Home » Maqaallo »

Warqad furan oo ku socota Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka:- Dastuurka KMG ah Sharci daro ayuu ahaanayaa ,ergada ha ansixiso ama yeysan ansixinine!

Bismillaahi Raxmaani Raxiim,

Ilaah ayaa iska leh mahad oo dhan.Nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato nabigeenii Muxammad.

Intaas kadib Waxaan jeclahay inaan umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba usoo bandhigo in Dastuurka KMG ah uu sharci daro yahay haddii ergada ansixiso ama haddii ay diidanba.

Waxaana doodeyda ku saleynaa waxyaalo qaanuuni ah oo waafaqsan waxyaalaha soomaalida ay ugu horey ugu heshiiyeen oo ay dagsadeen.

Marka ugu horeysa waxaan shaki ku jirin walwalka ay qabto beesha caalamka ee ah in laga baxo KMG iyadoo Dowladdii KMG ah oo ka bixi weysey is qabqabsi joogta ah noqoteyna mid dhaqaaqi weysey iyadoo beesha caalamka ay ku jaha wareertey waxa ay arimaha soomaaliya ka yeelayaan iyadoo dhinaca kale uu jiro walwal ka imaanayey beesha caalamka oo ah in DKMG ay noqotey mashruuc aan dhamaad laheen oo siyaasiyiinta soomaaliyeed ay ka ganacsadaan kana sameeyaan lacag adag oo si deg deg ah loo helo(Fast Cash). Taasna waxa ay keentey in qaramadda Midoobey ay ku qasabto qorshe looga bixi karo KMG iyagoo oo quud dareynaayo in haddii laga baxo KMG inuu xaalka sidaan dhaami doono.

Fikirka Qaramadda Midoobey iyo walwalka in laga baxo KMG waa macquul laakiin su’aashu waxa ay tahay maloo maray wado sax oo ummadda Soomaaliyeed ay raali ka tahay?

1.Markii ugu horeysey waxaa la laaley awooddii baarlamaanka KMG oo ah hay’adda ugu sareysa awoodda dalka sida uu qoraayo axdiqarameedkii lagu soo unkay dalka Kenya ee gundhiga u ah waxa hadda la wado oo dhan. Qodobkaan awood ka qaadida baarlamaanka wuxuu ka dhigayaa dhamaan heshiiska dariiqa tubta Khariidada mid sharci daro ah waayo baarlamaan ma aha hal nin oo iska socda ee waa hay’ad leh nidaam iyo xeer ay raacdo go’aankana ku gaarta hab aqlabiyad ah sidaas darteed maadaama uusan baarlamaan jirin waxaa sharci daro aheed in guddoomiyaha baarlamaanka laga qeyb galiyo shirarka Soomaaliya.Taas waxaa ay lumisay ay yareysey sharci ahaanta Road Mapka si hadhow loogu doodo mustaqbalka fog hadey Soomaalidu is leyso ama dagaalanto am amuran kale oo sharci ah uu yimaado.

2.Marka xigta waxaa ay Qaramadda Midoobay(UN) ay abuurtey koox loogu magacdarey saxiixayaal oo ka kooban lix qof oo ka kooban sadax nin oo matalayey DKMG oo iyagu hal dhinac oo ka mid ah kooxaha Soomaaliya isku haya, Maamulgoboleedyada Puntland iyo Galmudug oo ay ku metelayaan labada nin ee madaxweynayaasha ka ah iyo ururka Ahlu Sunnah Waljamaaca ah. Kooxdaan saxiixayaasha ayaa la is weydiinayaa yaa u wakiishay inay u noqdaan wakiilo ummadda Soomaaliyeed? Waa maxay mandateka ay heystaan oo ay uga hadli karaan masiirka ummadda Soomaaliyeed ee 10 ka milyan ah? Waxaan ku xasuusinayaa in hal nin oo ka mid ah saxiixayaasha uusan ku imaanin doorasho dadweyne taasoo oo ah sharciyadda ugu weyn ee uu helo hogaamiye umaddeed taasoo awood u siisa inuu talooyin dhaxalgal ka ah ku biiriyo umadda uu hogaamiyo marka la marsiiyo baarlamaanada dalalkaas iyo ummaddahaas marka la fiiriyo sharciyadda iyo qaanuunada ay leeyihiin umaddaha Caalamka.

