Home » Warar »

Baaq kasoo Baxay Beelo kamid Ah Beesha sade oo ku saabsan nidaamka soo xulidda xubnaha baarlamaanka….

Baaqa ayaa Ka digey dhinac maridda nidaamka soo xulidda xubnaha baarlamaanka….

SHIR JARAA’ ID.
Muqdishu, 06/08/2012
Ku: Hoggaanka dhaqanka ee Sade-Marreexaan
Ku: Guddiga farsamada ee soo xulidda xubnaha baarlamaanka
Ku: Guddiga khilaafaadka ee beelaha Soomaaliyeed
Ku: Wasaaradda Arrimaha Gudaha/Amniga
Og: Xafiisyada Ra’iisal-Wasaaraha/Wasiirka Maaliyadda
Og: UNPOS/IGAD
Og: Beesha Sade fadhiyadooda meel kasta oo ay joogaan.

Ujeeddo: Ka digid dhinac maridda nidaamka soo xulidda xubnaha baarlamaanka.

Waxaan ku war galinaynaa dhammaan hay’adaha kor ku xusan in beesha Sade- Marreexaan, ay dhinac marayso qaabka awood qaybsiga ee 4.5 taasoo saldhig u ah nidaamka soo xulidda xubnaha baarlamaanka. Waxaa qaybo ka mid ah hoggaanka dhaqanka ee beesha Marreexaan ay doonayaan in wax lagu qaybsado qaab goboleysi sida Gedo iyo Galgaduud, taasoo ka hor imaanaysa nidaamka roadmap-ka sida Garoowe I iyo Garoowe II, iyo heshiisyadii Gaalkacyo iyo Addis Ababa.

Waxaan soo jeedinaynaa in beesha Marreexaan hal miis oo waafaqsan nidaamka 4.5 wax loogu qaybiyo.

Sidoo kale waxaan ka digaynaa in wax lagu qaybsado nidaamkii hoogaamiye kooxeedyada ee Impakati taasoo qaar ka mid ah beelaha Marreexaan ay ku sad- bursadeen, ayadoo 60% beelaha Marreexaan lagu qadiyey.

Sidaas darteed, wax ku qaybsiga nidaamka gobolaysiga iyo qaabkii hogaamiye kooxeedyada (impakati) waxay horseedayaan in aan la helin xubno baarlamaan Marreexaan oo loo dhan yahay, si ballaaranna u matala qaybaha kala duwan ee bulshada Marreexaan sida ku cad qodobka 3aad, farqaddiisa 4aad ee borotokoolka xubnaha baarlamaanka cusub ee fedaraalka.

Shirkaan jaraa’id waxaa soo saaray beelaha hoos ku xusan.
1. Beesha Ciise War waajecle (Habar-ciise)
2. Beesha Reer Garaad
3. Beesha Reer Cismaan
4. Beesha Reer Siyaad Xuseen
5. Beesha Ina-Nuur
6. Beesha Soonfure
7. Beesha Reer Warsame Diini.
8. Beesha Reer Cali Xuseen.
9. Beelaha Baha-Guuleed.
10. Beesha Reer Warfaa Diini.
11. Beesha Reer Nuur Diini.
12. Beesha Reer Maxamed Guuleed.
13. Beesha Reer Sharmaarke Rooble.
14. Beesha Reer Shirwac Diini.
15. Beesha Reer Guuleed Faarax

Qoraalkan kala xiriir:
gedo_109@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.