Home » Faallo »

DHEX-ROORAHA FAGAAGGA IYO TIIGSIGA FARRAARE

Haddii aanu u martinno akhriska aayadda 33-aad ee suuradda Al-Raxmaan, waxaa inoo muuqanaya aqoon baaxad weyn oo aayaddu ay inoo tilmaameyso. Sida u caadada ah aayadaha quraanka, iyaga oo bilowgii la hadlayey bulsho badow ah oo ku dhaqneyd tuulo ku dhex-taal dhul lama-degaan ah, ayaa misana waxaad moodeysaa in ay maanta soo degatey oo ay la hadleyso dadka ugu garashada sareeya kun-sanadeedkan (Millennium-kan) aanu joogno. Aayaddu iyada oo aadami dhamaantiis u dhawaaqeysa, ayay si gaar ah waxay xilligaan ula hadleysaa kuwa ku xeel-dheer aqoonta dhul-baradka (geology) iyo aqoonta dabiicadda cirarka (Astro-Physics). Waxay hor-dhigeysa xujo culus oo ay ku waantoobaan eebe-inkirayaalka iyo kuwa beeniyey suubanihii Maxamad ahaa (shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee) meel kasta oo ay joogaan iyo kuwa maanta tilmaamaya in kitaabka quraanka ah uu yahay dib-dhac aanan wakhtiga la socon karin. Bal aanu eegno ereyada aayadda:

(يا معشر الجن والإنس إن استطعتم أن تنفذوا من أقطار السماوات والأرض فانفذوا لا تنفذون إلا بسلطان .
)

(Bulshadii jinka iyo dadka ahaayow, haddii aad awood u leedihiin inaad ka dhex dustaan dhex-roorayaasha dhulka iyo cirarka, bal ka dhex-dusa, kama dhex dusi kartaan illaa aad heshaan awood)

Mucjisada ka dhex-muuqata aayadda oo ay ku af-jebineyso Eebe-inkirayaalka, waxaa xuddun u ah ereyga (Aqdaar), kaas oo naxwa ahaan noqonaya lagu-falaha (objective) ee uu ku dhacayo falka aayadda ee xujada ah. Ereygu waa af-carabi, micnihiisuna waa Dhex-roorayaal. Waana wadar ka taagan ereyga keliga ah ee (Qudr). Dhex-roore (Diameter) waa erey-cilmiyeed la-xiriira aqoonta handasada xisaabta, taas oo ah xariiq xiriirisa laba dhibcood oo ku kala-yaal dacallada sawir handasa wareeg ah (Circle). Si xariiqdu ay u noqoto dhex-roore, waxaa loo shardiyaa in ay dhex-marto xuddunta bartanka kaga taal wareegga. Maahan bulshada ummadaha aadamiga ah oo keliya reerka ay aayaddu u dhawaaqeyso. Reer kale oo sideenaas ummado ah ayay leedahay isa-soo kaashada. Reerkaasi waa ummadaha jinka ah. Aayaddu labada reerood ayay hor-dhigeysaa xujo ah, inta xoog iyo xeelad leysu-geeyo in ay isu-maraan dhibcaha dhex-roorayaasha (Diameters) dhulka iyo cirarka. Iyada oo isla-markaas loo sheegayo in ayan awood u laheyn in ay arinkaas ku guuleystaan. Laakiin haddii xagga Eebe (kor ahaaye) ay ka helaan awood iyo ruqsad ay adeegsadaan, markaas waa ay yeeli karayaan.