3. Saaxiixayaashu waxay mar labaad laaleen awooddii dastuuriga ee guddiga madaxa banaanaa ee dastuuriga mustaqbalka ay yeelanayso waxaana guddigaas lagu kala direy wareegto uu soo saarey wasiirka dastuurka asaga oo wareegtadaas ku xusay in guddigii dastuurka uu kala diray. Arintaan uu sameeyey wasiirka dastuurka waxa ay ka hor imaaneysaa axdiqarameedkii hogaamiyayaal kooxeedyadii soomaalida ay ku heshiiyeen magaalada Nayroobi ee sanadihii 2000 iyo waliba dastuurada soomaalida ay laheed Soomaaliya oo ah in guddi wareegto madaxweyne ama wareegto xukuumadeed lagu magacaabay isla markaana uu ansixiyey baarlamaanka Soomaaliya. Qof walba oo sharci ama nidaam dowladeed wax yar ka yaqaanaa ayaa fahmi kara in wareegtadaas ay sharci daro aheed isla markaana wasiirka dastuurka uusan laheen awoodaas uu ku kala dirayo guddiga madaxa banaan ee dastuurka. Arintaas sharci darada waxaa ka hadley la taliyaha arimaha sharciga ee madaxweyne Shariif laakiinse waa la handaday waxaana la yiri arimahaas kama hadli kartid taasna waxa ay ku tusineysaa in danjire Mahiga iyo saaxiibadiisa saxiixayaasha inaysan dan iyo heelo toona aysan ka laheen ilaalin sharci iyo qaanuun iyo heshiis ay ummad wada gashay toona. Taasna waxa ay meel ka dhac ay ku tahay ummadda Soomaaliyeed oo xaq u leh in la ixtiraamo sharciyadda iyo qanuunada iyo heshiisyada ay hore u galeen.

4. Markii taas laga soo gudbey ayaa ugu danbeys waxaa dastuurkii la hor keenay odayadii dhaqanka Soomaalida oo awal soomaalida loogu balan qaadey in odayaasha la siin doono fursad ay uga doodaan oo ay go’aan uga gaaraan in waxa saxiixayaasha ay soo dhoodhoobeen ay tahay wax ummadda Soomaaliyeed u cuntama iyo in kale. Markii odayaasha oo awalba xaalkooda uu allow sahal iska ahaa la hor keenay dastuurkii ayaa waxa ay soo saareen qodobo ay iyagu leeyihiin waxaan ummadda Soomaaliyeed ee 100% muslimka ah oo waliba ku adag diintooda marka loo eego ummadaha islaamka kuma haboona oo uma cuntamayaan. Haddana saxiixayaasha ayaa waxa yiraahdeen maya adinka shaqo kuma lihidin oo waxa qaldan sheega waxaana ka saari doono ergada ansixinta dastuurka ee iyaga u daaya.

