo ka kooban Shan Kun, Labaatan kun iyo Lacago kaleba taasoo heshiisku qorayay in Suudaan ay soo daabacdo Lacagahaas Shilinka Soomaaliga oo ka duwan tan iminka Dalka laga Isticmaalo.

Qunusulka ayaa dhinaca kale ka hadlay Soomaalida ku dhaqan Dalka Suudaan isagoona farta ku fiiqay in Soomaalidii halkaa joogtay ay ka baaqsadeen Tahriibkii ay Dalkaas kaga bixi jireen.Ibraahim Guure ayaa sidoo kale soo hadal qaaday Ardeyda Soomaaliyeed ee halkaa ku sugan kuwaasoo uu sheegey in ay yihiin kuwo haatan ku mashquulsan dhinaca waxbarashada.

Qunuslka Soomaaliya ee Suuddaan ayaa intaa raaciyay in ay jiraan Soomaali aad u fara badan kuwaas halkaa ka bilaabay Hawlo Ganacsi isagoona ku booriyay Soomaalida in ay wax la qaybsadaan Shacabka Suudaan oo ah mid si weyn u jecel soona dhaweeya Dadka Soomaalida ah.

Xukuumadda Soomaaliya iyo Suudaan ayaa hore heshiis ugu galay in Dalka Waqooyiga Suudaan uu soo Daabaco Lacago kuwaasoo meelo fiican marayay isla markaana soo saaray Naqshada ah taasoo ay ku miijinaysey sida ay lacagaha u samaynayso.

Si kastaba ma cadda sababaha iminka keenay inuu heshiiskaas buro Xukuumadda Suudaana ay joojiso Lacagihii ay u soo daabacaysey Dawladda Federaalka Soomaaliya ee iminka xiligeedu dhamaaday, hase yeeshee dadka soomaaliyeed ayaa welwel ka muujiyey Daabacadda Lacagahaasi iyagoo sheegey in ay keeni karaan Sicir Barar iyo weliba in ay ka baxdo lacata Kunka Shilin ee Imanka la istimcmaalo , , waxaana Fashillka heshiiskaan si weyn u soo dhaweeyey Shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale lacaga sida aad ah hadda Ummada Soomaaliyeed ay isticmaalaan waa lacagta Doolarka ah oo aad dhihi karto mararka qaarkood Wadankaan miyuusan lahayn lacag u gaar ha , weliba waxaa sii dheer Lacagta laga istimcmaalo Mobil-ka oo isna adeegiisu gaaray in Shaah lagu kala iibsado isagana isticmaalkiisu waxaa uu yahay lacag Doolar .

Tusaale Koobka Shaaha waa Saddex Kun oo Shilin Soomaali ah marka loo Sarifo Doolarka Mobil-ka waxaa uu noqonayaa koobkii Shaah ah 10 Centi oo Doolar sidaa ayaa ugu Tuureysaa Mobil-ka kale ruuxa aad ka Cabtey Shaaha ,

Waxayna dadka qaar ay horey Shirkadaha ugu soo jeediyeen in Mobil-ka laga Isticmaalo Shilin Soomaali maadaama lacagta Doolarka ah uu leeyahay Dal kale taasoo ay diideen Shirkadaha Mobilada .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.