Haddaba si ay inoogu caddaato xoogga xujadan, bal aynu yara milicsanno cabbirka dhex-roorayaasha dhulka iyo cirarka. Waxaa maanta si camali ah loo ogaadey in dhulka iyo fagaagga cirarku (Outer-Space) labaduba ay leeyihiin muuqaalka handasada koobaaban oo ay ka suuragasho cabbiraad dhex-roore. Haddii aanu ku hor-marno cabbirka dhex-rooraha dhulka, waxaanu heleynaa in uu leeyahay laba dhex-roore. Mid ah taag, kaas oo labadiisa dhibic ay qotomaan labada cirif (Arctic & Antarctic), waxaa lagu qiyaasaa 12,713 km. Mid kale oo legdan ayaa isna dhererka dhex-roorihiisa wuxuu ku beegan xariiqda dhul-baraha (Equator) hoosteeda. Waxaa isna dhererkiisa lagu qiyaasaa 12,756 km. Markii dhulka oogadiisa lagu socdaalayo, masaafadaasi maahan mid aad u dheer. Waayo aadamigu maanta waa uu heystaa agab gaadiid ah ee si sahlan uu ugu kala socdaalo masaafo intaas le’eg. Laakiin xujadu waxay tahay in dhulka laga dhex duso oo la-sii dhex-maro xudduntiisa, si loo xasiliyo xariiqda tooska ah ee dhex-rooraha. Dhex-jibaaxa dhulka gudihiisa, iyada oo weliba la marayo xuddunta bartanka ah, waa arin aanan sinaba suuragal u ahayn. Socdaalka ceynkaas ah, jinka iyo aadamigu wuxuu ugu suuragelayaa in labada cirif midkood god dheer la qodo, kaas oo dhererkiisu yahay 12,713 km. Dabadeed cirifka kale la gaarsiiyo. Ama god dhererkiisu yahay 12,756 km. oo ku dhereran dhul-baraha. Markaas ayay xasileysaa xujada aayadda ee ah in dhulka laga dhex-duso.

Suura-gelid la’aanta arinkaas laba qodob ayaa u sabab ah. Qodob wuxuu yahay cadaadiska dhulka hoostiisa ka jira, kaas oo ah mid aad u culus oo aanan saamaxeyn in noole dhex-maro. Qodobka labaad wuxuu isna yahay heer-kulka kordhaaya mar-kasta oo dhulka gudihiisa la aado, illaa laga gaaro kuleyl la-heer ah kuleyka qorraxda oogadeeda (6.000.87 °C). Waxaa xusid mudan heer-kulka ay darajadiisu tahay 100 °C, in ay biyuhu ku karkaraan. Waxaa halkaas ku cad in labadan reerood ayan heyn awood ay kaga dusaan dhulka iyaga oo raacaya dhex-roorihiisa. Godadka ugu fog oo aadamigu uu dhulka oogadiisa ka qodey waa kuwa uu ku sahmiyo shidaalka (gaaska iyo batroolka). Godadkaas ayaa kooda ugu dheer oo weliba qodistiisa loo adeegsadey teknolojiyada casriga ah, wuxuu gaarsiisan-yahay 14 km. Agabkii oo ama fariisanaya ama gubanaya darteed ayaa intaas ka-badan lala socon waayey.

Haddii dhex-roorihii dhulka uusan suuragal aheyn in laga duso, bal haddana aanu eegno dhex-rooraha fagaagga cirarka (Cosmos Space). Geeddigii ugu fogaa oo aadamigu uu ku damco in uu ugu kala hayaamo meerayaasha maaxa oogadeena, waa socdaal masaafada hayaankiisu gaarsiisan yahay 230 melyan oo km. Mashruucaas oo ah mid aanan weli fulin, laakiin gacanta lagu hayo ayaa howlihiisii ay waddamo dhowr ah ku guda-jiraan una tartamayaan koodii ku hor-mari lahaa. Waa socdaalka aadamigu ku tiigsanayo xiddigga la yiraahdo Farraare (Mars), ama meeraha gaduudan (The Red Planet). Iyada oo meerahan uu yahay mid isha caadiga ah lagu arki-karo xilliga uu cirku saafiga yahay ayaa taasi waxay sababtey in goor hore jiritaankiisa la ogaado. Aadamigu wuxuu yiqiiney xiddiggan tan iyo taariikhda horteed. Midabkiisa gaduudan darteed ayaa Giriiggii hore waxay u yiqiineen Ilaahii Dagaalka.

