Home » Warar »

Hay’adda Dalsan Community Welfare Organization oo ka Dayrisey Xoolaha ku Nool Gobolka Gedo

Guddiga Tabinta Abaaraha ee Hay’adda Dalsan Community Welfare Organization ee ka howlgala Gobolka Gedo ayaa ka deyrinaya nolol xumo soo wajahday Xoolo Dhaqatada reer Guuraaga ahi ee ku sugan Gobolkaasi, ka dib markii Daaqii Dhulkaasi aysan helin Roobabakii Xiliyada kala Duwanaa ee ka da’I jirey Deegaankaasi

Hayadu waxay sheegtey in reer Guuraaga ay bilaabeen in ay u Hayaamaan Deegaamada Keymaha leh ee ku yaala agagaarka Webiyadda Dawo iyo Jubba. Waxaana Hayadu Sheegtey in ilaa iyo hada laga Barakacay Tuulooyin badan sababo l axiriira biyo la’aan.

Gobolkan Gedo ayaa soo wajahay Dhibaato aad u weyn kadib markii ay ka dhaceen Dagaalo baahsan oo keeney Daaq iyo Biyo yaraan,Inta la ogyahay waxaa hoos u dhac ku yimid wax soo saarkii Beeraha ku hareereysnaa Webiyadda Daawo iyo Jubba

Baaritaan ay sameysey Hayadda Samafalka iyo Daryeelka Deegaanka ee Dalsan ayna ku sameysey koonfurta Gobolka Gedo sida Deegaamaha Dhamaso, Ceelwaaq, Faafax Dhuun iyo Dhul Daaqeedka Buusaar ayey ku sheegtey in Cimiladii oo isbedeshay waxaa u sii dheer dadka halkaasi ku sugan Dagaalo aan Dhamaad lahayn .

Majirto ilaa iyo hadda wax rajo ah oo u muuqata in dadkaasi lagu soo celin karo Deegaamadoodi sababo la xiriira Biyo iyo Baad la’aan sidoo kale Guddiga Tabinta Abaaraha ee Hay’adda Dalsan Xafiiskeeda Daarul-Dacwa ee Degmada Beled Xaawo ayaa xaqiijiyey in dad aad u badan ay u gudbeen dhinaca Doolow Addo si ay Xoolahooda ugu helaan Daaq san.

Maxamed Amiin Daahir
Xoghayaha Guud
Hay’adda Dalsan Community Welfare Organization

###

Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo Maanta si Rasmi ah ugu Dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan Xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya

Tifaftirhii laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da, Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa maanta kaga dhawaaqay Muqdisho inuu yahay Murashax u taagan Xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya ka dib markii uu la tashi la sameeyey Qaybaha kala duwan ee Bulshada isagoo sheegay in haddii uu ku guuleysto Doorashada uu ka shaqeyn doono Nabadda iyo dib u Heshiisiinta.

Intii uusan ku dhawaaqin Murashaxnimadiisa ayaa wuxuu kaam ku yaalla agagaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho uu geeyay Xoolo Nool iyo Raashin si ay ugu Afuraan Barakacayaasha kaamkaas ku jiray inta ka harsan bisha Ramadaan taasoo ay si aad u soo dhawaayeen Barakacayaasha iyagoo Ilaah ugu baryey in uu ku guuleeyeeyo Doorashada.

“Aniga waxaad igu taqaanneen Warbaahinta, balse maanta waxaan ku dhawaaqayaa inaan ahayn Murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya,” ayuu yiri Yuusuf Garaad oo intaas ku raaciyay in xaaladda Soomaaliya uu wax badan ka baahin jiray Warbaahinta aqoona uu sheegey oin uu leeyahay .

Sidoo kale, wuxuu sheegay in qofka Warbaahinta ka shaqeeya uu yahay siyaasi la socda waxyaabaha dalka ka dhacaya oo dhan, waayo anigu waxaan muddo badan ka qaybgalay shirar Soomaaliyeed oo lagu qabtay Dunida dacaladiisa, runtiina aad ayaan ula socday xaaladda dalka uu ku sugnaa.

“Waxaan muddo 20-sano ah ka shaqeynayay London, laba sanana Yurubta kale, balse markii aan bulshada la tashay ayaa waxaa ii soo baxday inaan isku soo taago xilka Madaxnimo ee Soomaaliya,” ayuu yiri Yuusuf Garaad oo sheegay in haddii uu ku guuleysto doorashada Madaxnimo uu Haweenka siin doono jagada ugu sarreysa ee Dowladda.

Mar uu ka hadlayay hannaanka awood-qaybsiga ee 4.5-ka ayuu sheegay inuu yahay mid dad gaar ah lagu faquuqayo, aniguna aad ayaan uga soo horjeedaa in nidaamkaas wax lagu qaybsado, waxaana soo jeedinayaa in Soomaalidu ay shan meel wax ku qaybsato.

