Home » Warar »

Ing Maxamed Axmed Saalax “Haddii la ii Doorto Xilka Madaxweynimo Waxaa Hal Bacaad lagu Lisey ka Dhigayaa Heshiisyadii Badda ee lagu Boobayay Khayraadkeenna”

Kulan balaaran oo ay ka qaybgaleen Siyaasiyiin , Waxgarada Isimo, Salaadiin , Culamaudiin , Aqoonyahano, Saraakiil , Haween iyo Dhalinyaro ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho waxaana lagu taageerayey Masharaxnimada Ing Mxamed Axmed Saalax oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxtinmo ee Soomaaliya

Kulankaas oo ahaa mid taageero u badnaa ayaa waxaa looga dhawaajiyey in Beesha Majeerteen ay isku raacdey islamarkaana ay taageereyso Musharaxnimada Ing Maxamed Axmed Saalax oo ay sheegeen Xubnihii ka qaybgaley kulankaas in Musharaxa uu yahay nin Aqoon leh islamarkaana Dalka ka gudbin karo Xaaladda adag ee uu ku jiro sidoo kale waxay ugu baaqeen Xildhibaanada Wax dooranaya in ay Doortaan Shaqsiga ay is leeyihiin waxaa uu dalkaan ku hogaamin karaa Cadaalad iyo sinaan

Gen Maxamed Saciid Morgan oo ka Hadley Kulankaas ayaa waxaa uu sheegey in Musharaxa Ing Maxamed Axmed Salax uu yahay shaqsi karti u leh marka ay timaado Hogaan waxaana uu u soo jeediyey Xildhibaanada Baarlamaanka in ay doortaan In Maxamed Axmed Saalax oo uu sheegey in uu yaya Shaqsi Firfircoon oo dalkaan ka gudbin kara mar Xaladda adag ee Musuqmaasuqa Diloodey

Nabadoon Saciid Xaaji Cali Baalle , Nabdoon Maxmed Faarax, Nabadoon Saciid Saalax iyo Nabadoon Cabduqaadir oo iyana kulankaas ka Hadley ayaa halkaa ka muujiyey sida ay u taageersan yihiin Musharaxnimada Ing Maxamed Axmed Saalax iyagoo sheegey in Beesha Majeerteen ay isku waafaqsan tahay ama isku raacsan tahay in uu tartanka uga qaybgalo Ing Maxamed Axmed Saalax iyagoo sheegey in uu yahay Shaqsi ka hufan dhibaatooyinkii wadankan soo marey islamarkaana uu yahay nin u qalma in uu qabto hogaanka ugu sareeya ee Dalka.

Mar uu ka hadlayey Ceelasha Shidaalka ee Badda Soomaaliya ka Qodoneyso Dowladda Kenya iyo Heshiisyadii hore ee Dowlada Federaalka la gashey Dowladda Kenya ee loogu yeerey Is Afgarad ayuu sheegey in Ing Maxamed Axmed Saalax in hadii la doorto uu heshiisyadaas ka dhigayo Hal Bacaad lagu lisey islamarkaana uu ka hortagi doono wax kasta oo lagu Boobayo Khayraadka Wadanka Soomaaliya isagoo soo dhaweeyey sidii Baarlamaanka uu u laaley in la boobo Badda Soomaaliya kuna Tilmaamey Go’aankaas mid taariikhi ah ,sidoo kale waxa uu sheegey in uu gaashaanka ku dhufan doono wax kasta oo la doonayo in lagu Boobo Khayraadka Dalka Soomaaliya ha noqoto mid Badeed , mid Dhuleed iyo Mid Cireed waxaana uu kulankaas uu ku dhamaadey sidii loogu talagaley.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ing Maxamed Axmed Saalax “Haddii la ii Doorto Xilka Madaxweynimo Waxaa Hal Bacaad lagu Lisey ka Dhigayaa Heshiisyadii Badda ee lagu Boobayay Khayraadkeenna” "