Tan iyo qarnigii 17-aad, markaas oo la heley agabka fiiro-tebiyaha ah (Telescope) waxaa kordhayey xiisaha loo qabo in la haleelo ogaallada ku qarsoon Fagaagga bannaan ee dusheenna ah. Gaar ahaan malluugyada nala deriska ah oo meeraha gaduudan uu kamid yahay. Dadaal badan oo ay faco badan iska-dhaxleen dabadeed, waxaa la heley ogaallo hor-dhac ah oo lagu baranayo xiddiggan aanu deriska nahay ee aadamigu damacsan yahay in uu u hayaamo. Haddii aanu is dul-taagno ogaalladaas, waxaanu heleynaa in meerahan gaduudan dushiisa ay muddo dheer ka dhacayeen qaraxyo xooggan, taas oo sababtey buuraha qirada weyn ee dushiisa qotoma. Waxaa dushiisa ku yaal buurta ugu dheer meerayaasha bahda qorraxda. Buurtaas oo aqoonyahannadu ay ku magacaabeen Olympus Mons, ayaa dhererkeedu wuxuu gaarsiisan yahay 24.000 m. Midabka gaduudan ee uu xiddiggan leeyahay waxaa u sabab ah birta oo ku badan ciidda dushiisa saaran iyo dabeylaha xoogga-weyn ee habaaska kiciya. Ciiddaas oo macdantu ku badan tahay ayaa iyada oo xanfar ah waxay ka buuxdaa hawadiisa.

Farraare waa xiddigga afaraad malluugyada sagaalka bah-wadaagta ah oo qorraxdu ay hooyada u tahay. Malluugyadaas ayaa waxaa leysku yiraahdaa bah-qorraxeed (Sun Family). Isagu waa xiddigga labaad ee ugu yar bahdan. Wuxuu kamid yahay xiddigaha gudaha ku jira oo leysku yiraahdo malluug-dhuleedyo (Terrestrial Planets). Kuwaasi waa afarta xiddig ee ugu horeeya ee xiga qorraxda, una cimilo iyo dhismo dhow dhulka. Afarta xiddig waxay kala yihiin Dusaa (Mercury), Waxara-xir (Velnus), Dhulka (Earth) iyo Farraare (Mars). Malluugyadan afarta ah waa ay ka duwan yihiin kuwa kale oo dhismahoodu ku badan yahay gaasaska. Kuwan afarta ah waxay leeyihiin dhul leh dhagax iyo bir. Cuf-jiidkooduna, marka laga reebo malluugga Cir-jeex, wuxuu ku dhow-yahay midka dhulka. Waxaa kaloo ay leeyihiin biyo gudaha kaga jira iyo hawo (Hydrogen iyo Helium) dusha kaga hagoogan. Culeyska xiddigga Farraare waa 3.833-E24 kg., dhulkuse culeyskiisu waa 5.972-E24 kg. Cufkiisu waa 3.93 g/cm³, cufka dhulku waa 5.52 g/cm³. Cuf-jiidkiisu waa 3.711 m/s², kan dhulkuse waa 9.78 m/s². (http://en.wikipedia.org/wiki/Mars)

Meesha uu meerahan fagaagga kaga dhaco waxay tahay 1,5 AU (Astronomical Unit), taas oo macnaheedu yahay in uu qorraxda u jiro, cel-celis 227 melyan oo km. Maalintiisu waxay ka dheer-tahay maalinta dhulka 24 saac, 39 daqiiqadood iyo 35 il-biriqsi. Sidaa darteed sanadkiisu wuxuu le’eg-yahay 687 oo maalin-dhuleed ah. Xiddiggu wuxuu lee-yahay bu’ ka sameysan bir, taas oo ay ku hareereysan tahay dabaqado ah dhagxan adag. Dusha oogada ah waxaa kaga huwan dabaqad gaas ah oo ka khafiifsan dabaqadda gaaska ah ee ku hagoogan dhulka. Xiddigga Farraare waa meere cimiladiisu ay u dhowdahay cimilada dhulka, kase yara qallafsan-tahay. Wuxuu la wadaagaa udub-meereysiga (Orbital Rotation) uu qorraxda ku wareegaaleysto, iyo wareegga uu gudihiisa is-wareejinayo. Waxaa kaloo meeraha dhulka uu la wadaagaa xagasha uu ka iisho muddada uu ku jiro sanad-meereysiga. Xagashaas ayaa heerkeedu wuxuu yahay 25.19 °C. Taasi waxay heer-kulkii Farraare ka dhigtaa, xilliga kuleylahana in uu yahay +30 °C, xilliga qaboobahana ay cirifyadu noqdaan −87 °C. Sida aanu soo xusney, waxaa dushiisa ka dhaca dabeylo kala duwan. Marar waxay ka dhacaan degaano gaar ah. Mararna aad ayay u baaxad weyn yihiin oo xanfarkooda wuxuu daboolaa gebi ahaan dhulka meeraha. Taasina waxay dhacdaa mararka uu qorraxda u dhow-yahay. ( Planet Gobblin Dust Storms. Tony Philips. 2001. Science. NASA. Washington – USA).

