Home » Warar »

Dood Cilmiyeed looga Hadlayay Sababaha loo Dilo Weriyayaasha oo ka Dhacday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Dood Cilmiyeedkan oo ay soo qaban qaabisey Hay’adda CCD (Center For Community and Dialogue) ayaa waxaa ka soo qayb galay Qaybaha kala duwan ee warbaahinta ka hawl gasha magaalada muqdisha, Ururada Bulshada iyo Mati sharaf kale oo lagu casuumay ayaa waxaa looga hadlayay qodobo dhowr ah oo ay ka mid tahay Dilalalka Wariyayaasha.

Dood Cilmiyeedkaas oo ay ka soo ayb galeen Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ugu horeyntiiba waxaa halkaa ka hadalay Guddoomiye ku Xigeenka Dhinaca Maaliyadda ee Gobolka banaadir Imaan Nuur Iikar oo ka hadlay dhibaatada ku dhacda Bulshada inteeda aqoonta u saaxiibka ah.

Dilalkaas ayuu sheegey Guddoomiye ku xigeenka in ujeedooyin badan laga leeyahay isla markaana ay gaysanayaan dad aan dooneyn degganaanshaha iyo Nabadda Bulshada.

Imaan Nuur ayaa ugu yeeray qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaalida in ay isugu yimaadaan kana tashadaan sidii looga hor tegi lahaa dilalka macna darada ah ee loo gaysto Dadka bulshada hoggaamiyayaasha u ah.

Cabdikaafi oo ah Xoghayaha Gobolka Banadi ayaa intaa ku daray in bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir qudhooda ay Eedda wax ku leeyihiin isagoona sababta sheegey in ay tahay in qof walba uu Guri ka soo baxo Gurigaasna ay raali ka yihiin Dadka ku dhaqan.Xoghayaha ayaa ka codsaday bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir in la soo celiyo habkii derisyaynta isla markaana Xaafadaha ay bilaabaan abaabul lagu xaqiijinayo sidi loo sugi lahaa ammaanka.

Qaar ka mid ah saxafiyiintii Dood cilmiyeedkaas ka qayb galay oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa eedeyn dusha uga Tuuray Dawladda KMG oo ay sheegeen in xitaa qofkii la soo qabto muddo kaddib la iska soo daayo.

Ugu danbayntii kulankan oo ah kii labaad ee ay hay’addaas soo qaban qaabiso kana qayb galaan Saxaafdda ayaa la isla gartay in la sameeyo Guddiyo isku dhaf ah oo isugu jira Saxaafadda Fanka iyo Ururada bulshada kaddibna si wadajir ah la isula shaqeeyo

W/D Amiin YuusufKhasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.