Waxaa uu sheegey Yuususf Garaad in Haddii uu ku guuleysto Talada Dalka uu Xooga saari doono sidii dib loogu dhisi lahaa Ciidamada Qaranka soomaaliyeed si ay u hantaan amaanka Guud ee wadanka isagoo in Ciidamada ay heli doonaan wixii Xaquuq ah iyo Daryeel ee ay ku leeyihiin Qaranka Soomaaliyeed

Su’aal ku saabsanayd in haddii uu xilka madaxnimo ee dalka ku guuleysto uu heshiis la galayo Al-Shabaab iyo in kale, ayuu kaga jawaabay: “Uma maleynayo inaan ku gaari doono, hase yeesheen Al-Shabaab iyaga ayaa mas’uul ka ah dhibka maanta ka taagan Soomaaliya, waayo waxay martigeliyeen dad Waddamadoodii Dambiyo kaasoo galay.”

Dhanka kale, mar ka hadlay warfaafinta Soomaalida wuxuu sheegay inuu gacan ka geysan doono sidii aqoontooda sare loogu qaadi lahaa, sidoo kalena uu degmo iyo Tuulo kasta loo sameyn doono idaacad ka hadasha arrimaha bulshada, si dadka loogu wacyi-geliyo inay ka shaqeeyaan horumarka dalkooda.

Ugu dambeyn, wuxuu ka hadlay barakacayaasha iyo xaaladda ay ku sugan yihiin, isagoo sheegay inuu wax u qaban doon, hase ahaatee in maalin walba cagmaha la hoorsado waxaa ka wanaagsan in qofku shaqeysto si uu noloshiisa u maareeyo.

Taariikhdii Murashax

Mudane Yusuf-Garaad Cumar Axmed

Bismillahi Rahmani Rahim,

Yusuf-Garaad wuxuu leeyahay khibrad badan oo maamul oo professional ah. Hey’adaha caalamiga ah ee uu la soo shaqeeyay waxaa ka mid ah BBC World Service iyo ICRC oo uu madax ka ahaa Laanta Soomaaliga muddo 13 sano ah. Waxayna muddadaas ku tallaabsatay horumar xagga barnaamijyada, hirgelinta mawjado FM ah oo idaacadda looga dhegeysto gobolka iyo barta internetka ee BBCSomali.com oo muddadaas la unkay.

Intii uu BBC ka shaqeynayay Yusuf-Garaad wuxuu muddo min 7 bilood noqday ku simaha Madaxa Afrika iyo Tifatiraha Wararka Afrika iyo Bariga Dhexe, taas oo kuu beegnayd xilligii dagaalka Ciraaq. Yusuf-Garaad wuxuu ka mid ahaa khubarada BBC ee faaqida arrimaha Geeska Afrika kuwa ugu horreeya. Sidaa darteed wuxuu waryesiyo fara badan oo arrimaha Soomaaliya uu ku qaada dhigayo siiyay idaacado, telefishinno iyo wargeysyo caalami ah sida BBC Television – BBC World News, BBC News 24 and BBC 1 and BBC Arabic TV. BBC Radio Four, Five Live and BBC World Service Radio programmes such us Newshour, World Today, World Briefing, Focus on Africa, Network Africa, World Have Your Say, Africa Have Your Say, The World, Outlook, BBC Afrique, BBC Fifth floor, National Public Radio of the USA and SABC of South Africa.

Waxaa uu ka qeyb galay doodo ama ka jeediyay casharro ku saabsan Soomaaliya xarumaha cilmi barista iyo hey’ado kale oo ay ka mid yihiin:

The House of Commons

Council on Foreign Relations

Chatham House

London School of Economics

FCO

Lancaster House

Wilton Park

Fletcher School of Law and Diplomacy

Somali Students Association of Cairo, Egypt

Somali students’ Association of Kuala Lampur, Malaysia

Somali students’ Association of Hydarabad, India

Somali Students’ Association of Minneapolis, Minnesota, USA.

Somali Students’ Association of Columbus Ohio, USA.

Yusuf-Garaad intii aanuu dalkiisa hooyo ka dhoofin 22 sano ka hor, wuxuu ka shaqeeyay Radio Muqdisho iyo Bankiga Dhiigga ee Bisha Cas ee Soomaaliyeed iyo Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas, ICRC. Yusuf-Garaad intii uu ka shaqeynayay ICRC wuxuu ka qeyb galay laba hawlgal oo taariikhi ah oo maskaxdiisa ku reebay xusuus weyn, saameyna ku yeeshay noloshiisa.