Farraare, masaafada ay dhulka isu-jiraan waxay tahay mid aanan sugneyn. Sababtu waxay tahay masaafada ay qorraxda u jiraan oo kala duwan. Dhulku wuxuu qorraxda u jiraa 150 melyan km. Macnaheedu wuxuu yahay 80 melyan oo km. ayuu qorraxda ka xigaa xiddigga Farraare. Taasi waxay sabab u tahay farqiga weyn ee u dhexeeya udub-meereysiga labada xiddig iyo xawaaraha ay ku cararayaan. Muddada ay ku jiraan hayaanka udub-meereysiga, labadan malluug marna waa ay isu soo dhowaadaan, marna waa ay kala fogaadaan. Marka ay isugu dhow-yihiin waxay isu jiraan masaafo gaarsiisan 54.6 melyan oo km. Marka ay isugu fog-yihiin waxay isu-jiraan 401 melyan oo km. Sidaas ayaa cel-celiska masaafada u dhexeysa dhulka iyo Farraare waxay noqoneysaa 230 melyan oo km. Dhul ahaan, dhex-rooraha (Diameter-ka) xiddigga Farraare waa 6.794 km. Wuxuu ka yar-yahay dhex-rooraha dhulka masaafo gaarsiisan kala bar. Farraare wuxuu leeyahay laba dayax oo la-kala yiraahdo Phobos iyo Deimos. Iyagu waxay yihiin dayaxyada ugu yar-yar ee la socda malluugyada aanu bah-wadaagta nahay. Iyagu waxay yihiin dhadhaabyada meereysta (Asteroids). Timaaddada waxaa la filayaa, cuf-jiidka Farraare dartiis in dhadhaabyadaasi ay ku dhacaan xiddigga oo sidaas ay kaga mid-noqdaan dhagxanta meeraha Farraare. Xawaaraha uu xiddiggan ku cararo waxay gaarsiisan tahay 5.027 km/s.
(http://en.wikipedia.org/wiki/Mars).

Ogaallada intaas le’eg ee laga heley xiddigga Farraare kuma iman fadhi ku-dirir iyo aragti gurya-noqod ah, ee waxay ku timid maan aanan la hafran iyo dadaallo is-biirsadey oo aadamigu ku tiigsanayay in uu asraarta nolosha ku baadi-goobo. Bartamihii qarnigii tegey waxay ahayd xilligii dayax-gacmeedyadu bilowdeen. Dayax-gacmeedkii ugu horeeyey ee fagaagga ka dusa ee gaara hawada xiddigga-gaduudan waxaa la oran jirey Mariner-4. Markey taariikhdu ahayd 28/ 11- 1964-kii, ayaa wakaaladda NASA ay u dirty in uu sahmiyo malluugga Farraare oogadiisa. Wuxuu hawada xiddigaas meereysanayey tan iyo 8 bilood. Wuxuu soo tebiyey 21 sawir oo uu ka soo qaadey Farraare oogadiisa. Tan iyo xilligaas waxaa jirey dayax-gacmeedyo badan oo halkaas ka soo tebiyey ogaallo xiiso badan. Ogaalladaas ayaa waxay aadamiga ku dhiiri-geliyeen in ay u muhoodaan in ay mar dul-joogsadaan ciidda Farraare.

