Home » Maqaallo »

Murashixiinta iyo Mashaqada ololaha!

 

 

Waxaa dadkoo dhami u dhegtaagayaa saacadaha is guraya iyo maalmaha gabaabsiga ah ee ka hadhay Xiligii loogu magacdaray kala guurka, dadkoo dhami waxay ku mashquulsan yihiin ogaanshaha, daqiiqad kasta ee harsan, waxaa isha iyo dhegtaba lagu hayaa dhawaqa ka soo baxaya caasimadda Muqdisho, oo ah gogoshii ugu horraysay ee muddo 20 sanadood ah la dhigo dalka dhexdiisa, ee lagu dooranayo dowlad cusub oo Soomaalida ka dhaxaysa.

Waxaa saacad walba soo degaya Murashax cusub, waxaana ka hor tegaya dad la uruurinayey muddo gaaraysa hal bil, oo qoloba wax loo soo sheegay, qaarna dhegta wax loogu soo sheegay qaarna jeebka wax looga soo shubay, halkaas kama muuqato qadiyad iyo ahmiyad taageero shaqsi la siiyo, balse, shacabka iyo murashaxa waxaa ka dhaxaysa heshiis ku salaysan danta markaas la kala leeyahay.

Waxaa markiiba arkaysaa shabakadaha Soomaalida, Tvyada iyo Bahda warbaahinta oo qaadaa dhigaya murashaxa yimid, ee ku soo biirey garoonka xadhig jiidashada ee Soomaaliya.

Raggu iskuma darsana, qaarkood waa la garanayaa, magac iyo muuqaal, wax ka baxsanse ma jiraan, qaarkoodna hadda ayey soo dheceen, oo magaala iyo dadkaba ugu horraysa, waxaa la isku riixayaa inta nin walbaa magaalada dad ka yaqaan, ama macaamiil ku leeyahay, asxaab iyo qaraabo, waxaa dhinaca kale ka socda suuq loogu magacdaray yaad doonaysaa inay ku doortaan? Jawaabtu waa “Xildhibaanno” haddaba, Xildhibaannada halkay joogaan Xildhibaanku wuxuu ku jiraa jeebka Oday Dhaqameedyadameesha fadhiya, mid walba waxaa afartiisa jeeb ku jira afar xildhibaan, waxaadna kagala soo bixi karaysaa dhaqaale aad u faro badan, hadda gara oo waana sida loo kala hunguri badan yahay loona kala cirweyn yahay,Odayada qaarkood 10 kun ayaa dhinac u ridaysaa, Ragna Gaadhi, guri iyo gabadh minyara ah ayay doonayaan, waa halkuu ka yidhi Abwaankii Soomaaliyeed ee Faarax Nuur:

 

Waa duni la kala iibsaday, oon nala ogeysiine

Waa duni akhyaartii go’day, oo aaran soo hadhaye

Waa duni ninkaad aamintaa, kuu Abees yahaye

Anse ila ah Aakhiro sabaan iligyadiisiiye!

 

Murashaxu hadduu awoodo inuu jeebka Odayga kala soo baxo, Xildhibaanka ku jira helayana dhawr af miinshaar oo goobaha la isugu yimaado magaciisa ka buunbuuniya iyo dhawr qofood oo waddooyinka ku lugeeya ama kaga hortaga Gegida diyaaradaha si indhaha caalamka iyo bulshada aan aadka ula socon loo qaldo, waxaa halkaas ka muuqata inuu saaran yahay Doontii lagu gaadhi lahaa kursigan Magaciisu ba’ay.

Waxaa isaguna meesha jooga murashax hammi siyaasadeed iyo hawl cusub la yimid, oo aaminsan arrimaha lagaga dhaqmo wadankii uu muddada dheer qurba joogga ku ahaaye, isagoo goobo badan oo cod bixina xaadiray, wuxuu yaqaannaa siyaasadda iyo hadaladeeda, wuxuuna kalsooni ka qabaa inuu dadka ku soo jiidan karo codkarnimo, halyeeynimo uu istaahelin, balse, kama warqabo xaalka ka jira meesha uu joogo, markuu soo degay cidi ma ogayn, hotel ayuu degay waxaa looga sheekeeyey qaabka la isu sharraxo, wuxuu soo xasuustay maalmihii qaraaraa ee uu qaxoontinimada isu dhiibayey, qaabkii Soomaalidu ugu sharaxday sida la isu dhiibo, oo inteeda badani ahayd been iyo inna waxba kama jiraan, nin welibana wuxuu isagu sheegay iyo wuxuu ku daray ayuu u sheegay, oo ku jahowareeray maantase ka culus ayaa taal, su’aashii ugu horreysay ee la weydiiyey markii ragguu meesha ugu yimid warraystay ayaa ah: yaad dabada ku haysaa? Aan si kale u dhigee yaad ku tiirsantahay? Wuxuu ugu jawaabay Ilaahay. Waxay la yidhi kulligeen ayaa ku wada tiirsane, dowladaha galbeedka yaa kula socda, maalgelin iyo manfac kula daba jooga, oo aad heshiis soo wada gasheen? Wuxuu yidhi cidna, haddii la i doorto cid aan dalka iyo dadka dantooda u arkaan heshiis la gelayaa. Waxaa la yidhi: Mahige ma taqaannaa? wuxuu yidhi: haa, magaciisa iyo muuqiisa, balse xidhiidh gaara nagama dhaxeeyo. Waxaa la weydiiyey: oo yaa fekerkaan kugula taliyey? Murashaxii wuu yaabay wuxuuna ku jawaabay: waa hammi iyo dareen naftayda ka yimid inaan badbaadin karo ummaddayda dhibaatada intaas ku dhex

jirtay, waa laga rumaysan waayey, waa tahaye imisa milyan ayaad sidataa? Wuxuu ugu jawaabay wax badan ma sito, balse, wixii aan ku hawl geli lahaa waan wataa.

