Home » Warar »

C/weli Gaas oo isu-Sharaxay Madaxtinimada Soomaaliya

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha DFKMG ayaa shaaca ka qaaday in C/weli Gaas uu isu sharaxay madaxtinimada Soomaaliya. Warsaxaafadeedkaas oo u qornaa sidan:

Khudbadii Ra’iisul wasaaraha oo ku dhawaaqay musharaxnimada xilka Madaxweynanimada Soomaaliya

Muqdisho 08, August, 2012, waxaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu u sharaxanyahay xilka madaxaweyananimada. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdi weli Maxamed Cali Gaas, waxaan uu ka hor akhriyey kumaanan qof oo ka soo qayb gashay xaflada khudbad aad uu qiimo badan oo ka hadlaysa waxqabadkii xukuumadiisa Badbaado Qaran iyo waxa u qorshaysan inuu qabto afarta sano ee soo socota hadii loo doorto xilka madaxweynaha dalka.

Khudabadii Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Waxaan halkaan ka salaamaya

· Golaha wasiirada

· Xubnaha baarlamanka

· Odayaasha dhaqanka

· Culima udiinka Soomaaliyeed

· Haweenka Soomaaliyeed

· Dhalinyarada

· Aqoonyahanada

· Ciidamada kala duwan ee Qalabka sida

· Diblomaasiyiinta

· Bahda Saxaafada

· Fanaaniinta

· Iyo dhamaan marti sharafta ka soo qaybgashay xafladaan

Ugu horeyn waxaan u mahadcelinayaa Shacabka Soomaaliyeed, Dumar, Dhalinyarada, Culumaa’udiinka iyo Odayasha Dhaqanka.

Waxaan isweydiiyaa, Sidee Soomaaliya dhibka looga saari karaa? Soomaaliya dhibka soo gaaray wuu ka duwan yahay dhibabkii dowladaha Afrikanka ah soo gaaray taariikhdan dhaw. Sidaa darteed, waa in loo helaa xal ka duwan xalalkii dowladaha Afrikaanka ah lagu xalliyey, 22 sano oo Fakhri, Jahli Colaad, Burbur dowladdnimo, Sidaa darteed Soomaaliya waa in loo helaa Hogaan ka saari karo qaxarkaan jahwareerka ku riday dadkeennii..

· Waxaan hubaa in Xalka Soomaaliya uu ku jiro gacanteena, Waa Aniga, Waa Idinka, Waa qof kasta oo oo Soomaali ah, Haddii aynu

ü Ilaah talo saarano

· Dib u jalleecno burburka dadka iyo dalka soo gaaray oo qof kasta oo damiir lihi ka xanuunsanayo

· Eegno shacabkeenna Qaxootiga ku ah dalka Gudihiisa iyo dibaddiisaba

· U fakarno qaab Qaranimo een ka gudubno qaab daneysiga gaarka ah

· Haddii aynu isu dulqaadanno oo aan u fakirno qaranimo iyo Soomaalinimo

· In dhibaatada looga bixi karo hogaan midasyan, hogaan Qaranimo aaminsan, hogaan karti leh, hogaan Daacad ah.

Intaan Ra’iisul Wasaare ahaa Maxaa xukuumadeyda u qabsoomay? Maxaase weli qabyo ah?

Waxyaalaha aan ku guuleysanay waxaa ugu horreeya inaan ka fogaaney wax kasta oo khilaaf dhalin kara oo dowladihii naga horreeyay kuwada fashilmeen

Waxaan Wakhti badan gelinay.

· Amniga: oo aan ugu mahadcelinayeyo Ciimada Qalabka Sida iyo Shacabka Soomaaliyeed oo qeyb ka qaatay sugida Amniga dalka.

· Abaaraha. waxaa dalka ku dhufatay abaar tii ugu xumayd mudo 60 sano ah dadaal dheer oo ay gashay xukuumada Badbaado Qaran waxaa suurta gashay in laga hortago masiibo weyn oo ku soo fool lahayd barakacayaasha

· Maamul Wanaaga. Waxaa Xukuumada Badbaado Qaran samaysay dibu heshiisiin dhex marta Maamulada Gobolada waxay kale oo xukuumadu soo jeedisay in la sameeyo gudi daba gal ku sameeya dhaqaalaha ka soo baxa dalka iyo midka caalamku siiyo Soomaaliya,

· Dhameystirkii Dastuurka waxaan halkaan mahadnaq balaaran uga soo jeedinayaa Oday Dhaqameedkeenna Sharafta badan iyo Ergooyinkii daacadda ahaa ee ay soo xuleen ee ansixiyaya Dastuurkeenna.

· Marxaladdii Kumeelgaarka aheyd oo aan ka saarney dalka.

· Waxaan is weydiiyaa yaa masuul ka ah gabdhaha iyo wiilasha Soomaaliyeed oo da’yarta ah oo aan helin fursado waxbarasho.

· Yaa ka ah masuul dhalinyarada yar-yar ee is qarxinaysa maalin walba, sow maahan caruuteeda oo la khalday, sow caruurteena maahan.

· Yaa masuul ka ahaa dhibaatada haysta Hooyada Soomaaliyeed iyo caruurteena ee ku dayacan xerooyinka qaxootiga ee wadamada dariska aan nahay.

