Home » Maqaallo »

Qaadiroow midkii khayr kujiro, Qoomka ku badbaadi…Gabay ku socda Musharixiinta (Qore: Maxamed Xaaji)

Qaadiroow midkii khayr kujiro, Qoomka ku badbaadi
Qarankii jabee aan la helin, Kaadir qalab qaata.
Umaddii qaxdee aan la hanan kala qorsheynteeda.
Madficii qarxee aan la huwin, Qaaya nabadeedba.
Qabyaalladii dhacdee aan la hubin, Halista qiiqaysa.
Qabtii qarni-biloowgaan ka nahay, Qulubka koowaade.
Qulubkiyo khilaafkaan ka nahay, Qaybta koowaade.
Quruumaha aduunkaan ka nahay, Qaati iyo dayro.
Qaaradda Afrikaan ka nahay, Waxaan qiyaasneyne.
Qaadiroow midkii khayr kujiro, Qoomka ku badbaadi

Nus-Qarni ku dhowaad waxaan ahayn, Qax iyo baaruude.
Isma qabato aan qiil lahayn, Baa dantii qubaye.
Qarax iyo in lays qoonsadaan, Qiime moodnaaye.
Siyaasiguna waa kii qoqobay, Qarankii Soomaale.
Umaddii qabiil bay bareen, Qoqobya qaan baase.
Iska qaado qaataye, ayay nagu khasbaayaane.
Danohooda khaaskay rabaan, Inaan ka qaadnaaye
Anaguna qaran baan rabnaa, Cisiyo qaanuune.
Qaadiroow midkii khayr kujiro, Qoomka ku badbaadi

Caana daatay dabadood la qabay, Waa dabuub qorane.
Qab qab dhaafay waa waxan Qarnigan, isku khilaafnaaye.
Dad- qalatadu ma joogteen, Hadaan qiime leenahaye.
Dhurwaa lama qasheen haduu qoonkayagu, Diinta qaataaye.
Qurba joog kama door bidneen, Qaranki waynaaye.
Deriskeenna kama qaadaneen, Cashar qaraar badane.
Daneheenna lama qaayibeen, Quus sidaan nahaye.
Qaadiroow midkii khayr kujiro, Qoomka ku badbaadi

Qoowlkii Jaarlees Digool, Baan ku qiil ahaye.
Qaran waliba hogaanka u qalmuu, Qaado leeyahaye.
Calool waliba quudkeey cunteey, Qarasteed leedahaye.
Umadaan qiyaamaha korkeed, Laga ridee qaawan.
Hadii aynaan qabaliyiin ahayn, qaxar ma joogneene.
Gayigeennii qurxoonaa nin kale, Shan uma qaybsheene.
Danaheena khaaska ah dagaal, Laguma qaadeene.
Khayraadkiyo badahaan lahayn, Lama qiyaasteene.
Masiirkeennii qaranimo qiime jaban, Lagama qaateene.
Qoqobkiyo qabyaaladda xun baan, Qiime moodnaaye.
Qaadiroow midkii khayr kujiro, Qoomka ku badbaadi.

Musharixiinta qarankeennu waa, Kun iyo dhowr Khaanad.
Qaar baa waxay doonayaan, Inaanu qiiqnaaye.
Qaar baa lacag nagu qariqi, Si aan u qiil siinno.
Qaar baan qajil iyo lahayn, Xishoodka qarameede.
Qaar baa u gadan qoomam kale, Oon danteen qorine.
Qaar baa gorgortan uugu qoran, Qaranka Soomaale.
Qaar baa qabiil iyo kalkaal, Qaayohood yahaye.
Qaar baa qaam iyo raam ku raba, Boolidii qaranka.
Ninba dano qarsoon buu rabaa, Inaan ka qaadnaaye.
Mid khushuucsan oo khayr qaboow, Qaanta gudo maanta.
Oo umaddaa khiyaarka u jabtey, Qalooca ka hagaaji.
Qayrkood ka hare oo waa kuwaa, Qaybsan oo jabane.
Qaadiroow midkii khayr kujiro, Qoomka ku badbaadi

Waxaa Tiriyay: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto-Koronto:- maxaaji@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.