Home » Faallo »

Hooyo Maryan “Canugeyga iyo Gacanteyda waxaan ku Waayey Markii uu si Bareer ah ii Toogtay Askeri Ugaandheys ah”

Hooyo Maryan Maxamed daa’uud Isaaq oo ah Haweeney Spoomaaliyeed oo haatan ku dhibaateysan Magaalada Muqdisho ayaa ka cabaneysa Dhibaabto uu u geystey Askari u dhashey Wadanka Uganda waxayna Hooyo Maryan oo ka sheekeyneysaa Dhabaatadaas waxayna ku bilowdey Hadalkeeda Sidatan

“Soddonkii Jannaayo Sanadkii hore anigoo galaya Gurigayga oo ku yaala Degmada Shanggaani ayaa Askeri Ugaandheys ah oo ka Tirsan Ciidamada Amisom kuna sugnaa meel aan sidaa uga fogeyn Gurigeena wuxuu igu Riday Rasaas taasoo iga haleeshay Saableyda kaddibna u sii gudubtay igana burburisay Gacanteydii Midig, Anigoo Dhiig baxaya ayaa waxaa ii soo gurmaday Guddoomiyaha Degmada Shanggaani ee Xiligaas Md Babaay isagoona amray in deg deg laygu qaado Isbitaal ku yaala Degaanka Xalane, waxaana xiligaas Askeriga Xabadda igu dhuftay Saldhigga uu ku sugnaa Xukamayay Haweeney Kabtan ah laguna Magacaabayay Jeck.

Haweeneydaas ayaa waxaa ay ballan qaadday in intii Karaankeeda ah ay gacan ka gaysan doonto Daaweynteyda iyo waliba Baxnaanadeyda iyadoona intaas raacisey in wixii Xuquuq ah ee aan leeyahayna ay bixin doonto Dawladda Ugandha.

Hooyo Maryan iyadoo hadalkeeda sii wadata ayaa waxa ay tiri “Markii aan muddo ku jiray Isbitaalkii Amisom ee Xalane ayaa aniga iyo walaalkey waxaa naloo qaaday Dalka Ugandha si halkaa la igu soo Daaweeyo waxaa nala geeyay Isbitaal ay leeyihiin Ciidamada Milateriga eeku yaala Magaalada Bambo, waxaana halkaa igu qabsatay aniga iyo Walaalkeey Daryeel Xumo iyo Daawo la’aan, waxaana dhacday in Walaalkey markii uu u adkeysan waayay dhibaatada I haysata inuu weeydiistay Saraakiisha Ciidamada in dib naloogu celiyo Soomaaliya taasoo la yaab ku noqotay Saraakiishii Ciidamada, hase yeeshee walaakey gp’aankaas waa uu qaatay kaddib markii muddo dheer marba been naloo sheegayay.

“Markii aan soo gaarnay Magaalada Muqdisho ayaa Uurkii aan siday Maalmo dabadeed aan ku Dhalay Wiil hase yeeshee dhowr maalmood kaddib wiilkii waa uu geeryooday kaddib markii Dhaqaatiirtii ii sheegeen in ay waxyeelo ka soo gaartay Rasaastii igu dhacday taasoo lagu wargeliyay Sartaakiishii Ciidamada Ugandha iyagoona ballan qaaday in ay bixin doonaan Dhaawaca I soo gaaray iyo wiilkii aan dhalay ee iga dhintay Magtiisa’ arrintaasoo waxba aysan ka suurta gelin’

Ugu dambayntii Hooyo Maryan waxa ay sheegtay in kastoo hore ay u go’aansatay in Saxaafadda aysan la hadlin haddana ay ka fursan weydey in Cabashadeeda iyo dhibaatada ay gaarsiyeen Ciidamada Ugandha in ay halkaa ku soo bandhigto iyadoona intaas sii raacisey in dhibaatadu aysan ahayn oo keliya keligeed balse ay jiraan Dad kaloo Soomaaliyeed oo sideeda oo kale loo dhibaateeyay beena loo sheegey.

Si kastaba Hooyo Maryan ayaa ka codsaneysa dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ee Dalka Gudihiisa iyo Dibaddiisa ku nool in ay ka caawiyeen sidii loogu kabi lahaa gacanta ay ka Naafowdey maadaama aysan hadda ku shaqaysan Karin ilmaheedan ugu adeegn Karin

Kala soo xiriir

Walaalkeed Maxamed Daa’uud Isaaq
Tel 00252615403550
Tel 00252615062836

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Tel 00252615532494

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.