Madaxwaynihii Mareekanka George Bush-kii wiilka ahaa, ayaa xilligiisii wuxuu caddeeyey in Mareekanka uu bilaabey mashruuc uu ku tiigsanayo xiddigga Farraare. Kaas oo lagu doonayo in qof aadami ah la dul joojiyo meerahaas. Madax-waynaha Barack Obama, ayaa isagana laba sano horteed wuxuu sheegey, qofka Mareekanka ah ee ugu horeeya in uu ku dul-joogsan doono xiddigga Farraare bartamaha sanadaha 2030. Hankii labada nin waxaa hoos u dhigey hoos u-dhaca dhaqaale ee ku yimid dowladaha reer galbeedka, oo Mareekanku uu kamid yahay. Arintaasi waxay khasabtey shirkadda NASA (National Aeronautics and Space Administration) in ay fur-furto qalabkii ay ugu tala-gashay socdaalka Farraare. Dabadeed waxay xoogga saareen in ay helaan dowlad kale oo ay iska kaashadaan hirgelinta mashruuca. Wakaaladda fagaagga ee Ruushka RSA (Russian Space Agency) ayay noqotey mid iyana dhankeeda uga diyaarsaneyd wada-shaqeynta ceynkan ah.

Waxaa xusid mudan, waddamada Ruushka, Shiinaha iyo Jabaan in ay hakiyeen fulinta mashruuc ay Mareekanka kaga deyanayeen, kaas oo ahaa in ay qof ku dejiyaan dayaxa oogadiisa. Saddexda dalba waxay u joojiyeen mashruucii ceynkaas ahaa, iyaga oo mid waliba ay dhankeeda tartan uga gashay in ay ku hor-marto sidii ay qof ugu dejin laheyd malluugga Farrare oogadiisa. Ruushka waxaa u muuqata in arintaasi ay suuragal noqoneyso sanadaha 2030-aadka. Deyrtii sanadkii 2011-kii, Shiinaha waxay heshiis la galeen wakaaladda Yurub u qaabilsan fagaagga ESA (European Space Agency). Waxay ku heshiiyeen in ay mashruucaas ka wada-shaqeeyaan. Waxay isla diyaariyeen lix qof oo oggolaadey, meel macmal ah (laboratory) in ay ku maraan tijaabooyinka looga baahan yahay dadka u dhoofaya xiddigga Farraare. Macmalkaas wuxuu ku yaalla magaalo-madaxda dalka Ruushka (Moskow).

Shiinuhu ayaa iyagana doonayaan in ay cir-bixiyeen u diraan Farraare muddada u dhexeysa 2040 – 2060. Waxaa dhiiri-gelinaya xawaaraha uu ku socdo koboca dhaqaale iyo garashada aqoonta teknolojiyada ee dadkeeda. Waxaa kaloo khasbaya baahida ay u qabto aqoonta teknolojiyada ciidameed oo arnitan ay gacan ka geysaneyso. Ninka la yiraahdo Jimmy Xue, wuxuu madax ka yahay xiriirka wada-shaqeyn ee xagga cirka ee ka dhexeeya Shiinaha iyo dalka Sweden. Isagu wuxuu sheegey in marka hore ay shirkado madax-bannaan qabanayaan howsha socdaalka xiddigga gaduudan iyo degaamadii ay ka qabsan lahaayeen. Waxaa jira shirkado ay kamid yihiin Virgin Galactic iyo Planetary Resources, kuwaas oo ku howlan mashruucan dad ku-dejinta xiddiggaas iyo xataa in ay macdan ka soo qotaan oo ay dhulka u iib-keenaan.

