Home » Warar »

Ra’iisul Wasaarihii Hore ee DFKMG Farmaajo oo Dawladda ku meel gaarka ugu Baaqay in Maxkamad la soo Taago Askartii Shalay Dilka u gaystey Dad Rayid ah

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif oo ugu Baaqey Musharaxiinta in ay isa soo Diwaangeliyaan si loo Sugo Amaankooda islamarkaana wuxuu uga Digey in Ciidamada loo adeegsado arrimo Siyaasadeed.

Iyadoo maalinimadii shalay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya uu soo gaaray Musharaxa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar uu warbaahinta la hadlay waxa uu sheegey inuu si aad ah uga xun yahay Dil loo gaystey dad Rayid ah xilli ay soo dhaweyntiisa u taagnaayeen.Farmaajo ayaa sheegey in aan loo baahnayn in Muwaadin Soomaali ah uu si fudud ku dhinto raggii Falkaas gaystayna ay yihiin Dembiilayaal.

Maxamed Cabdullaahi ayaa ugu baaqay Xukuumadda ku meel gaarka Soomaaliya in ay soo qabato Raggii Dilkaas gaystay isla markaana ay Maxkamad cadaalad ah soo hor joojiso. Dr Farmaajo ayaa Tacsi u diray Dadkii Shilkaas ku dhintay isagoo kuwii ku dhaawacmayna Ilaaheey uga baryay inuu siiyo Caafimaad.,

Shalay ayay ahayd markii Boqolaal dad ah oo u soo ban baxay soo dhaweynta Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ay Ciidamo ka tirsan Dawladda ku meel gaarka Soomaaliya ay Rasaas ku rideen halkaasoo laba ruux oo dibad baxayaashii ka mid ah ay ku dhinteen halka tiro kale oo intaa ka badanina ay ku dhaawacmeen.

Ma aha markii u horeeyay ee rasaas ay rideen Ciidamada dawladda ay Dad Rayid ah ah ku dhintaan horraantii sanadkan ayayna ahayd markii Dad banaan baxayay ay Rasaas ku rideen Ciidamo ka tirsan Dawladda halkaasoo dhimasho iyo dhaawacba uu ka dhacay.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii uu shalay ka soo degayaya Garoonka Diyaaradaha caalamiga ee Magaalada Muqdisho waxaa qaybo ka mid ah Magaalada isugu soo baxay Boqolaal taageerayaashiisa ah kuwaasoo jidbaysnaa una jeelanaa soo dhaweynta Farmaajo.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda ku meel gaarka Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa ugu baaqay Musharixiinta isu soo sharaxaysa Jagada Madaxtinimada Soomaaliya in ay iska soo diiwaan geliyaan Wasaaradda arrimaha Gudaha.

Madaxweynaha DFKMG Shariif ayaa sheegey in sababta loo diiwaan gelinayo Musharixiinta in ay tahay sidii loo sugi lahaa ammaankooda isla markaana Ciidamo Suga ammaankooda loo siin lahaa. Isagoona ugu baaqay Ciidamadu in ay yihiin Ciidamo qaran loona adeegsan si gaar ah.

Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegey in aysan ahayn in Ciidamada la siyaasadeeyo isla markaana uu nin walba Ciidan gaar ah iska samaysto si ay u sugaan nabad gelyadiisa.Madaxweynaha ayaa farta ku fiiqay in ammaanka guud ee Musharixiinta Madaxtinimada Soomaaliya in ay u xil saaran yihiin Ciidamada Qaranka ee aysan ahayn in nin walba uu Ciidan gaar ah iska samaysto.

