Home » Warar »

Ra’iisul wasaaraha DFKMG Soomaaliya ayaa u diraya hambalyo ku aadan Ciidul Fidriga dhamaan Muslimiinta Caalamka

Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda FKMG:

Muqdisho, 18, Agust. 2012…..Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali ayaa caawa dhamaan muslimiinta Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed Hawada u marinaya hambalyo ku aadan farxada Ciidul Fitriga.

Ra’isul wasaaruhu wuxuu Hambalyo u diryaa dhamaan Umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isagoona sheegay in Umadd kasta ay leedahay Ciid iyo munaasabado ay weeyneeyaan, hase yeeshee Ilaahay SWT waxaa uu Umaadda Islaamka u jideeyey laba Ciidood oo kala ah Ciidul Fitri iyo Ciida udxiyada, Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan waa u dabaal dagaan labadaas Ciidood.

Xikmada looga jeedo ayaa ah in muslimiintu isugu yimaadaan Salaadaha labaas ciidood si ay isu bartaan, isu xiriiriyaan, iyo in qaarkood qaarka kale u bogaadiyaan si ay isu jeclaadaan una midoobaan.

“Anigoo ka fa’iidaysanaya fursadaan Ciida waxaa ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed inay is cafiyaan isu tanaasulaan isna caawiyaan, waa in kuwa wax haysta ay farxada la qaybsadaan walaalahooda dhibaateysan ee aan waxba haysan. waxaa kaloo farxad ah in Ciidan ku soo begantay anagoo rajo wanaagsan ka qabna inaan maalmaha soo socda Soomaaliya yeelato dowladd rasmi ah taasina waxay noo tahay farxad labaad”.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaruhu Isagoo hadlkiisa soo gabagabaynaya waxaa uu sheegay inuu u rajaynayo shacabka Soomaaliyeed barwaaqo iyo horumar laga gaaro siyaasada , dhaqaale iyo Arrimaha bulshada, ilaahayna sanadkaan sanadkiisa ku gaarsiiyo nabad iyo baraare.

##DHammaad


Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.