Home » Warar »

Isbaheysi la Magacbaxay IFISO kana Dhan ah Xadgudubyadii ka Dhacay Soomaaliya oo looga Dhawaaqey Magaalada Muqdisho

 

Waxaa Hotelka Safari ee Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa waxaa looga dhawaaqay maanta isbahaysi loogu Magacdarey Isbaheysiga Madaxa-bannaan ee turxaan-bixinta Soomaaliya Independent Vetting Coalition Somalia kaasoo uu Guddoomiye u yahay Xasan Shire Sheekh oo ka mid dadka u OloleeyaXaquuqdda Insaanka

Munaasabadda ku dhawaaqista Isbaheysigaan oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin, Waxgarad iyo dadweyne fara badan iyo Qaybaha ka duwan ee Bulshada ayaa waxaa xubnihii ka hadlay oo dhan ay soo dhaweeyeen howlaha uu isbahaysiga IFISO qabanayo, kuwaasoo ay ka mid yihiin in la dhiirigeliyo aqoonyahanka doonaya inuu dalka madax ka noqdo lana laciifiyo dhagar-qabayaasha doonaya inay hoggaanka dalka qabtaan.

“IFISO ma ahan urur siyaasadeed qorshaheedu waa inay ku baraarujiso shacabka Soomaaliyeeed inaysan dib u soo dooran Dhagar-Qabayaashii dhibaatada muddada dheer socotay baday,” ayuu Xasan Shire. “Waxaan doonaynaa inaan dhiiri-gelinno sidii aqoonyahanka doonaya inuu dalkiisa iyo dadkii wax u qabto uu hoggaanka dalka u qaban lahaa,”

Intii uu hadalkiisa socday ayuu wuxuu baaq u diray odayaasha ku shirsan Muqdisho isagoo ka dalbaday naysan soo dooran dhagar-qabe doonaya inuu dalka iyo dadka ku sii hayo dhibaatada, balse ay soo doortaan hoggaamiye doonaya horumar iyo in uu dalka wax u qabto.

“Odayaasha waxaan uga digayaa in la iibsado, waa inay diidaan lacagta lala ordayo ayna soo doortaan ruuxii dalka iyo dadka wax u qaban lahaa,” ayuu yiri Xasan Shire oo intaas ku daray inuu dhiirigelinayo in shacabku ay ka hortagaan in mar kale ay hoggaanka u dhiibtaan dhagar-qabe.

Isagoo ka hadlayay qaybta ay haweenku ku leeyihiin Dowladda ayuu wuxuu ku baaqay in haweenka qaybtooda la siiyo, isagoo sheegay in haweenku ay yihiin kuwii ay dadka Soomaaliyeed ka dhiman waayeen 21-kii sano ee colaaduhu jireen.

Sidoo kale, Xasan Shire wuxuu shacabka Soomaaliyeed inay kala shaqeeyaan IFISO sidii lagu heli lahaa dadka dambiyada ka galay Soomaaliya, isagoo xusay inaan loo baahnayn in Soomaaliya ay mar kale hoggaanka u qabtaan dad dambiyo galay.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay aad u soo dhaweynayaan in la baaro kuwii xadgudubyada dalka ka geystay, isagoo sheegay in tani ay muujinayso biseylka la gaaray.

Suxufiga Xasan Xundubey Jimcaale oo isaguna munaasabadda ka hadlay ayaa si kooban uga hadlay kaalinta ay haweenku ka qaadan karaan hoggaanka dalka, isagoo sheegay inay haweenka Soomaaliyeed mudan yihiin inay kaalin weyn ku yeeshaan hoggaanka dalka.
Waxaa ka mid Xagdubyada uu soo Bandhigey Isbaheysiga IFISO

1- In uusan ka qaygewlin Dagaaladii Skeeye
2- Ka qayqaadashada Abaabul Dagaal iyo Kicin
3- Ka qayb qaadashada Dilal Qorsheysan
4- Ka qayqaadashada Abaabul Xaalado Sababey Macluul
5- Hor istaag Gargaar Aadanimo
6- Adeegsi Caruur Askareyn

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka oo Shaaciyey Xilliga uu soo Gaba Gaboobmayo Shirka Ansixinta Dastuurka

Iyadoo shirka Ansixinta dastuurka qabya qoraalka uu maanta galay maalintiisii 7aad ayaa weli waxaa si habsami leh u soconaya Shirkaas oo Odoyaashu ay ku lafa gurayaan Qodobada Dastuurka.Wasiirka Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo qalabka war baahinta la hadlay ayaa sheegay in Hawlaha Shirku ay haatan marayaan meel aad u wanaagsan.

Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in aysan jirin haatan wax mad madow ah isla markaana laga gudbay wixii caqbada ahaa ee jiray, lana filayo in shirku xiligii loogu tala galay sidii loogu tala galay uu ku soo gaba gaboobmi doono Jibriil ayaa intaa ku daray in maalinimada Arbacada ah ee soo socota la soo gunaanadi doono isla markaana la soo gaba gabeyn doono Ansixinta dastuurka isla markaana Maalinimada khamiista ah ee soo socota la qaban doono Xafladdii geba gabada.

Wasiirka Dastuurka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Ergadu ay isku qaybiyeen illaa Toban Guddi oo Guddiigiiba uu ka kooban yahay illaa siddeetan Xubnood oo ka hadlay qodob gaar ah marka ugu danbeeyana qodobadaas la isku keeni doono wixii meesha laga sarayana laga saaro.

Cabdiraxmaan Xoosh ayaa sheegey in Qodobada Dastuurka ku qoran aysan ahayn wax ku qoran Looxul Maxfuudka isla markaana wixii dhallil yeesha meesha laga saarayo. Hadalkan Wasiirka ayaa imaanaya xilli weli gunuunuc uu ka jiro gudaha Shirka tasoo shalay qaar ka mid ah odoyaasha Beesha Shanaad ay ka cabanayeen hanaanka awood qaybsiga iyo sida uu haatan u soconayo Shirka anisixnta Dastuurka Qabyada .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Isbaheysi la Magacbaxay IFISO kana Dhan ah Xadgudubyadii ka Dhacay Soomaaliya oo looga Dhawaaqey Magaalada Muqdisho "

  1. Wabarahmed says:

    Sc Ramadan Karim magacaygu waa axmed mawduca haduu yahay ifiso goup anigu aad baan uladhac sanahay una taageeray waxaana taageeradaas ila qaba dhamaan wax garadka jaaiyada gobalka aan kunolahy please ururkaan halaxoojiyo tabar iyo talaba ifisana waxaan anigu ku guubabinayaa inay jaaliyadaha banaanka ah shirar u qabtaan dadkana ay isu baraan waayo iyagaa maanta ilaahy tusay meesha somalidu bookteedu tahay sc