Home » Warar »

Dad Badan oo Soomaaliya Oo Ku Geeriyoodtay Dimishiq Suuriya, Go’doona Ku Ah Xaafadda Tall

Qoys Soomaali ah oo 10 qof ka kooban oo madfac ku habsadey iyo  ganacsade caan ah oo weli meydikiisa bannaanka yaaley…

iyo 19-qoys oo weli ku go’doonsan hal xaafad oo madaafiic ku soo dhacayaan….

Wararka naga soo gaadhaya Dalka Suuriya ayaa sheegaya in lagu dilay halkaasi Soomaali Gaadhaysa 20 qof, sadex ka mid ah dadkaas ayaa lagu soo waramayaa in maydkoodii lagu arkay xaafadda la lagu magacaabo Tall oo ka mid ah xaafadaha Caasimada Suuriya raacsan kuna beegan dhinaca galbeedka.

Sadexda qof ee maydkooda lagu arkay wadada u dhaxaysa Tall iyo Xaafadda iyadana lagu magacaabo Xorna ayaa waxaa ka mid ah Marxuum caanka ka ahaa jaaliyadda Soomaalida ee dalka Suuriya isla markaana tukaan ku lahaa halkaasi waxaana laguna magacaabi jiray Abuubakar Soomow.

Sida uu xaqiijiyey Guddoomiyihii hore ee Jaaliyadda Suuriya C/ramaan Xadaana oo xidhiidho badan la sameeyey jaaliyadda Soomaalida haddana ku sugan London, ayaa waxa uu sheegay in wali maydkii Marxuun Abuukar Soomow uu yaalo goobtii ay rasaastu ku haleeshay oo aan wali la aasin isla markaana la diiday in meydkiisa la qaado goobta uu ku geeriyoodey oo ah ahayd jiida dagaalku ka socday mucaardka iyo dawladda ee xaafadda Tall.

Marxuunka Soomow ayaa rasaastu haleeshay isaga oo reerkiisa kala baxsanayey xaafada Tall oo todobaadkii ugu danbeeyey madaafiic nooc walba leh lala beegsanayey.

Soomaalida kale ee halkaasi ku geeriyootay ayaa waxaa ka mid ah reer ka kooban 10 qof oo madfac ku haleelay gurigoodii isla xaafadaas Tall oo iyagana maydadkoodii burburkii guriga ku dhex jiraan, dhaliyaro ayaa iyagana lagu soo waramayaa in ay madaafiic haleeleen guryihii ay ku jireen waxaana ka mid ah wiil dhalinyaro ah oo sida lagu soo waramayo magaciisa lagu sheegay C/qaadir oo isaguna xaafadaasi ku geeriyoodey, ninkan dhalinyaradda ah ayaa sida la xaqiijiyey isaga la aasay.

Waxaa isagana la xaqiijiyey in uu isla xaafaddaas ku geeriyoodey Marxuum lagu magacaabi jiray Maxamed Cumar ahaa nin oday da’a ahaa oo isna uu faliidh madfac isaga oo meel maraya isla xaafadda Tall ka mid ah ku habsaday isagana waxaa la xaqiijiyey in la aasay.

Xaaladda qalafsan ee haatan ka taagan xaafadda Tall ayaa la sheegayaa in ay tahay mid madaafiic tiro badan lala beegsanayo xaafaddaasi iyada ay halkaasi ku sugan yihiin qoysas Soomaali ah oo lagu qiyaasay ilaa 19 qoys, una badan qaybta lagu magaacabo Xorna oo ahayd halka ay u badnaayeen Soomaalidu.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ay haatan xaafadaasi ka jirto cunto yaraan baahansan iyada oo laga cabsi qabo qofkii ka badbaada madaafiicdaas ku hoobanaya halkaasi in aanu ka badbaadi karin baahita cunto ee ka jirtaa oo ayba gaajo ugu leedaan.

Soomaalida ku sugan dalka Suuriya ayaa qayladhaan laga soo sheegayaa iyaga oo ugu baaqaya dawlada Soomaaliya in ay arrintooda waxka qabato iyaga oo codsanay in loosoo gurmado.

Xukuumada Soomaaliyeed iyo Saafaradda Soomaalida ayaan ilaa hadda ka hadlin dadkan dhibaatadu ka soo gaadhay dagaalada sokeeye ee ka socda Dimishiq , iyada oo aan wax gurmad ah loofidin qosaska Soomaalida ee go’doonka ku ah xaafadda Tall ee ka duleedka Dimishiq.

Soomaalida ku dhaqanayd wadanka Suuriya oo gaadhaysay dhawr kun ayaa badankoodii haatan ka baxeen iyaga oo uga qaxay wadamada Turkiga iyo Masar , qaar badan oo kalena ay dib ugu noqdeen wadamada Qaaradaha Yurub iyo Ameerika oo ay hore ugu noolaan jireen.

Warbixinno hore ee Dimishiq Xilligii nabadda:

– Dimishiq Caasimaddii Umawiyiinta, Taariikh Qotodheer, Warbixin..

Sancada Suuriya iyo Suuqyada Dimishiq


Asad Caddaani Ibraahim
asadlaska@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.