Home » Warar »

Shariif Xasan iyo Mahiga oo kulankoodii oo ku Dhamaadey Fashil ka dib markii..

iyo Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo si Cad u Diidey in la soo Magacaabo Xildhibaanadii Hore.

Warbixinno:

Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ahaa Guddoomiyahii hore Barlamaanka KMG ayaa kulan la qaatay Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mahiigga. Shariif Xasan oo halkaas looga yeeray ayaa sida Ilo Hoose oo aan heleyno ay sheegayaan Xafiiska Mahiga looga Yeeray ayaa lagala hadlay arrimo ku saabsan Guddoomiyaninimadiisa iyo Musharaxnimadiisaba.

Shariif Xasan ayaa loo sheegay sida xogta aanu heleyno ay sheegeyso inuusan ahayn wixii xiligaas ka bilowda Guddoomiye isla markaana uusan hoggaamineyn Baarlamaanka dib dabna uusan u hor imaan karin Baarlamanka.

Shariif Xasan ayaa sida wararku sheegayaan sidoo kale la farageliyey Musharaxnimadiisa Madaxtinimo Soomaaliya oo dhawaan uu xilkaas isu soo taagay. Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa la sheegay in ay arrintaasi Weji Gabax ku keentay taasoo uusan Filanayn xiligan oo uu taagan yahay Ol olaha Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya

Shariif Xasan oo ka mid ahaa Saxiixayaashii Road-Mapka ayaa ka hor intii uusan noqon Guddoomiyaha Barlamanka waxaa lagu Eedeeyn jirey inuu ku lug lahaa Lacago la Musuq maasuqay intii uu isagu ahaa Wasiirka maaliyadda tasoo ilaa iyo hadda Xaqiiq loo hayn.

Arrintan ayaa waxaa ay imaanaysaa Xilli Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu wado kala shaandheynta Xubnaha qaybta ka noqonaya Baarlamanka iyo waliba Musharixiinta Xilka Madaxweyninimada Soomaaliya isu soo taagaysa

Hase yeeshee raga siyaasada u dhuun daloola ayaa sheegeya in Mahiga uu ku talax tagey arrimaha siyaasada Soomaaliya islaamrkaana uu faragelin toos ah uu ku hayo arrimaha Xiliga kala guurka waxaana maalin weliba ka soo baxaya warar sheegaya in Mahiga ka dhex shaqeynayo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku howlan qaabkii looga gudbi lahaa marxalada kala Guurka.

Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo si Cad u Diidey in la soo Magacaabo Xildhibaanadii Hore.

Iyadoo weli ay soconayaan Hawlihii lagu soo xulayay Xildhibaanada qaybta ka noqonaya Xildhibaanada Cusub ee Soomaaliya ayaa Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan arrimaha Somaliya UNPOS wuxuu diiday dibna u soo celiyay Liiska illaa Dhowr Xubnood oo hore uga Tirsanaa Barlamaankii Federaalka Soomaaliya.

Kulamo aan kala go’ lahayn dood dheer iyomuran badan kaddib ayaa Xafiisku waxaa uu diiday Liiska Xubnahaas oo ay hore u soo gudbiyeen Beelahooda kaddibna uu Xafiiska u soo gudbiyay Guddiga farsamada.Ilo ku dhow dhow Xfiiskaas ayaa inoo xaqiijiyay in Xildhibaanadaas oo badankooda ka soo jeeda Beealaha Hawiye uu diiday Xafiiska inuu qabto Liisaskooda.

Xubnahan oo hore uga Tirsanaa Barlamaanka Soomaaliya ee Xilkiisu sii dhamanayo ayaa mar kale Beelahooda waxaa ay u soo xuleen in ay ka mid noqdaan Xubnaha Cusub ee Barlamanka loo qaadanayo in kastoo dib loo soo celiyay.

Waxaan caddeyn Sababaha dhabta ah ee lagu ciladeeyay Xubnahaas in ay dib uga mid noqdaan Barlamanka Cusub ee haatan la abaabulayo madaama ay beelahooda soo gudbiyeen soona xusheen. Si kastaba qaar ka mid ah xildhibanadan oo markii ay warkaas maqleen kulamo qaatay ayaa ku guuxay inaysan yeeleynin hadalka ka soo yeeray Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay Soomaaliya arrintaasina laga yaabo in ay keento Dagaal mar kale bur buriya Muqdisha waase Goorma hadalkani waa Goor ay Xeero iyo Fandhaal kala dhaceen.

Waxaa Mooda in Xafiiska Siyaasada ee Qaramada Midoobey uu faraha la galey arrimaha Siyaasada Soomaaliya ka dib markii Odoyaasha ku Cadaadiyey in ay soo Magacaabaan Ruux iyaga ay doonayaan si uu uga mid noqodo Xildhibaanada Baarlamaanka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.