Aqoonyahannada ku howlan mashruucan, dhamaantood waxay tilmaamaan cillado iyo shiddooyin u muuqda oo fashilin kara hir-gelinta socdaalkan xiisaha leh. Cilladaha ugu waaweyn ee la doonayo in laga tallaabsado waxay ka imaaneysaa masaafada socdaalka oo dheer (230 melyan oo km.), wakhtiga hayaanka oo badan (sanad iyo bar), qallafsanaanta cimilada la sii dhex-marayo (fagaag aan aqoon loo laheyn), qallafsanaanta cimilada Farraare iyo xanfarka dabeylihiisa oo khalal ku keeni kara dayax-gacmeedka. Bad-baadada nolosha cir-bixiyeennada ayaa waxay tahay waajibka koowaad ee saaran aqoonyahannada baaritaanka ku jira. Midda ay isla-qireen waxay tahay in ay adag-tahay qof aadami ah sidii uu adkeysi ugu yeelan lahaa socdaal sidaas u dheer una halis badan. Waxaa kaloo ay ku howlan yihiin, sidii ay u gaadiidi lahaayeen raashinkii, biyihii iyo hawadii ay cir-bixiyeennadu u baahnaayeen muddada socdaalka.

Haddii lagu guuleysto in la diro dayax-gacmeedka lagu socdaalayo, dhowr toddobaad oo socdaal ah dabadeed wuxuu ku gaarayaa waddada udub-wareegga uu meeraha guduudan maaxo. Taasina haddii uu qabsado kama uu soo noqon karo illaa uu ka gaaro oogada xiddigga Farraare. Khalal kasta oo muddadaas ku yimaada agabka lagu hayaamayayo, macnaheedu wuxuu yahay in cir-bixiyeennadu ay dhintaan. Sababtu waxay tahay, ma-jirto awood loogu tago oo lagu kaalmeeyo iyo cid u gargaari karta. Mareekanku wuxuu sheegtaa in ay ka dhinteen 17 cir-bixiyeen, muddadii uu ko howlanaa tijaabooyinka aqoonta cirar-baradka. Ruushka ayaa iyaguna sheegta in ay arinkaas uga dhinteen 4 cir-bixiyeen. Waxaa la saadaalinayaa, geerida ka dhalaneysa socdaalka lagu tiigsanayo Farraare in ay intaas ka badnaaneyso.

Waxaa kaloo cillad ah shidaalka kiimikada ah oo tamar ahaan loo adeegsado gaadiidka gantaallada kor u baxaya. Shidaalkaas oo culeyskiisu uu noqonayo malaayiin kg, ayaa xamuulkoodu wuxuu cusleynaayaa gaadiidka lagu hayaamayo. Si cilladdaas loo yareeyo, waxaa lagu fekerey in awoodda nuclear-ka loo adeegsado shidaalka dayax-gacmeedka. Taasi waxay saamaxeysaa, xamuulkii cuslaa ee shidaalka ahaa meeshiisii in lagu qaato agab kale oo qiimo u leh mashruuca hayaanka. Isla-maarkaas, shidaalka nuclear-ka waa uu ka jaban yahay shidaalka kiimikada ah kana wax-qabad weyn-yahay. Gantaallada nuclear-ka waxay u dhaqaaleynayaan mashruuc kasta oo hayaan ah dhaqaale lagu qiyaasey laba milyaard oo dollar. Aragtida adeegsiga neclear-ka waxay xal u noqotey shidaalkii dayax-gacmeedka ee masaafada dheer lagu gaadiidi lahaa. Laakiin arintaasi xal uma noqon culeyska raashinka, biyaha, hawada iyo agabka kale oo ay cir-bixiyeennada u baahan yihiin muddada ay hayaanka ku maqan yihiin. Agabkaas ayaa wadar ahaan culeyskoodu wuxuu noqonayaa mid aanan loo heleyn gantaal dhulka ka xamaala oo kor gaarsiiya. Aqoonyahannadu waxay cilladdaas kaga gudbeen dhismaha saldhig hawada sare laga dhisey oo ay iska kaashadeen wakaaladaha fagaagga ee Mareekanka iyo Ruushka. Saldhiggaas oo ay ku magacaabeen ISS (International Space Station), waxay ujeeddadu tahay in halkaasna lagu diyaariyo gantaalkii weynaa si markaas hayaanka Farraare uu halkaas uga bilowdo.

