Home » Warar »

Shaqaaqooyinkii ka Soconayay Magaalada Mambassa oo Cirka Isku Shareeray ka dib markii Dhawaan halkaasi lagu Diley Shiikh Caan ahaa

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay Magaalada Mombassa ee Dalka Kenya ay ka soconayeen Rabshado ay Sameynayeen Dhallinyaro ka Gadoodey Dilkii Shiikh Caabuud Roobow ayaa mar kale habeenkii Xalay ahaa waxaa Cirka isku sii Shareeray Shaqaaqooyinkii halkaa ka dhacayay.

Ciidamada Ammaanka ee Dalka Kenya ayaa Weerar Bum lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen oo ay Ilaalo ka hayeen halkaasoo illaa dhowr Xubnood ay ku dhaawacmeen halka mid Ciidankii ka mid ahina uu ku Geeryooday.

Weerarkaas Kaddib ayaa Ciidamada Boliisku waxaa ay Rideen Rasaas aad u fara badan oo ay ku dhaawacmeen Illaa dhowr qof oo Rayid ah iyadoo markiiba Ciidanka Boliisku baandow ku soo rogay Magaaladaas , waxaana meelaha qaar weli ka jiro Jidgooyooyin iyo Taayero la gubayo, sidoo kale waxaa Xirmney isku socodkii Magaalada Mombasa

Tiro dhallinyara Soomaali ah ayaa la sheegey in Boliisku ay qab qabteen dabeetana ay garaaceen iyagoo ku eedeynayay in ay jabiyeen Xeerkii Baandowga kuwaasoo loo taxaabay xabsiga Magaalada Mombassa.Baandowgan iyo Shaqaaqooyinkan ka soconaya Magaala Xeebeedka Kenya ayaa waxa ay saameyn ku yeesheen Ganacsigii Dadka Soomaalidu ay halkaa ku lahaayeen iyadoo Meherado fara badan oo Soomaalidu halkaa ku lahayd Dhac loo gaystay.

Tan iyo markii la dilay Wadaadkaas caanka ka ahaa Gobolkaas ayaa waxaa jiray Rabshaado isa soo tarayay ee ka dhacayay Magaladaas iyadoo dhallinyaro ka caraysan Dilka Wadaadkaas ay ku qamaameen goobaha Ganacsiga iyo wadooyinka waa weyn ee Magaalada Mombassa.

Dilka Shiikh Cabuud ayaa Ciidamada Boliiska Dalka Kenya waxa ay qoorta u saariyeen Xarakada Shabaab oo ay sheegeen in iyagu ay ka danbeeyeen Falkii lagu khaarijiyay Shiikh Rooboow taasoo Xarakada Shabaabna ay iska beri yeeshay ku lug lahaanshaha Dilka Shiikhaas, kuna Tilmaantey in Shiikhaas loo diley Muslinimadiisa madaama uusdan ka tirsaneyn Xarakada Alshabaab.

Si kastaba Xaaladda Magaaladaas ka jirta ayaa ah mid aad u kacsan iyadoona maanta la filayo inuu halkaa gaaro Madaxweynaha Dawladda Kenya xilli ammaanka Magaaladana si weyn loo xoojiyay warar kale ayaa waxay Sheegayaan in Carada laga qaadey Dilka wadaadkaas ay ku fidaan Magaalada Nairobi

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Xornima Doonka Gobolka Xeebta Mombasa Republican Council..

Oct 2011: Waxaa sii xoogeysanaya xornimad doonka xeebta Mombasa oo lagu magacaabo Mombasa Republican Council (MRC), kuwaas oo doonaya in ay ka madax bannanaadaan Kenya. MRC waxaa la asaasay sannadkii 1999 waxayna doonayaan in ay Kenya ka xoroobaan marka uu dhammaado heshiis 1895 dhexmaray Boqortooyadii Ingriiska iyo Boqorkii Zanzibar, kaas oo dhigayey in Xeebaha Mombasa uu sii maamulo Ingriisku, marka heshiiskaasi dhammaadona ay ahaadaan kuwo gaarkooda xor u ah. (Daawo video hoose)

Halkudhegga xornima doonka xeebta Mombassa waa “Pwani Si Kenya” oo macnaheedu yahay “Xeebtu kama tirsana Kenya” (“The Coast is not part of Kenya”)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.