Home » Warar »

Madaxweynaha DFKMG oo Degmooyin cusub magacaabay, Halka Golaha Wasiiradu sharci darro ku tilmaameen wixii degmooyin la magacaabay laga soo bilaabo…

Golaha wasiirada DFKMG ayaa sharci darro ku tilmaamay wixii degmo la magacaabay laga soo bilaabo July 2011 ilaa Agoosto 2012, halka wareegto uu soo saaray madaxweynaha DFKMG uu sheegay in uu degmooyin cusub u aqoonsaday Buula Jadiid (G/Bakool) iyo Dolondoole (G/Bay)…

Shirkii ay yeesheen golaha wasiirada DFKMG maalintii Khamiista Agoosto 9, 2012 ayey ku go’aamiyeen “in magacaabista Degmooyinka cusub ee aan Golaha la horkeenin aysan waafaqsanayn nidaamka dowliga ah, sidaas darteedna laga soo bilaabo 01, July 2011 ilaa 31, August 2012 wixii dagmo ah oo la magacaabay ay yihiin sharci darro.”

Taas waxaa garab socdey laba wareegto oo la faafiyey Khamiistii 9 Agoosto 2012, oo uu soo saaray madaxweynaha DFKMG, Sheikh Shariif, oo qeexaya in laga soo bilaabo taariikhda 22 july 2012 in degmooyin loo aqoonsaday Buula Jadiid oo ka tirsan gobolka Bokool iyo Dolondoole oo ka tirsan gobolka Bay.

Laakiin sida ku cad wareegtada rasmiga ah ee golaha wasiirada (Ref: XRW/OM/PR 00226/07/12) “laga soo bilaabo 01, July 2011 ilaa 31, August 2012 wixii dagmo ah oo la magacaabay ay yihiin sharci darro.” Taariikhdaasi waxaa soo hoos geleya xilliga uu madaxweynaha DFKMG sheegay in uu magacaabay degmooyinka cusub.

Hoos ka akhri wareegtooyinkaas kasoo kala baxay xafiiska madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif iyo golaha wasiirada oo uu shir guddoominayey ra’iisul wasaaraha DFKMG C/weli gaas:


Wareegto ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha

Digreetada ayaa waxa ay u qorneed sida tan.

Markuu arkay: qodobka 39 aad farqada 2aad xarafka “A” iyo farqada 2 aad ee isla qodobkaan ee axdiga KMG ah.

Markuu arkay: xeerka Lr 6 ee 12 febraayo 1980.

Markuu arkay: warqada wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Lr. WAG&AQ/1-2-60/12 ee July 16, 2012 kuna saabsan soo jeedin magacaabis dagmo cusub.

Wuxuu soo saaray xeerkan soo socda.

Qodobka 1 aad

Waxaa la oggolaaday in Buula Jadiid oo ka tirsan gobolka Bokool loo aqoonsaday dagmo laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 22 july 2012.

Qodobka 2 aad

Xeerkan waxa uu dhaqan galayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee Dowladdda.

Wareegtadan ayaa waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.


Wareegto kale oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha:

Digreetada ayaa waxa ay u qorneed sida tan.

Markuu arkay; qodobka 39 aad farqada 2 aad xarafka “A” iyo farqada 2 aad ee isla qodobkaan ee axdiga KMG ah.

Markuu arkay; xeerka Lr 6 ee 12 febraayo 1980.

Markuu arkay; warqada wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Lr. WAG&AQ/1/2-60/12 ee July 16, 2012 kuna saabsan soo jeedin magacaabis dagmo cusub.

Wuxuu soo saaray xeerkan soo socda.

Qodabka 1 aad

Waxaa la oggolaaday in Dolondoole oo ka tirsan gobolka Bay loo aqoonsado dagmo laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 22/ July 2012.

Qodobka 2 aad

Xeerkan waxa uu dhaqan galayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee Dowladda.

Wareegtada ayaa waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.



Warsaxaafadeed

Ref: XRW/OM/PR 00226/07/12

Shirkii Golaha Wasiiradda

(Muqdisho, 09 Augst 2012) Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin hirgalintii Dastuurka, siyaasada iyo habraaca tafaftirka warbaahinta Qaranka, arimaha Amniga, iyo Degmooyinka cusub ee la magacaabay.

Ugu horayntii Golaha ayaa isla soo qaaday hirgalintii Dastuurka waxayna ku tilmaameen inay ahayd ansixintiisu guul taariikhi ah taas oo lagu bixiyey juhdi faro badan suurtana galisay in Soomaaliya yeelato Dastuur mudo 43 sano kadib, iyadoo wixii farsamo ahna loo gudbin doono Baarlamaanka cusub,

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa golaha ka hor akhriyey siyaasadda iyo habraaca tafaftirka warbaahinta Qaranka madaama la galay waqti xasaasi ah, warbixintaas kadib goluhu wuxuu taageeray masuuliyada wasaarada warfaafinta ee ku aadan ilaalinta shuruucda iyo habraaca lagu dhaqayo warbaahinta qaranka, sidoo kale Goluhu wuxuu isla qaatay in lagu dhaqmo xeerka iyo siyaasadda wasaaradu u dajisay warbaahinta gaar ahaan waqtiga uu socdo isbadalka siyaasadeed.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga ayaa warbixin ka siiyey Golaha dhacdooyinkii ka dhacay maanta magaalada Muqdisho waxaana Goluhu faray Hay’addaha Amniga inay ka hortagaan wixii khal-khal u keeni kara amniga madaama wadanka ku jiro marxaladd kalaguur ah, isla markaan sheegay in baaritaano ku sameeynayaan dadka ka danbeeya dhacdadii maanta.

Waxaa sidoo kale laga warbixiyey magaacaabista dagmooyinka cusub inay wax u dhimi karto dib-u-heshiisinta iyo dowladd wanaaga wuxuuna Goluhu soo jeediyey in la xakameeyo soo saarida go’aamada lagu beegayo xilliga doorashooyinka

Ugu danbayntii Goluhu wuxuu isku raacay in magacaabista Degmooyinka cusub ee aan Golaha la horkeenin aysan waafaqsanayn nidaamka dowliga ah, sidaas darteedna laga soo bilaabo 01, July 2011 ilaa 31, August 2012 wixii dagmo ah oo la magacaabay ay yihiin sharci darro.

###DHAMAAD###


Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.