Home » Warar »

Muqdisho: Koox Hubaysan oo diley Maareeyihii Guud ee Garoonka Muqdisho

Caawa (oo ay soo geleyso Axad Agoosto 5, 2012) ayaa kooxo hubeysani waxay dileen maareeyihii guud ee garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Marxuumka, Ibraahin iimaan Xalane, ayaa kooxdaasi ku dileen degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.

Waxaa dilkaas ka tacsiyadeeyey Xukuumadda Federaalka Kumeel gaarka ah.

Ilaa hadda ma jirin (markii warkan la qorayey) cid loo qabtay dilkaas.

Soomaaliya ayaa dhibaatooyinka ugu weyn ee ka jira waxaa kamid ah in dil lala beegsado dadka hal-kadoorka ah, taas oo khasaare iyo dhabar jab weyn ku ah mujtamaac ka soo kabanaya colaadda ragaadisey ee dabada dheraatay.

SomaliTalk | Muqdisho.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.