Home » Warar »

Kulankii Dhexmarey Shiikh Shariif iyo Hillary Clinton ka dib Muqdisho Maxaa ku soo kordhey

Iyadoo Dhawaan Magaalada Nairobi uu ka dhacay Kulan dhexmarey Saxiixayaashii Road Map-ka oo uu horkacayey Madaxwenaha DFKMG Shiikh Shariif iyo Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Mareykanka Hillary Clinton, waxaana uu kulankaan uu ahaa mid ay si aad ah u saadaalinayeen Dhamaan Shacabka Soomaaliyeeed iyo Masharaxiinta u Tartameysa Xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya

Intuusan Kulanka dhicin ayaa waxaa la isla dhexmarayey in Masuuliyiinta Hor boodayesa Dowlada Federaalka in gebi ahaanba ay Hillary u sheegi doonto in aysan isa soo Sharaxi Karin madaamada lagu eedeeyey in ay Lunsadeen Malaayiin Doolar , hase yeeshee waxaa Candhuufta dib loo liqay markii Hillary ay Madaxda ugu hambalyeysey sida ay uga dhabeeyeen Hirgelinta Road Map-ka. Iyadoo u soo jeedisey in ay dhameystiraan wax u dhiman , waxay kaloo sheegtey in Dowladda Mareykanka ay taageero weyn u hayso Dowladda Federaalka.

Kulankaas markuu uu dhamaadey ayaa saakey Magaalada Muqdisho waxay la soo toostey iyadoo dadka qaar ay Faruuryo Qaniinsanayaan kuwa kalena ay si aad ah u faraxsan yihiin bal aan fiiriyo dadkii la dhacsanaa Hadalkii Hillary Clinton waxaa Magaalada lagu soo daayey Matooyin ama Dhug Dhugleey ay wataan Dhalinyaro xiran Funaanado ku sawiran Shiikh Shariif , sidoo kale Mootooyinka ayaa ku Xardhanaa Sawirka Shiikh Shariif.

Sidoo kale waxaa iyana Taageerayaasha Shiikh Shariif oo Niyada gashadey in Shiikh Shariif uu dib ugu soo laabanayo Xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya iyagana waxay Sawirka Shiikh Shariif ku dhegsadeen Gawaaridooda ,waxaa kaloo Sawirka lagu Xardhey Goobaha isha dadka qabaneyso ee Waddooyinka Magaalada Muqdisho ,waxaa ku qornaa Afar sano ayaan ku Dooraney.

Dadkii iyana Faruuryaha Qaniinayey ee aan dooneyn in uu dib u soo laabto Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif ayaa ku laab qabowsanayey ”Ciyaar waa gelin dambe ha la gaaro Doorashada , hadii uu nagu soo laabto waan ka dhiidhineynaa waayo wax uu noo qabtey ma jirto weli Dilkii waa uu socdaa , waxaan dooneynaa Wajiyo Cusub oo Hagaamiyaha Ummada Soomaaliyeed , haddii Calaamka nagu soo celiyaa waa kuwa aan dooneyn in dalkan uu Hagaago”

Siyaasi kale oo ka careyssan waxa ka soo baxay Kulankii Hillary Clinton iyo Shiikh Shariif oo uu sheegey in uu filayey in Dowladda Mareykanka ay meesha ka saari doonto Hogaanka hadda hor boodayo talada Dalka ayaa yiri “Soomaaliyeey isku tasho Cid dantaada ku maqan ma jirto marka waxaa la doonayaa in aan sidaa ku sii jirno oo la bililiqeysto Khayraadkeena ,wax kasta laga sameysto Madaxda soo socota “

Isku soo wada duuboo Kulankii dhex marey Saxiixayaashii Road Map-ka iyo Hillary Clinton ayaa dad badan waxay islahaayeen isbedel baa imaanaya hase yeeshee waxaana inta badan ay dadka u muuqda in Shiikh Shariif uu dib u soo laaban doono , waxaana arrimaha hadda isku cakiran la ogaan doonaa maalmaha soo socda oo lagu wado in la soo xulo Xildhibaanadii Baarlamaanka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Sheikh Shariif oo ka baxay Shirkii Saxiixayaashii Roadmapka uga socdey Nairobi, degdegna ugu dhoofay Muqdisho

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.