Markaasaa loo sharaxay qaabkii uu ku hawlgeli karo, liiskan ayaa loo dhiibay mudane murashax oo loo sheegay inuu dhammaan hawshan oo dhan u baahan yahay

1.Waxaad u baahan tahay 100 Oday oo beeshiina ah, oo beesha cod kaaga raadiya iyo beelaha kale

2.Waxaad u baahan tahay 100 Afmiinshaar oo bulshada kuu dhexgala, oo shacabka iyo maatada magacaaga ka dhaadhiciya iyo hawlaha aad wadato.

3.waxaad u baahan tahay 100 ka mida siyaasiyiintii hore oo sawirro badan kula gala, shirarka aad ka qabanaysana qudbado ka jeediya.

4.Waxaad u baahan tahay 100 haweenka casriga ah, oo iyaguna ololaha kaala qaybqaata.

5.Waxaad u baahan tahay, laba Tan oo diricyada loo yaqaan Baatiga ah, oo calanka Soomaali ah oo, mar kasta oo aad dhoofayso ama soo degayso gabdhaha ku soo dhawaynaya loogu lebiso iyo midabyo kale oo u eg sida mehrajaanka inaad iibiso.

6.Waxaad u baahan tahay heshiis inaad la gasho madbacad sawirkaaga iyo calanka isku dhejisa oo dadka loo qaybiyo.

7.Waxaad u baahantahay, baabuur gaadhaysa ilaa 500 gaadhiyaasha raaxada ah oo kuu shaqeeya sawirkaaguna ku dhegan yahay,

8.Waxaad u baahantahay ilaalo gaar ah, dhallinyaro gaadhaysa ilaa 2000 oo marka soo degayso garoonka diyaaradda kuugu timaaddo, oo rag iyo dumar isugu jirta.

9.Waxaad u baahan tahay koox kuu heesta oo magacaaga iyo waxqabadkaaga heeso ka samaysa.

10.Waxaad u baahantahay, xaflado dibadfa laga abaabulo wadamada caanka ah: Amerika, Canada, Uk, Sweden, UAE, Kenya IWM.

Haddaba, intan oo qodob oo murashaxu u baahan yahay ma ku jiraan hal qodob oo bulshada murashaxaasi meteli doono dan ugu jirto? Su’aashan jawaabteeda waxaan u dhaafay aqristaha, miyeynaan maalin kasta wargaysyada, idaacadaha iyo telefishinada ka daawan hawlo noocan oo kale ah? Miyaadan jidadka kula kulmin dad xiiqsan oo xambaarsan sawir qof leeyahay? Miyaadan arag garoonka caasimadda oo maalin walba laga dhigayo Mehrajaan oo dad dharkoodu kala midabyo duwan yahay joogaan? Miyeynaan baabuur is daba yaacaysa oo ujeedkooda iyo sababta ay isu daba ordayaan toona aynaan sheegi karayn? Xaflado la qabanayo, Shirar iyo Caleemo saar aan anigu u aqaanay in golayaasha dhaqanka keliya la caleemo saaro, balse, iminka ninkii saarka madaxnimo qaba ayaa la caleemo saara.

Isku soo wada duuboo dadkan sharaxan iyo kuwa isa soo sharaxi doonaa ma jiraa shaqsi keliya oo aynu odhan karno wuxuu ka duwan yahay kuwa kale, oo aan wadooyinkan aan kor ku soo sheegay soo marin? Madaxweynaha mooyee miyaan dalka shaqooyin kale iyo jagooyin kale ka bannaanayn, maxaa dhammaan ummada Soomaaliyeed tusay halkan jago?.

Su’aalahan oo dhami waa kuwo u baahan in la is weydiiyo lana helo jawaabahooda,

Aqriste taageeradaada waqtigeedii laga gaadhin sababtoo ah, ma jiro siyaasi u baahan codkaaga, ma jiro siyaasi codkaagu wax u tarayo ama wax u dhimayo, waxaad la sugtaa taageeradaada  maalinta sanduuqyada la dhigo gobollada iyo degmooyinka dalka, ee aad dooran karayso  qofka aad doonayso, xisbiga aad taageersantahay ee codkaagu guul iyo guuldaro sababi karayo, inta kale waxaynu ku jirnaa af Libaax  waxaynu nahay dad xero ku oodan goor ooda laga qaadi doonana aan war u hayn,waxaad tahay ma liibaanaha lagu liibaano, ee libintiisa aan ogayn,lurka iyo ladaabyadana laasimay, haddaad garanlahayd dhibkaaga waad heli lahayd dheeftaada, waxaan ku soo afjarayaa (Haddii la yaabo yaasiinka,)ee nabaadiina xidhka(Xirsi xidh) iyo Alla bariga aan badsano si aan u badbaadno.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.