Home » Warar »

Laba Diyaaradood Helicopter ah kuwa Dagaalka oo laga leeyahay Ugandha kuna soo jeedey Soomaaliya oo Burburey.

Afhayeen u hadlay waaxda Duulista Kenya laguna Magacabo Bugitha Ungera ayaa sheegay in ay bur bureen illaa labo (ama saddex) Diyaaradood ee nooca qumaatiga u kaca ah ee laga leeyahay Dalka Ugandha. Mr Ungera ayaa sheegey in Diyaaradahan oo afar ahaa Miilinimadii Axadda in ay ka soo duuleen Garoonka Diyaaradaha ee Entebe kuna soo jeeeen Dalka kiinya ha yeeshee Seddax ka mid ahi ay ku bur bureen halka loo yaqaano Monta Kiinya.

Sarkaalkan u hadlay Waaxda Duulista ee Dalka Kenya ayaa sheegey in Diyaaraddii afaraad ee la socotay Diyaaradahaas bur buray ay ku degatay garoon ku yaala Gaaris halkaasn ay iminka ku sugan tahay. Warka ayaa waxaa uu intaa ku daray in Diyaaradahasi oo ay dawladda Ugandha ugu tala gashay hawl galka la doonayo in laga sameeyo Magaalada Kismaayo aan la ogeyn sababta keentay Bur burkooda.

Dawladda Kenya ayaa waxa ay iminka bilaabaysaa Baaritaano ay ku xaqiijinayso sababaha keenay Bur Burka sedaxdaas Diyaaradood oo noocoodu ahaa helikobtariska lana doonayay in lagu xoojiyo hawl galka amisom ee Soomaaliya.

Ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Dawladda Ugandha iyadoona ka Dhul sugaysa baaritaanada ay sheegtay Xukuumadda Nairobi in ay ku samaynayso sababihii keenay bur burka Diyaaradahaas oo ahaa diyaarado Milatery.

Dhanka kale Col. Felix Kulayigye, oo ah afhayeenka militariga Uganda ayaa xaqiijiyey in laba diyaaradood ay soo dhaceen, halkak tan saddexaad uu sheegay in ay si degdeg ah u soo degtey. Diyaaradahaas ayuu ku sheegay in laba kamid ah ay ahaayeen nooca loo yaqaan Miig 24 (Mi-24), tan kalena ay ahayd Mi-17.

Si kastaba waa Khasaarihii ugu ballaarnaa ee xagga diyaaradaha ee Xukuumadda Ugandha ka soo gaara Soomaaliya iyadoo sababtuna ay tahay laba (ama Seddax) Diyaaradood oo mar qura ku bur buray hawl gal ay ugu socdeen Sooaamliya waana markii ugu hooreysey oo Saddex Dayuuradood mar kaliya ay Burburaan welibana wixii saarnaan ay ku dhintaan

W/D Amiin Yuusuf khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.