Hadalkan Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya xilli maalinimadii shalay Magaalada Muqdisho uu soo gaaray Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasoo taageeradiisa iyo soo dhaweyntiisaba ay qeyb weyn ka ahaayeen Ciidamada dawladda ku meel gaarka Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Kulan lagu qabtey Dalka Norwey oo lagu Taageerayey in Madaxweyne Shiikh Shariif in uu dib ugu soo laabto Kursiga

Waxaa Magaalada Oslo ee Wadanka Norway lagu qabtey Kulan ay ka soo qayb galeen Qaybaha kalka duwan ee Bulshada ku nool wadankaas, waxaana kulankaas looga hadley Xaalada kala Guurka ee ahaatan uu Dalka marayo iyo Tartanka Doorshada Madaxweynimada Soomaaliya oo lagu wado in ay dhacdo 20 Bisha Agoosto, waxaana sigaar ah kulankaas Diirada loogu saarey Musharaxiinta ku tartameysa Doorashada Madaxweynimada Soomaaliya oo ay u taagan yihiin Siyaasiyiin fara badan.

Xubnihii ka hadley Kulankaas ayaa istusiyey in Madaxweyne Shiiklh Shariif uu yahay Shaqsi u qalma in uu mar kale ku soo baxo Doorashada Madaxweynimo ee Soomaaliya waayo ayey yiraahdeen wixii uu bulshada u qabtey ayaa Muuqda oo ugu horeysa dhinaca Amaanka oo maanta la dhihi karo Muqdisho iyo Deegaano ka tirsan Gobolada Dalka waxay ku Naaloonayaan Nabad Buuxda.

“ Sannadkii hore Bishaan oo kale Muqdisho waxaa ka socdey Dagaalo inteeda badana waa kala Xirneyd oo waa adkeyd in la isku socdo , maanta balk fiiri sida shacabka ugu jiraan Nabad, waxaa Bilowdey yididiiladii iyo Rajadii Shacabka waxaa Magaalada ka socda Dib u dhis aad u weyn waxaana taas ka garan kartaa dadkii ka cararey Magaalada sida ay ugu qul qulayaan , marka Cidii Dadaalkaas Gacan ka geystey waxaa uu mudan yahay in mar kale la doorto si uu u dhameystiro waxa u dhiman” ayuu yiri Madaxweynaha Maamul Goboleedka Shabeelaha Dhexe State, Inj.Cali Madaxeey Jawle oo aan ka wareysaney Kulankaas lagu taageerayey Madaxweyne Shiikh Shariif in uu dib ugu soo laabto Kursiga

Ing Cali Madaxeey waxaa uu sheegey in Madaxweyne Shiikh Shariif uu yahay Shaqsi isbedel ku keeney Xaalada Soomaaliya oo Cakirneyd Muddo Labaatan Sanno ah marka waxaa uu sheegey in Soomaalidu Tiraahdi Sadar Muuqda Su’aal ka dhan marka Madaxweyne Shiikh Shariif wixii uu ummada Soomaaliyeed uu u qabtey waxaa uu ku tilmaamey mid Muuqda loona baahan yahay waxa dhimana Gacan lagu siiyo si ay Soomaaliya Gees ka Gees ay nabad ugu noolaato.

Xubnhii ka qayb galey Kulankaas ayaa hoosta ka Xariiqey in Madaxweyne Shiikh Shariif uu Ceel Dheer oo ay ku dhacdey SoomaalIya uu ka soo saarey islamarkaaan uu dib u soo celiyey Sharaftii iyo Karaamadii ay lahayd Ummada Soomaaliyeed loona baahan yahay in mar labaad iyo Mar saddexaad loo doorto Hagaanka Dalka iyagoo ugu baaqey Xildhibaanada Baarlamaanka in ay doortaan Madaxweyne Shiikh Shariif oo ay ku tilmaameen Shaqsi dhameystiri kara Waxyaabaha u dhimana waxayna sidoo kale ugu baaqeen Beesha Calaamka in ay gacan ka geystaan in mar kale la doorto Madaxweyne Shiikh Shariif, waxaana Kulanakaas Goob joog ka ahaa Madaxweynaha Abweyn State, Gorneyl. Cabdulaahi Maxamed

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.