Home » Warar »

Soomaaliya: Waa markii ugu Horeysey ee Taariikhda oo Halmar la wada Ciidey 21-kii Sano ee la soo Dhaafey intii lagu Guda Ciidul Fidriga (Warbixin)

Xarakada Alshabaab oo Tartan Qu’aan Akhris ah Hadiyad ahaan u Bixiyey Qoryaha Akh 47 iyo Daba Miinshaar

In kastoo markii uu dhalanayey Ramadaanka loo kala Soomey Jimce iyo Sabti hadana waxaa faraxad ah in mar Qura la wada ciidey Ciidul Fidriga , waa mid taariiikhi ah int aan Xasuusto intii lagu guda jirey Dagaaladii Sokeeye ee la wada Ciidey islamarkaana si faraxd leh loo Damaashaaday.

Ciidaan ayaa ku soo beegantey Xili loo diyaargaroobayo Xiliga kala Guurka iyadoo intii lagu guda jirey Ramadaankii ay Xaaladu ay ahayd mid Cakiran ka dib markii la isku qabsadey soo Xulida Baarlamaanka , welina waa muuqataa saansankii khilaafka hareeyey soo xulistaas hase yeeshee dadka ayaa qabey in ay Ciidaan filayey in ay u dhalato Dowlad Rasmi ah taasina ma dhicin oo ,weli sidii baa la iskugu dhegan yahay.

Markii Xaley la soo sheegey in ay Ciid tahay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho hal mar is qabsadey Rasaas ifiso ah iyo Bulaleyr oo Midabo la duwan watey hase yeeshee dadka oo in muddo ah ku soo jirey Mugdi iyo Dagaalo aan dhamaad lahayn ayaa aad u la yaabanaa Buleyrka midabada kala duwan watey ,hase yeehsee la yaab ma leh oo weligiid ma arag Damaashaad lagu sameynayo hawada sare oo qaarkood waxaa ka soo yeerayey hadalo si aad ula yaabeysid

Ka soo gudub markii uu saakey waagu baryey ayaa waxaa Wadooyooyinka Magaalada Muqdisho lagu arkayey dadka oo raxan raxan u socda oo markaas ka soo baxay Masaajidada qaarood waxay wateen Gawaari oo wadooyinka ka dhigey Cariiri Iyadoo dadka intiisa badan ay is booqanayaan islamarkana qaarood waxay kuwa jahnaayeen Xeebta Liido oo waayadaan noqotey Goob loo Dalxiis tago

Sidoo kale Dadka aan waxba haysan ayaa iyana waxaay fayl ugu jireen Guryaha laga biixinyaa Sakaatul Fidriga sidoo kale waxay Xirnaayeen Dhar aad u quroon oo qaarkood markaad weydiisid ku oronaya waxaa Dharkaan aan ka helney Hayado Khayri ah kuwa kale waxay kuu sheegayaan in ay Sadaqadaas ka heleen dadka wax haysta iyo Shirkadaha Ganacsiga.

Nin odey ah oo ka mid ahaa weligiis dadka ka dambeeya ama ha noqoto Ramadaan ama Ciid waayo waxaa uu ka mid ahaa dadkii Soomey Maalinkii Sabtida ayaa waxaan na dhex marey Dood waxaana iri” Weilgeey waxaan ku xirnaa Sacuudiga isaga ayaan ka sugeynaa in ay beri oo Sabti ah la Ciidayo “Waxaa uu i yiri” haddi Beri uu Saciuudiga ku dhawaaqo in ay Ciid tahay weligeey ma aaminayo” laakiin haddi ay Ramadaan Noqoto waa raacayaa” waxaan iri Sacuudiga Cid ka baadi goob badan bisha ma jirto waxaana kuu sheegayaan in Shacabaankii uu ku dhamaadey 29 markii Ramadaan u maleymaayo in iyana uu ku dhamaanayo 29” sidii bay noqotey
Sacuudiga Habeenimadii buu hadlley oo yiri ‘ Bishii Juhdi badan baan geliney waan weyney marka beri waa Ramadaan” sidii baa la isku raacay “ Ninkii Odeyga ahaa ayaa saakey is aragney waxaa uu yiri “Hada ka dib waxaa Beenowdey in Sacuudiga uu yahay Dowlad Taariikh Fiirisa marka walaal wixii hadda ka dambeeya isaga ayaan ku Xirnaanyaa maadaama ay tahay Xaruntii Islaamka”

Magaalada Muqdisho ayaa saakey ka Duwan Sannado badan oo ay soo martey xaalado adag ,dadka si wanaagsan bay isku oronayaan Ciid Mubaarak, waxaa hadana si aad ah la isaga hambalyeynayaa Mobilada gacanta waxaa is dhaaf dhaafaya Fariimo Hambalyo ah oo ah Kulla Caam Wa Antum Khyarm sidoo kale waxaa Mobilada la isaga Xawilayaan Lacago oo Khadkii Noqdey Cariiri ka dib markii ay bateenLacagaha xawilaada, waxaa wadooyinka waa weyn lagu dhejiyey Boorara ay ku qoran yihiin Ciid Wanaagsan oo ay sameeyaan Shirkada Ganacsiga ee ka Howlgala Dalka

Dowlada Federaalka Masuuliyiintooda ugu sareeysa maalmahaana uu u dhaxeeyey Khilaaf ku aadan Waqtiga kala guurka ayaa Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif waxaa uu Salaadii Ciidul Fidriga dadka ku Tujiyey Masjidka Isbahaysiga oo waxaa gadaal ka taagnaa Raiisul Wasaaraha DFKMG Cabdiweli Gaas, inkastoo Xarunta Madaxtooyada ka socda Xafladi ay gooni gooni ay dhigayaan Madaxda Dowlada waxaana ku hoos jira Barnaamijyo Xod Xodosho ah ku aadan Xildhibaanada qaarkood Magacyadooda lagu Dhawaaqey si ay Cod uga helaan .

Dhinaca kale Wararka naga soo gaarayaa Gobolka Shabeelada Hose waxay sheegayaan in Masuuliyiinta ugu Sareysa Xarakada Alshabaab iyana dadka ay ku Tujiyeen Meelo Fagaaro ah iyagoo iyagana shacabka ugu Hambalyeyey Munaasabada Ciidul Fidriga iyagoo sheegey in ay Dagaalada sii wadi doonaan inta wadanka looga Xukumayo Shareecada Islaamka sidoo kale qaar ka mid ah Gobolada ay ka Taliyaan Xarakada Alshabaab ayaa lagu soo gabagabeeyey Tartan Qur’aan Akhris ah oo lagu soo beegey Munaasabada Ciidul Fidriga, oo Hadiyada qaar ay ahaayeen Qoriga Ak 47 iyo Qoriga Daba Miinshaar.

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Masuuliyiinta Xarakada Alshabaab oo Meel Fagaare ah kula Hadley dad u soo baxay Salaadii Ciidul Fidriga ayaa sheegey in in ay ayaandaro tahay in Goobihii Sannadkii hore aan dadka ku Tukin jirney ay maanta Saldhigyo u yihiin Ciidamo Shisheeyey marka waa in aan u diyaargarownaa sidii aan Gaaladaas aan dalka uga saari lahayn

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@!hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.