Home » Warar »

Golaha Masaajidda Woqooyiga Ameerika oo Hambalyada Ciidul-fidriga u diray Muslimiinta

Goluhu Wuxuu udar daar mayaa Umada Islaamka ah Gaar ahaan umada soomaaliyeed inay sii wadaan cibaadadii iyo dadaalkii la soo waday,bishii ramadaan,oo aysan naga noqon wax un ku ekaa bisha ramadaan.

GOLAHA ISUTAGA MASAAJIDA EE W/MARAYKANKA OO HANBALYO IYO DAR DARAN KU AADAN MUNAASABADA CIIDUL-FIDRIGA UDIRAAYO UMADA MUSLIMIINTA AH,GAAR AHAAN JAALIYADAHA SOOMAALIYEED EE KU NOOL WADANKA DIBADIISA.IYO SOOMAALIDA GUUD AHAANBA.
اللهم تقبل منا ومنكم صالح الاعمال وكل عام وحضارتكم بخير
تقبل الله مناومنكم صيمنا وصيمكم من الآعيدين والفائزين
Goluhu wuxuu hanbalyo udirayaa umuda islaamka ah,gaar ahaan jaaliyada soomaaliyeed ee qurbaha ku nool,wuxuuna ugu hanbalyaynayaa soo galiada ciidul-fidriga,wuxuuna illahay uga baryayaa in ciidaan ciideeda kale umada islaamka ah ku gaarsiiyo baarwaaqo iyo bash bash.

Goluhu wuxuu udar daar mayaa Umada islaamka ah guud ahaanteed,inay illaahay u soo noqdaan,kuna toosnaadaan ku dhaqanka diintooda toosan,kana run sheegaan islaamka ay unasab sheeganayaan.

Goluhu wuxuu si gaar ah ugu dar daar mayaa jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dibadiisa,inay diintooda ku dhaganaadaan,iskana ilaaliyaan dhaqamada aan islaamka ku salaysnayn ee ay ku dhaqmaan dadyowga ay lanoolyihiin ee aan muslimiinta ahayn.

Goluhu wuxuu sidoo kale u dar daar mayaa soomaalida gud ahaanteed,inay ku dadaalaan midnimadooda,kana fogaadaan waxyaabaha dhaawacaayo midnimada umada,sida cudurada lagu ibtileeyay dad badan oo soomaaliyed oo uu ugu waynyahay (QABYAALADA)IWM.

Goluhu Wuxuu udar daar mayaa Umada Islaamka ah Gaar ahaan umada soomaaliyeed inay sii wadaan cibaadadii iyo dadaalkii la soo waday,bishii ramadaan,oo aysan naga noqon wax un ku ekaa bisha ramadaan.Maxaa yeelay ilaaha aan caabudno bisha ramadaan,wuxuu naga doonayaa inaan marwalba caabudno intaan nool nahay.hadii kale cibaadadii waxay naga noqonaysaa mid ramadaan ku ekayd.

Goluhu Wuxuu udar daar mayaa jaaliyadaha soomaaliyeed ee qurbaha ku nool inay ku dadaalaan ku xirnaanta,Masaajida iyo maraakista dacwada ee ka dhisan goobaha ay daganyihiin,caruurtana lagu tarbiyeeyo ku xirnaanta masaajida iyo maraakista islaamiga ah,Maadaama qurbuhu qatartiisu badantahay,Inta badan Qoysaska bad baado, caruurtana u bad baado waa kuwa kuxiran masaajida.

Goluhu wuxuu si gaar ah ugu dar daar mayaa dhalinyarada soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool qurbaha,inay ku dadaalaan barashada cilmiga sharciga ah.Kana qaataan culimada lagu kal soonyahay manhajkooda iyo tarbiyadooda,waana inay dhalinyaradu iska ilaaliyaan manaahijta qaloocan.

MAAMULKA SHUURADA IYO TANFIIDKA EE GOLAHA ISUTAGA MASAAJIDA EE W/MARAYKANKA.
SH/ABDIRAHMAN SH OMAR & SH/ABDULLAHI ABUL-FADLI ……. 08/19/12

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.