Home » Faallo »

U Gargaar Labadan Caruur oo ku Xanuunsan Magaalooyinka Caabud Waaq iyo Luuq una Baahan Daryeel Caafimaad Dibadeed

Labadan wiil ee Caruurta ah ee ku xanuunsan in mudo ahba Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu kala magacaabaa C/weli Xuseen Suldaan Cabdi oo 3 Sano jir ah iyo Zakariye Yacquub Cabdi, Da,diisana waa 3 sano jir,labadan Wiil oo isku qoys ka soo jeeda ayaa mudo sanad ka badanba waxaa haya Cuduro ay ka mid yihiin Parlays iyo Xanuunka Nerfayaasha ah ilaa labo sanabo hayey.

Cudurada haya labadan Wiil oo u baahan in ay helaan Dhaqaatiir Caalami ah ayaa keenay in noloshoodu ay adkaato,islamarkaana Waalidiintooda oo ka soo jeeda Qoysas Saabool ah ay awoodi waayeen in Caruurtani ay helaan Adeeg caafimaad,maadama waalidiinta dhaley Caruurtan xilligan ay la daala dhacayaan Daruufo nolol xumo,islamarkaana ay ku adag tahay xitaa bixinta Nolol maalmeedka,iyaga iyo Caruurtooda.

Suldaan Cabdi Nirgoole oo ah Awoowaha labadan wiil ee Xanuunsan ayaa sheegay in xanuunka haya Labadan Wiil in ay ku dhasheen,islamarkaana gudaha dalka wax looga qaban waayey,waxayna u baahan yihiin ayuu yiri dhaqaatiir caalami ah oo Qaliino ku sameysa jirkooda,kuwaasi oo uu sheegay in ay ku sugan yihiin Magaalooyinka Nairobi iyo Adis Ababa,isagoo tilmaamayna in ayan awoodin dhaqaalahii ay ku bixin lahaayeen Caafimaadka Caruurtaasi.

Labadaan Caruurta ah oo dhawaan la keeney Magaalada Muqdisho si u eegaan Dhaqaatiirta Magaalada ayaa markii dambe Qoraal ay soo saareen ay ku sheegeen in aan Dalka waxba looga qab Karin oo ay u baahan yihiin Caafimaad Dibadeed waxayna Haatan ku sugan yihiin Magaalooyinka Caabud Waaq iyo Luuq

FG:Haddaba haddii aad doonaysid in aad ka qeyb qaadatid Gargaarka loo fidiniyo labadan Wiil ee xanuunsan,waxii Sadaqo ah ee aad awoodid ku hagaaji .

Yaquub Cabdi Isaaq cellphone. 0025261-5559443/00252699737741
email: yakoub_43@yahoo.com,yakoub43@gmail.com
iyo Suldaan Cabdi Maxamed Nirgoole
Telefoonkiisa: 00252618527958

Muqdisho/Somalia

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Tel 00252615532494

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.