5. Haddana waa laga soo gudbey oo waxaa la keenay ergo 825 ka kooban oo xaalkooda ilaahay ogyahay isla markaana muran uu ka jiro ma yihiin kuwa mudan inay ka hadlaan masiirka ummadda soomaaliyeed iyo dastuur mustaqbal lagu hagaayo. Kuwa badan oo ka mid ah ergada aniga shaqsiyan ayaan u aqaanaa , iska dhaaf inaan masiirka ummadda ku aaminee laba qof u gar qaada ma dhaheen heerka ay ka joogaan garashada iyo cadaalada . Taas waxaa u dheer haddii ummad muslimiin ah laga tashanaayo waxaa xaq u leh ummadda kuwooda lasoo xulay oo lagu magaacaabo xeer beegti ama Ahlu Xali Walcaqdi inay ka tashtaan ee in qof walba uu ka hadlo arimahooda xaq uma laha marka la gaaraayo go’aan ku saabsan arin xaasaasi ah sida dastuurka hadda la wado iyo wixii la mid ah. Taas waxaaba ka daran in dadka la leeyahay dastuurkii ummadda iyo mustaqbalkii ummadda Soomaaliyeed ee 100% Muslimka ah in badan oo ka mid ah ay yihiin dad masoomayaal ah oo xataa aan la xishooneynin soon la’aantooda oo xataa haddii ay macduuriin yihiin ay haboonaan laheed inay la dhuntaan oo ay dadka sooman ka qariyaan oo aysan maqashiinin cudurkooda iyo hunguriga ay cunayaan iyada oo muslimiintu sooman yihiin laakiin nasiib daro mikroofanka ayaaba laga naadinayaa haddaba dadkaas ma gaari karaan masiirka ummadda muslimiinta ee 100% muslimka ah waxaa su’aasheeda u daynayaa ummadda Soomaaliyeed.Taas waxaa dheer in bisha ramadaan oo xataa idaacadihii gaalada ay ka xishoonayaan inay heeso soo daayaan in inta la is qaawiyo heeso la tunto. Arimahaas oo dhan waxa ay meesha ka cadeynayaan in meesha aysan joogin Ahlu Xali wal Caqdi ee ay yihiin dad la mid ah kaadiriintii Maxamed Siyaad Bare isu keeni jiray ee uu oran jiray ii sacbiya oo ii heesa ileen nidaamkiisa ayaa ah mid shuuciyadda ku dhisane kan hadase waxaa kuu dhisan yahay mooryaanimo sida sheekh Nuur Baaruud.

6. Waxaa mowqif cad ka istaagey dastuurka dhamaan culumaa’udiinka Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan meel walba oo ay Soomaaliya ka joogaan waxa ayna isku raaceen in dastuurka hadda la wado uu ka hor imaanyo shareecadda islaamka sidaa darteed aan la ogolaan karin. Dhawaaqa culumada dhag jalaq looma siinin oo in dad hadleen iyo inay duunyo hadashay lagama soo qaadin dhawaaqooda iyo digniintoodana dhagaha ayaa laga fureystey. Culumaa’udiinku waa wakiiladda rasmiga ee ummadda Soomaaliyeed sidaa darteed in culumaa’udiinka la bahdilo waxa ay ku tusineysaa ummadda Soomaaliyeed oo dhan oo la bah dilay haddaba taas waxa ay marqaati u tahay inaan la wadin danta ummadda Soomaaliyeed ee la wado dan ummado kale oo aanan anagu arkeynin.

7. Waxaa dastuurka saxixayaasha qeylo dhaan ka keenay bulshada rayidka oo ka digay in la ansixiyo dastuur ay ummadda inteeda badan kasoo horjeedo oo ummadda looga dhigo sharci. Baaqyada iyo dhawaaqyada isdaba jooga ah ee kasoo baxaayo bulshada rayadka dhegaha ayaa laga fureystey oo lama dhagaysan waana laga daneystey. Mar mar waxaad is leedahay tolow ummadaan intee looga yeerayaa oo meesha loo ordaayo ee reerka in lagu furo la rabo ee sida fiican loo soo sahmiyey ee barwaaqada iyo nimcada leh ee ummadda oo dhan ay arki la’ yihiin oo ay saxiixayaasha iyo Mahiga kaliya soo arkeen waa halkee?

8.Waxaa la abaabulay mudaharaadyo nabadeed si ummadda soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba loo tusiyo mowqifka ummadda Soomaaliyeed ay ka taagan yihiin dastuurka la wado. Mudaharaadyadaas nababeed waxaa is hor taagay ciidanka nabadsugida iyo booliska iyo sirdoonka kale oo waxaa marmarsiiyo laga dhigtey maya Alshabaab ayaa kusoo dhex gabaneyso iyadoo waajib sharci uu yahay in la sugo ammaanka iyo nabadgelyada mudaharaadyada nabadeed oo ummadu ay ku dhiibaneyso fikirkeeda.Nasiib daro si loo fuliyo dano gaar ahaaneed oo aan la ogeyn cida loo daneynaayo oo loogu masax salaaxaayo in ummad 10 milyan oo soomaali loo caburiyo oo dastuur looga dhigo wax aysan dooneyn.