  1. Hassan says:

    Waxaa ii muuqata in dadka Soomaalida ah aysan weli wax weyn kabaran dhibaatada iyo mushkilada ay soo mareen ilaa iyo hadana haysata, aysana weli fahmin dhibkeena waxa sababay iyo cida masuulka ka ah. Waxaa maanta wax laga naxa ah in qof madaxweynanimo isku soo sharaxaaya oo hadana aqoon leh, jecelna inuu wadankiisa wax u wabto uu hadana agfadhiyo nin kamid ah dadka dadkeena ugu xun kana mid ahaa shaqsiyaadkii wadankeena soo qaribay intii aan dowlada ahayn sababtana u ahaa iney burburto qarankeenii quruxda badnaa, hadana xiligii dagaalada sokeeyana kamid ahaa dagaal oogayaashii labaatankii sano ee lasoo dhaafay wadankeena burburiyey dadkeenana baabi’iyey, waa Gen. Maxamed Saciid Morgan. Aniga waxaan ku dhihi lahaa Ing. Maxamed Axmed Saalax, hadii aad rabto inaad hogaamiye wanaagsan noqoto, dadkaaga iyo dalkaagana wax wanaagsan u qabato, cadaaladna aad u samaynaysid dadka Soomaaliyeed oo dhan, ka fogow dadkii dalkeena iyo dadkeena iyo diinteenaba burburiyey meesha aan maanta joognana na dhigay, kana qeybqaatay dagaaladii sokeeye ee qabaa’ilada u dhexeeyay. Iney sharafta kaa qaadaan, dadkana kugu diraan waxaan ahay kuuma hayaan, waa hadii aad tahay shaqsi ay usiman yihiin dadka Soomaaliyeed oo dhan dhibka Soomaaliya haystana raba inuu xaliyo oo dadka isu keeno. Dhibka dadkeena haystana waa qabyaalad iyo qurun. Waxkasta oo kalana ayadaa aabe iyo hooyo u ah.

    Waxaan usoo jeedinlahaa dadka Soomaaliyeed iyo dadka jecel iney siyaasada Soomaaliyeed qeyb muhiim ah ka ciyaaraan, in laga gudbay xiligii qabqablayaasha iyo dagaal oogayaasha. Umadaha aduunka markay dhibtoodaan inta wada fariistaan oo kawada hadlaan waxa dhacay iyo waxa dhibka jira keenay marka hore, ayay xaliyaan kana gudbaan dhibkaas ayagoo ku heshiiya ineysan dhicin mardanbe wixii dhacay taasoo macnaheedu yahay ineysan ogolaanin wixii sababay dhibkaas iyo cidii samaysayba ineysan meesha imaanin, wax sharaf ahna bulshada dhexdeeda ku yeelan. Soomaaliya midaas magaran weli umana eka dad wadadaas ku socda sida aan ujeedo ilaa iyo hada. Balse, dadkii oo daalay iyo dhibkii oo batay awgiis ayaad waxaad moodaa in wax iska badalayaan Soomaalya. Waa inaan fahanaa sida kaliya ee wadankeena lagu xalin karo iney tahay inaan runta isku sheegno, oo aan badalno sida aan uwada dhaqano ama u macaamilno ee qalafka iyo qabyaalada ku dhisan oo aan ka fogaano wixii xumaan iyo qilaaf keeni kara. Waxa ugu horeeya ee aan ka bilaabi karnana ay tahay, sida ay ila tahay, inaan dhamaan si cad oo buuxda oo siman aan uwada diidno in siyaasada Soomaaliya ayku soo laabtaan dadka ka danbeeyay ama ka qeybqaatay dhibka nasoo maray ama hada nahaysta siday doonaanba ha uga qeybqaataan, cida ay doonaana ha ahaadeen qabiilkey doonaanana ha udhasheen sida Gen. Morgan oo kale.

    Waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo Ing Maxamed Axmed Saalax go’aanka uu ku gaaray inuu wadankisa wax uqabto. Waxaan aad ugu riyaaqay inuu rabo inuu baabi’iyo oo ka hortago boobka wadankeena lagu hayo. Waad ku mahadsan tahay inaad meeshaba keentay arintaas marka hore sababtoo ah waa arin aad uweyn dadka Soomaaliyeed ee wadaniyiinta ahna ay ka walwalsan yihiin. Fadlan Ing Maxamed hadii aadan ku guulaysan madaxweynanimada, waxaa jira waxyaalo badan aad u qaban kartid wadankaaga adigoo aan madaxweyne ahayn. Waxaad kaloo qabankartaa meelo badan oo kale oo aad wax kawanaajin kartid wadankaaga. Nasiib wanaagsan ayaan kuu rajeynayaa Ing. Maxamed.

    Mahadsanid.