Home » Warar »

Eng.Maxamed Axmed Saalax “Madaxda Dowladda Waxaan uga Digaynaa inay ka Faa’iideystaan Awooddooda ayna Hagaan Doorashada”

Musharaxa Ing Maxamed Axmed Saalax oo ka mid ah Musharaxiinta u Tartameysa Tartanka Doorashada Madaxweyninimo ee Soomaaliya ee Sannadka 2012 oo Maanta Shir Jaraaid ku qabtey Magaalada Muqdisho ayaa ka Hadley arrimo fara badan oo laxiriira Qaabka loo qabanayo Doorashada iyo Masuuliyiinta Dowlada Federaala ee ka qaybgaleysa Tarankaas.

Ingineer Maxamed Axmed Saalax oo ka soo jeeda Gobolada Pundland ayaa si weyn u soo dhaweeyey Siyaasiyiinta ka qayb galeysa Tartanka Doorashada isagoo sheegey in haddii la doorto uu ka shaqeyn doono sidii Dib u heshiisin u dhex mari lahayd Ummada Soomaaliyeed oo uu sheegey in ay aad u ragaadiyeen Colaado aan dhamaad lahayn sidoo kale waxaa uu sheegey in uu ka shaqeyn doono Dib u dhiska Dalka islamarkaana uu Kobcin doono dhaqaalaha .

Mar uu ka hadlayey warar sheegaya in la doonayo in la Musuq Maasuqo Doorashada ayaa uga digey Masuuliyiinta Dowlada ee ka qaybta ka ah Doorashada in ay tartanka kiu bixiyaan Laaluush iyo wax la mid ah hadii ay taasi dhacdo waxaa uu sheegey Musharaxan in ay abaabuli doonaan Banaanbaxyo looga soo horjeedo Musuq maasuqaasi iyo ku shubasho taasoo uu sheegey in dalka u horseedi doonto Burbur hor leh iyo Qalalaase aan dhamaan

“Madaxda Dowladda waxaan uga digaynaa inay ka faa’iideystaan Awooddooda ayna iyagu isku dayaan inay Doorashada hagaan. Waxaan ku talinaynaa inay sameeyaan Guddi Doorasho oo ka Madaxbannaan si Doorashadu ay u noqoto Mid Cadaalad ah,,Innagu waxaan Taageeraynaa in ammaanka la adkeeyo, balse ma ogolaan karno in Doorashada la Musuqmaasuqo, waxaan ku talinaynaa in Doorashada loo Sinnaado Cadaalad ku dhacdo”

Hadalka ka soo yeerey Musharaxaan ma aha mid ku cusub Dhegaha Ummada Soomaaliyeed ee waxaa ka horeeyey Musharaxiin kale oo iyana ka dhawaajiyey in Dowlada Federaalka Madaxdooda Sare ee ka qaybgaleysa Doorashada in ay ku Shubtaan ama ay Musuqmaasuqaan Doorashada waxayna dhamaantood ka digeen arrinkaas.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.