9. Ugu danbeys warqado wax waa lagu qori karaa, idaacadana inta lacag la siiyo wax waa laga soo deyn karaa laakiin waxaad ogaatiin beesha caalamka iyo saxiixayaashoow in ummadda Soomaaliyeed yar iyo weyn, rag iyo dumarba ay diidan yihiin dastuurka KMG ee ay saxiixayaasha iyo Mahiga ay soo diyaariyeen isagoo waliba dastuurka qaabka uu ku yimid uu yahay qaab khilaafsan axdiga KMG ee Imbaghaati iyo dastuuradii ka jiray dalka Soomaaliya dagaalada ka hor kuwaasoo qeexaayo qaabka dastuurka looga bedeli karo dalka Soomaaliya. Sharcidarada qaabka loo maray dastuurka(Process), Diidmada odayaasha dhaqanka , culuma’udiinka iyo bulshada rayadka waxaa ay meesha ka saareysaa sharciyadda dastuurka KMG ah haday doonto ergadu ansixiso ama yeysan ansixin wax intaas oo hay’adood oo wakiilo sharci ah oo dadweynaha soomaaliyeed ay diideene.

10. Gabogabadii maxaa la gudboon ummadda Soomaaliyeed guddo iyo dibadba inay sameeyaan hadii dastuurka jaajuubka sidaa lagu ansixiyo.Waxaa u furan ummadda Soomaaliyeed kow inay Ilaahay ka cabsadaan oo is cafiyaan taas aad ayay lagama maarmaan u tahay maadaama saldhiga dhibaatada maantay oo uu cadowga ka faa’iideysanaayo waa kala qaybsanaanta ummadda Soomaaliyeed waayo haddii ay midnimo jiri laheed maantey Mahiga kama dhex shaqeeyeen oo dano ummado kale kama dhex fuliyeen iyagoo la adeegsanaayo dad dusha soomaali ka ah laakiin soomaalinamadoodii ay madax martey rabitaan shaqsiyadeed iyo kursi raadis. Marka xigta waxaa waajib ah in ummadda Soomaaliyeed ay is abaabulaan oo ururo siyaasi iyo kuwo bulsho sameystaan si ay uga hortagaan dhaqan rogga lagu wado oo ay guddo iyo dibadba ku muujiyaan mudaharaadyo nabadeed. Hadii markaas nidaamka dhalan doono cid walba ha horboodee uu diido nidaamka isbedel doonka ee nabada ah waxa ay ummadda Soomaaliyeed xaq u leedahay inay is abaabusho oo xuquuqdooda ay kusoo ceshtaan si sharci ah iyagoo istcimaalaayo wado walba oo macquul ah sida ku xusan dhamaan heshiisyada ummadaha adduunka.

Tusaale ahaan aniga maqaalkaan qoraayo waxaan ku noolaa Yurub muddo ka badan 20 sano waxaana ku heysataa wax walba oo uu qofka bani aadanka Ilaahay siiyo oo nimco adduun ah waligeyna kama qeyb galin dagaaladii sokeeye ee dalka soo maray laakiin waxaan diyaar u ahay wixii ka danbeeyo 20 agoosto 2012 inaan dalka kusoo noqdo aana abaabulo mucaarad nabadeed oo isbedel doon ah haddii Amisom iyo dowladda ay Mahiga iyo saxiibadiis ay dhisanayaan iyo ciidamadoodana ay ka hor imaadaan nidaam isbedel doonka ee nabadeed oo ay awood ku maquunis iyo caburin keenaana waxaan diyaar u nahay inaan isticmaalno wado walbo oo sharciga adduunka uu noo baneeyey oo aan cadaadiska iyo caburinta uga qaadeyno ummadeena waayo waa waajib islaami iyo mid wadani ah oo qof walba oo soomaali ah waajib ku ah meeshuu doono adduunka haka joogee.