Hayaanka udub-meereysiga labada malluug ee kala ah dhulka iyo Farraare ayaa wuxuu yahay cillad kale oo u baahan in laga gudbo. Muddada ay hayaamayaan labadan xiddig marna waa isu soo dhowaanayaan marna waa kala fogaanayaan. Haddaba dayax-gacmeedka waa in lagu beegaa xilliga ay isugu dhow yihiin, si loo adeegsado tamarta ugu yar. Laakiin waxaa dheceysa muddada ay cir-bixiyeennada ku sugan yihiin Farraare, oo lix bilood noqoneysa, hayaanka udub-meereysiga waxaa ka dhalanaya in labadii xiddig ay kala fogaadaan. Haddii markaas la doono in cir-bixiyeennadii ay soo laabtaan, waxay noqoneysaa in laba arimood midkood la sameeyo. Mid waa in la sugto inta Farraare iyo dhulka ay mar kale isu soo dhowaanayaan. Taasina waxay qaadaneysaa 18 bilood oo cir-bixiyeennadii ay ku dul noolaanayaan meeraha guduudan. Arintaasina waxay kordhineysaa khatartii ay ku sugnaayeen cir-bixiyeennada. Aragti kale ayaa jirta oo ah in cir-bixiyeennadu ay u hayaamaan dhanka xiddigga Cir-jeex (Jubiter) ee Farraare ka shisheeya. Markaas waxay raaci karaan meeraha xiddiggaas. Dabadeed iyaga oo raacaya cuf-jiidka (Gravity) Cir-jeex, markii ay Dhulka isu soo dhowaadaan bey u soo tallaabayaan meeraha dhulka. Aragtidaas waxaa ka timid cabsi ah, haddii cuf-jiidka xiddigga Cir-jeex uu noqdo mid si buuxa u jiita dayax-gacmeedkii, waxay noqoneysaa in laga quusto cir-bixiyeennadii oo ay ku libdhaan ciidda xiddigga Cir-jeex.

Howsha aanu qallafsanaanteeda intaas ka ogaaney, waxaa loo marayaa hayaan lagu tiigsanayo xiddig inala-deris ah. Si loo fahamo aayaddii inagu xujeysey dhex-rooraha fagaagga ciriarka, aynu aragti ahaan u soo qaadanno hayaanka xawaaraha iftiinka (Light Speed). Waxaa lagu qiyaasaa in uu gaarsiisan yahay 299,792,458 m/s (290,000 / s.). Iftiinka qorraxda ka soo socdaala, wuxuu dhulka inoogu yimaadaa 8 daqiiqadood. Meerayaasha bahda qorraxda wuxuu kaga baxaa 5 saacadood. Dabadeed bannaan cidla ah ayuu iftiinkaas ku socdaalayaa isaga oo xawaarihiisii ku cararaya muddo 4 sanadood ah ayuu wuxuu ku gaarayaa malluugyada caa’ilad malluugyo ah oo u muuqaal eg bahda-qorraxda. Aqoonyahannadu waxay ku magacaabeen Epsilon Eridani System. 1,000 sano oo xawaaraha iftiinka, waxaa lagu gaarayaa xadka cir-jiidka caanaha (Milk Way Galaxy), kaas oo la qiyaasayo in ay ku urursan yihiin 200 oo belyan oo xiddigo ah. Indhaha aadamiga waxay arki karaan 2,500 oo kamid ah, waa markii uu cirku saafi yahay. Xawaaraha iftiinka, 5 melyan oo sano dabadeed ayuu wuxuu ka gudbi karaa 30 cir-jiid oo keliya. Waxaa la rumeysan yahay, tirada cir-jiidyada fagaaggu in ay ka badan yihiin tirada ciidda.