Wuxuu marka hore qeyb ka ahaa hawlgalkii Soomaaliya iyo Ethiopia ay ku kala beddesheen maxaabbiis dagaal oo 4’000 kor u dhaafay oo sannadkii 1987 loo kala daad gureeyay Muqdisho iyo Diri Doa, Ethiopia.

Marka labaad waxaa uu Yusuf-Garaad ka qeyb galay hawlgal uur ku raallo ku reebay, sababna u noqday in uu dalka ka dhoofo kaas oo ahaa hawlihii samafal ee uu ka qabtay magaalooyinka, Berbera, Hargeysa, Burco iyo Borama sannadihii 1989 iyo 1990.

Hawlaha kale ee Yusuf-Garaad uu soo qabtay wxaa ka mid ah wargeyskii Xiddigta Oktobar, Akademiga Dhaqanka iyo Cilmiga ee Wasaaradda Tacliinta Sare oo uu erayo ku biiriyey Qaamuus af Soomaali ah iyo French Cultural Centre oo uu ka ahaa bare afka Faransiiska.

Waxaa uu socdaal shaqo ku tegey 17 ka mid ah 18-ka gobol ee Soomaaliya ay ka kooban tahay, ka hor dagaalka sokeeye iyo intii uu socdayba. Qaarkood waxaa uu tegey in ka badan 10 jeer.

Yusuf-Garaad waxaa uu goob joog u ahaa dagaalkii Hargeysa iyo Burco iyo goobo kale oo ka tirsan gobollada hadda loo yaqaan Somaliland. 22kii sano ee Qaran burburka baahsani ay ka jirtay dalka, waxaa uu ku noolaa Yurub hase yeeshee waxaa uu dalka ku yimid socdaal in ka badan 30 jeer.

Hawlaha uu soo qabtay waxaa uu ku kasbaday in Soomaali badan oo goobaha uu booqday deggan ama ka soo jeeda iyo weliba qaar kale oo badan ay aad ugu xushmeeyaan. Goobaha qaar aa uu booqday iyo sida uu uga warramay dartood, waxay dhegeystayaasha qaarkood u arkaan uin uu yahay nin dhiirran isla markaan ah waddani.

Wuxuu si fool-ka-fool ah uu ula kulmay dhammaan hoggaamiyayaasha siyaasadda iyo kuwa dagaalka ee dalka oo qaarkood uu shakhsiyan xiriir wadashaqeyn oo wanaagsan la leeyahay. Waxaa uu xiriir wanaagsan la leeyahay dowladaha gobolka oo dhan gaar ahaan Djibouti, Ethiopia iyo Kenya.

Yusuf-Garaad waa weji siyaasadda ku cusub oo xoogagga dalka ka jira midkoodna hore siyaasad toos ahi u dhex marin. Waa diiwaan ka warhaya khaladdaadkii dalka ka dhacayay xag siyaasad iyo xag ammaanba.

Jaamacadda Soomaaliya wuxuu ka bartay Afafka isaga oo ku takhasusay Faransiis, Ingiriis iyo Soomaali.

Wuxuu ka bartay International Relations mid ka mid ah Jaamacadaha adduunka ugu horreeya cilmigaas, waa Fletcher School of Law and Diplomacy ee Jaamacadda Tufts. Wuxuu qaatay tababbarro iyo seminaarro ku saabsan, Dhaqaalaha, Istiraatiijiyada, ammaanka Qaranka, qaanuunka caalamiga ah ee aadminnimada, qaanuunka ganacsiga adduunka, hawlaha gurmadka aadminnimada, kuwaas oo ka dhacay London, Boston, Harare, Singapore iyo goobo kale.

Wuxuu safar shaqo ku tegey dalal badan oo Afrika, Yurub iyo Asia ku yaal iyo gobollo badan oo Mareykanka ah.

Wuxuu kaalin hoggaamineed billaabay isaga oo arday ah markii uu madax u noqday Ardayda toddobada Kulliyadood ee Gahayr ee Jaamacadda Umadda Somaaliyeed.

Waxaa u xigtay xigtay markii uu Madax ka noqday Laanta Soomaaliga ee BBC mar hadda laga joogo 13 sano.

Wuxuu imtixaan shaqo oo caalami ah ka qaaday dhowr boqol oo ruux oo dunida dacalladeeda ka kala socda.

Wuxuuna tababbaray dad badan oo weriyayaal iyo maamulayaal isugu jira. Yusuf-Garaad wuxuu fikirkiisa lahaa tababbarro ay weriyayaasha Soomaalidu ka heleen BBC sannado isdaba joog ah, hantida ku baxdayna ay bixisay bessha Yurub oo lagu sameeyay Muqdisho, Hargeysa, Boosaaso, Gaalkacyo iyo Marka. Yusuf-Garaad waa samafale, wuxuuna dhiiggiisa ugu deeqay Isbitaallada Soomaaliya dhowr jeer.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.