· Yaa masuul ka ah xaalufka lagu hayo dhulkeena oo aduunku ka qayliyey dhuxusha Soomaaliya lagu gubo oo caalamka loo iib geeyo.

· Yaa ka masuul ah Agoomaha iyo Naafada labaatanka sano maalinba maalinta ka danbaysa ka sii badanaya oo aan qofna daryeelayn.

· Yaa ka masuul ah aqoonta liidata oo dhalinyaradeena taas oo ku sababtay inay noqdaan Burcad Badeed

· Yaa ka masuul ah caafimaadka liita ee dhalaankeena taas oo aan gudaha dalka waxba looga qaban karin dibadana loo qaadi karin.

· Maanta waxaan hortiina u imid inaan Masuuliyadaas ku qaado ilaahay hortiisa taageerana igu sii saan sidii aan u gadan lahaa oo aan dalka uga saari lahaa marxaladaan adag oo uu ku jiro madaan aan mudo sanad ah ku qabtay wax u qabsoomi waayey xukuumadihii iga horeey.

· Waxaan halkaan ka salaamaya

· Golaha wasiirada

· Xubnaha baarlamanka

· Odayaasha dhaqanka

· Culima udiinka Soomaaliyeed

· Haweenka Soomaaliyeed

· Dhalinyarada

· Aqoonyahanada

· Ciidamada kala duwan ee Qalabka sida

· Diblomaasiyiinta

· Bahda Saxaafada

· Fanaaniinta

· Iyo dhamaan marti sharafta ka soo qaybgashay xafladaan

Waxyaalaha aan doonayo inaan kor u qaado hadii lay doorto waxaa ka mid ah.

· Kor u qaadida dhaqaalaha si loogu abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed fursado shaqo

· Dib-u-dhiska dalka iyo horumarinta kaabayaasha wax soo saarka

· In loo sinaado wax soo saarka dalka

· In shacabka laga dhex abuuro is fahan iyo kalsooni

· In la dhiso hay’addaha dalka

· In la sameeyo dib-u-heshiisiin dhex marta shacabka Soomaaliyeed

· In la soo celiyo sharcigii iyo kala danbayntii

· In la xoojiyo xiriika caalamka

Ugu danbayntii sababta aan isu sharaxayo waa Badabaado Qaran, waa badbaado mustaqbal, waa badbaado umadda Soomaaliyeed.

Waxaad igu qiimaysaan wixii aad aragteen, wixii aan qabtay, iyo wixii aad goob joog ka ahaydeen mudadii yarayd oo an xilka hayey.

Habeyn iyo Maalin waxaan ka fakaraa sidii loo xoojin lahaa in hay’adaha Garsoorka.

· Haddii aan cadaalad la helin Dulmi waxba lagama qaban karo

· Hadii aan nabad la helin horumar lama gaari karo

· Hadii aan daryeel loo helin Naafadeena iyo agoomaheenna Dayacan waxaa hubaal ah iney soo wajahayso xaalada hada haysata mid ka xun oo u horseedi karta baab’a

· Hadii aan Qabiilka foosha xun ka bixin waxaan ku sii soconaynaa halaagii mudada aan ku jirnay

Waxaynu u baahanahay is aamin, is cafin, wax isku darsi si horumar loo gaaro.

Waxaan u baahanahay taageeridiina iyo ducadiina.

Soomaaliya Ha Noolaato, Soomaaliya Ha Noolaato, Soomaaliya Ha Noolaato.


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta ku dhawaaqay musharaxnimada xilka madaxweynanimada Soomaaliya

Muqdisho, August 7, 2012 —- Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaaliga Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ku dhawaaqay Musharaxnimada Xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya.

Xafladda Musharaxnimo ee Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka soo qeybgalay Golaha Wasiiradda, Xildhibaano. Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed, Siyaasiyiin, Ganacsato, Ururada Haweenka, Saraakiil, Dhalinyaro, Suxufiyiin, Fanaaniin iyo dadweyne kale oo aad u fara badan. Waxaana goobta xafladda lagu soo bandhigay Waxqabadkii Xukuumadda Badbaado Qaran.

Waxaan Goobta ka hadlay Qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed kuwaa oo sheegay in Dr Cabdiweli iyo Xukuumadiisa Badbaado Qaran ay wax badani ka badeleen Xaalada Soomaaliya islamarkaana Rajo ku abuuray Shacabka Soomaaliyeed kadib markii ay la yimaadeen Waxqabad muuqda oo Umadda Waxtar u leh.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Siyaasiyiin kuwaa oo tilmaamay in Dr. Cabdiweli iyo xubnaha xukuumadiisa Badbaado Qaran ay noqotay xukuumada kaliya oo soo marta Soomaaliya intii ay bur-burka ku jirtay oo u wada shaqaysa si wada jir ah taas oo sabab u noqotay in ay wax wanaagsan ay qabato xukuumad badabaado qaran.

Xafladda Musharaxnimo ee Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli ayaa maanta waxaa si toosh ah looga daawanayay Caalamka oo idil iyadoona Xafladu ay aheyd mid si heer saro ah loo soo agaasimay, Waxaana Xaflaadu lagu soo bandhigay Heeso ka turjumeyso Waxqabadkii Xukuumadda Badbaado Qaranka.

Khudbadii Ra’iisul wasaaraha waxaan idiin soo diraynaa saacadaha Soosocda inshalaah.


Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.