Haddaba halkaas ha inoogu caddaato, fagaagga bannaankiisu ay baaxaddaas le’eg-tahay, in ayan suuragal ahayn in dhex-roorihiisa la haweysto. Sidaasna waxaa ku dhaboobey caajiska lagaga sugan yahay xujadii la hor-dhigey gaalo hore iyo gaalo danbe. Kuwa islaamnimada sheegtey ee rumeeyey Eebe (kor ahaaye) iyo kitaabkiisa, iyagana su’aal ayaa hor-taal. Bulsho islaam ah oo awoowayaashood ay iska dhaxleen akhriska aayadda ceynkaas u hadleysa iyo bulsho awoowayaashood ay beeniyeen aayaddan, labadaas bulsho mid-keebaa mudan higsashada il-baxnimo iyo aqoon lagu naalloodo ?.

http://vimeo.com/18819210

Gobonimada dararteedu waa inay na deeqdaaye
Dayaxaa cirkiyo reerahaas degaya guudkeena
Digsigaa lalaayiyo sancada dunidu dhiillootey
Dadku waxay ku gaareen aqoon durugtey weyaane
Idinkuna dun iyo liilan iyo dacas mahaysaane
Durduradeeniyo wabiyadoo wada dareeraaya
Dibaddaad ka baridaan waxaad daanka gelisaane (Cali Cilmi Af-yare)

Qore: Dr. Saadiq Enow
Saadiq-enow@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " DHEX-ROORAHA FAGAAGGA IYO TIIGSIGA FARRAARE "

  1. A.S.C. dr. SAADAQ ENOW. sln kadib aad iyo aad baad u mhdsnthy midda kale waxaan kaa codsaneynaa inaad noo dhameestirtid qeybaha ka harsan daagaalkii 2aad ee aduunka SND. WORLD WAR II Mhdsnd qeebta 27aad noo dhameestir weerarkii talyaaniga ee Giriiga. mhdsnd in bdn.

  2. fiidoow says:

    diktoor saadiq allah ahakaa baal mariyo qoraaladada cilmiga ubadan waxaan jeclaan lahayn in aad noo kordhiso icjaazka cillmiga ah
    oo runtii meelaha soo malidu ka liidato ah alaah haku xafido cilmigaga ha kuu barakeeyo waxaa hubaal ah in qoraaladan loo aayidoono

  3. asc dr saadiq salaankabacdi waxaan kuleeyahay ilaaheey hakuu barakeeyo cilmi gaaga caqligaaga maskaxdaada diintaada caruurtaada iyo ehelkaaga waxaan kaa codsaneynaa dadaalkaaga kuwajahan kor uqaadis aqoonta iyo wacyiga umada soomaaliyeed sii labajibaar waayo baahi intaa kabadan ayeey u qabaan in luuqadooda ey ku helaan macluubaad badan oo kala badalan qaasatan oo u badi icjaaz al quraan oo mar mar mowduucyada nooga soo qaad heyatul icjaaz alquraan ogowna waxaan kamid ahay dadka marka ey galaan somalitalk karaadiya maqaal aad qotey www

  4. abucabdalla says:

    shiiku diktoor saadiq allah hakaa abaal mariyo qoraalada qiimaha leh ee aad markasta noogu faa’iidayso gaar aan waxaad tahay qooraaga keli ah ee badanaa qora icjaaska cilmiga ah oo runtii soomalidu aad uga liidato
    jazaakalah kheeyr wxaan jeclaan lahayn in aad noojoogtayso.
    iyo in aad daabacdo si aan u iibsano guryahana u dhigano ilmahana u barno jazaaklah kheyr marlabaad

  5. ascww Dr.saadiq eenow marka hore ilaahay ajar iyo abaal aan lasoo koobi karin hakaa siiyo waxaad nadeeqsiisay aqoon iyo afkaar aad iyo aad aan ula yaabay markaan akhriyay runtii waxaan ilaahay kaaga baryaayaa inuu ku waafajiyo intaa iyo in kabadan kuuna naxariisto dhiggaa oo kalana ilaahay noo badiyo.
    Dre suaasha aan rabo inaan kuweydiiyo waxa tahay waxaan ahay nin ardey jaamacadeed ah waxaan joogaa dalka suudaan waxaan kaa codsanayaa inaad isiiso naseexadaad siin lahayd wiilkaaga oo ardey ah oo ku jira jaamacad xagga dadaalka waxbarshada,baaritaanka iyo wax akhriska?
    waad mahadsantahay Dre waana kuu ducaynayaa inbdn.