Home » Warar »

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo Sheegay in ay Isu Diyaarinayaan Dagaalkii ay la Geli lahaayeen Dawladda soo Socota.

Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Saraakiisha Sare ee Xarakada Shabaab ayaa markii u horeeyay ka hadlay Doorashooyinka iyo Siyaasadda Soomaaliya ee Maanta.Xasan Daahir ayaa sheegey in Doorashada la sheegayo in ay dalka ka dhacayso ayan iyagu waxba ka khuseynin marnabana aysan taageereynin Wuxuu sheegey Mas’uuliyiinta sare ee Dawladda ku meel gaarka ayuu sheegey in ay yihiin kuwo La Gumaysto oo ka amar qaata Mahgga oo ninkii uu doono keensanya kii uusan rabina uu iska raacdeynayo

Xasan Daahir Aweys ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inaysan marnaba taageerin Xukuumadda la soo dhisayo dhankoodana ay isu diyaarinayaan sidii ay uga hor tegi lahaayaan ulana dagaalami lahaayeen Dawladda soo socota. Sarkaalkan ka tirsan Maamulka xarakada Shabaab ayaa dhinaca kale la hadlay dagaalyahanada ka tirsan Xarakada Shabaab isagoona ugu baaqay in ay adkaystaan illaa ay Guusha ka gaarayaan isla markaana ay sii wadaan Dagaalka ay kula jiraan Ciidamada dawladda iyo kuwa taageeraya.

Dagaalka oo la sii wado ayaa waajib nagu ah ayuu yiri Xasan Daahir Aweys oo sheegey in Dadaglka uu joogsan doono markadhulka lagu Xukumo Shareecada islaamka islkamrkana dalka laga saro Gumeysiga ku soo duuley

Hadalkan ka soo yeeray Shiikh Xasan daahir Aweys ayaa imaanaya xilli dhawaan la filayo in lasoo dhiso Dawladda Federaalka Soomaaliya oo haatan lagu hawlan yahay dib u dhisaalkeeda isagoo dhankoodana sheegey inaysan taageereynin isla markaana ay isu diyaarinayaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen Dawladda Cusub ee la filayo dhawaan in ay Somaliya ka dhalato.

W/D Amiin Yuusuf Khasaro
E-Mail amiinkhasaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Shiikh Xasan Daahir Aweys oo Sheegay in ay Isu Diyaarinayaan Dagaalkii ay la Geli lahaayeen Dawladda soo Socota. "

  1. waddaniyad says:

    Nuradin,

    Walaal waa runtaa, aqliga saliimka ayaa kuu sheegayaa halka ay salku ka quruntay, badda Soomaaliyeed ayey addoonta Kenya xoog ku qodanaysaa, markaase dadkii waddanka lahaana lagu mashquuliyey shabaab!!! iyo Madaxweyna ayaa la doorannahay, kuwa baddadaada iyo berrigaaga kheyraadkiisa boobayaa (gaalada) ayaa doonayaa inay madaxweyne iyaga wax walba u saxeexayaa, saaraan. Maxaa laga yeelayaa?, TAAS AYAA SU’AAL DA’WEYN.

  2. Asc dhammaan – Anigu runtii nin reer hargeisa ah baan ahay arimaha ka socda somalia waa yaab badan yihiin laakiin waxaan hadalada akhristayaasha qaarkood ka dareemaayaa inay raali ka yihiin Africanta wadanka haysata oo waliba istareex ku yihiin joogi taankooda , aad iyo aadna uga xun yihiin shabaab joogitaankeeda ,
    Shabaab maaha kuwa dhibaatada u keenay somalia waxay joogaanba waa sanado yar laakiin 20 sanadood somalia wixii khilaafka keenay ha gartaan shabaabku iyo shacbigu iyo dawladu ,
    Mida kale anigu ma qabo in somalia hadii shabaabku ka baxaan xor ay noqonayso waayo hada ayaan arkaa kenya oo bada somalia rabta itoobiyana dhulka ay rabto waxa kaliya ee hortaagan maaha dawlada somalia ee waa shabaabka ,
    Ha la helo ciidan iyo dawlad somaliyeed , dawlada hada dhisan iyo wixii la nooc ah maaha dawlad somaliyeed iyo rabitaan dadweyne ee waa rabitaan gaalada iyo africaanta inooga yimi oo qasab nagu ah

  3. kahin nur says:

    asc wr wb. @ M-DEEQ, sxb way wacnaan laheyd in mabda,iisu diin cuskan yahay, laakiin waxaad ii sheegtaa caruurta lagu laayey SAAMAHA &HARGAHA ma mabda,a diinbaa, leynta culumada sida Shahiid Sh.Dr Axmed Xaaji C/Raxmaan ma mabda diinbaa, macluulinta caruurta iyo hooyooyinku ma mabda diinbaa, gaaleysiinta ruux walba oo dawladda xafiiskeeda tagay ma mabda diinbaa, walaal iska xishood oo ha isku deyin inaad naga iibiso mabda,a inxiraafka iyo halaaga ee Alshabaab.

  4. M-deeq says:

    Ragga Sheekh Xasan wax ka sheegayaa waxaan filayaa in ay yihiin kuwo u rixinaya dagaal oogayaashii dalka mugdiga geliyey isla markaana ku raalli ah waxa cadawgoodu usoo dhoobdhoobay oo aan rabin in ay si xorriyad ah iyagu ku xallistaan arrimahooda.
    Sidoo kale dagaalka sheekh Xasan Daahir mabda’ ayuu cuskanyahay oo waa in dalka shareecada Allaah lagu xukumo ciidanka shisheeyana naga baxaan ee bal idinku caddeeya mabda’iina. Waxaa yaab ah Soomaalidu intii damiir ku hadhay ee xumaan ka damqanaysey in ay cadow u tahay kuwa damiirka beelay ee bakhtiga Zenaawi u ooyayayana ay hiil iyo hoo la garab taaganyihiin oo madax u aqoonsanyihiin. inta caqliga badanka soomaalidu sidaa yahayna waxba innagama dhodhowa.

  5. suhur says:

    shabab intay qalalasaha kawadan somaliya horu mar san ku garna wa adag tahay hadan nahay u,mad somaliyed maha dinta in lagu qarabta adigo aykugu jirto xasin nimo dadkan macnahoda walagaran layahay arintu xukun islamnimo ayradinayan ka wayn alle [sw} dadkena somaliyed isku hadaf ha inoga wada dhigo amin amin

  6. waa ninaan aad u fakarayn ayaan oran lahaa ilaa 1978,dii dagaal ayaa nagu socdo maxaan ka haynaa faa,iido war umadda inta ka hartay ha ladaba qabto ayaa maanta u banaan qori ayuu ninkaas iyi kooxdiisuba walee waa yaab yaa dalka loo difaacayaa hadii birmagaydiisii la dilaayo abti dagaal in kugu filan waad waday ayaan leeyahay shiikha