Markaas bal anaga hanoogu yeero Mahiga and Co Qaswadayaal sida masaakiinta lagu cabsi galinaayo ummadda soomaaliyeed ee gudaha joogto ee lagu leeyahay kama hadli kartaan dantiina iyo danta ummaddiina.Haddaba waxaa noo balan ah inaan dalka ku noqonaa oo aan isbedel sameynaa haddii kuwii gudaha ay awoodi waayeen inay xuquuqdooda raadsadaan.

Waxaa qoray Cabdala Aadan Xasan oo degan dalka Sweden

Email: abdullahihassan@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Warqad furan oo ku socota Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka:- Dastuurka KMG ah Sharci daro ayuu ahaanayaa ,ergada ha ansixiso ama yeysan ansixinine! "

  1. shaxshax says:

    Allaah ayaa mahad dhamaanteed leh , intaa kadib waxaan u mahadcelinayaa somalitalk.com oo runtii matasha qaran daacad ah , markastoo aan galana aan farxad kala soo baxo,aadna waxaan uga xumahay in soomaaliya laga dhigay hal warabe cunay dabadeedna cayayaan oo dhan u baylah ah , inta aan noolahayna waa u soo jeedaynaa hagardaamada ay nagu hayaan dalalkale iyo damiirlaawayaal soomaaliyeed , danayste daris ah

  2. Maxamud says:

    Walaal Cabdala Xasan asw waad ku mahad santahay aragtidaada,waana kula qabaa aragtidaada iyo qaraarkaaga so guud. Arimaha soda waxaa mara Oran karaa waa ” Buunsha gooni u tubban” marka laga fiiriyo dhanka danaha lawato.. Waxaa kalo la Oran karaa ” xoolo dofaar dhaama hay marka laga iigu cida horboodaysa iyo ciday hor bodayan oo soomali ah. Waxan is waydii yaa suaalahan :
    1) guud ahaan u Ogolaanay in Asbuuc walba diyaaradO duceeyaan shacab masaakina koonfur Somalia 2) Maxaan gabalsaye u nahay( Waxan mabda lahayn).3) aaway culimadii 60+ ahayd ee yiri markii sharrifka ladooranayey akhyaar la maqlaanahay ee laga waayey kahara 4) maxaa ku dhacay isimadii Somali iyo duubkii garaadka sare iyo xidhoodka lahaa
    Warkoo kooban Arimaha Somalia ka soda waa ugub aan koray loo aqoon xalkeeduna waa arimo badan oo qoraal dheer u baahan hase sharer aragtidaada waa tageersanahay ….wasalaam

  3. maxamed says:

    cabdalle khayr Allah haku sii. Hadii qof kasti uu qabo fikirkaa iyo xamaasadaaa wadaninimadu ka muuqato kana dhabay lahaa wacadka uu maray walaalkay maanta umadeennu halkaa mataaleen, hayeshee waxa yar dadkaa iyagana fulintaa ku yar

  4. salaamo calaykum sxb qoraalkaad meeshaan aad ku soo baldhigtay waa wax sax oo dhamaantood dhacay run ahaantii dhibaatooyinkii aan isku geesaney 20 sano waxaa kadaran dastuurkaan ay gaalada lacagta faraha badan ay kubixisay oo la ansixiyey oo aan ognahay in dastuurkaasi uu ka hor imaanayo diinteena islaamka ah iyadoo culamdii iyo shacabkii somaliyeed ay diidan yihiin suaashu waxay tahay somaliyey ma sidaan miyaan uga aamusnaa waxa dhacay , jawaabto waa maya walaayaal waxaa halis maanta kujira jiritaankii umadaan islaamka ah iyo dhulkoodii i badoodii . qayraadkoodii iyaba diintooda, markaa walaalayaal waxaan ubaahanahay arintaasi in aan ka dhiidhinino dhibaatooyinkaas oo dhan. waxaan ubaahanay sida walaalkayga swedhen jooga oo qoray maqaalkaan kor ku qoran hadii dadkii gudha somaliya joogay la caburiyey dadkeena qurbaha jooga in aan wadankii aan ku laabano oo sameesano xisgii SYL kii oo kale oo ay ku mideesanyihiin somalida gudaha iyo dibada lana soo celiyo jiritaankii umadaan muslimka ee halista ku jirta waad salaamantahiin ramadaan wanaagsan