Iyadoo weli Dugsiga sare ee Boliiska ee Magaalada Muqdiho uu ka soconayo Shirkii Ergada ansixinta Dastuurka ayaa maanta (Isniin) uu galey Shirka maalintiisii Lixaad, waxayna Ergada ay ka doodayaan qaar ka mid ah Qododbadda Dasuurka.
Xubnaha oo ka soo jeeday Salaadiinta iyo Cuqaasha Beelaha Shanaad ayaa shirkooda Jaraa’id ku sheegay in aysan dooneyn isla markaana aysan ku qanacsanayn habka awood qaybsiga Maanta Soomaaliya ay wax ku qaybsato. Iyadoo qaar ka mid Ergeda Beesha Shanaad ay Muddo hakad geliyeen Shirka markii ay halkaa ka dhigeen banaanbax Cabasho ah.
Saaladdinta oo Shirka Jaraa’id ku qabatay Xarunta dugsiga sare ee Boliiska ayaa ka dooday Habka 4.5ka iyagoona sheegay in ay taageersan yihiin isla markaana ay doonayaan in wax lagu qaybsado hanaanka Shan beelood.Salaadiinta ayaa soo dhaweeyay fikir ay soo jeediyeen qaar ka mid ah odoyaasha iminka shirku uga socdo Dugsiga sare ee Boliiska ee magaalada Muqdisho kuwaasoo Miiska soo saaray in Shan Beelood wax lagu qaybsado .
Odoyaashan Shirka jaraa’id ku qabtay Madasha uu shirku ka soconayo ayaa codsaday in loo tix geliyo codsigoodan ku aadan in si siman beelaha Soomaaliyeed ay wax ku qaybsadaan haddii kale ay qaadici doonaan Shirka
Odoyashan shirka jaraa’id uga qabsoomay Dugsiga sare ee Boliiska ayaa sheegay in banaan bax xiriir ah ay samayn doonaan haddii aan wax laga bedelin habka awood qaybsiga isla markaana aan Beelaha Soomaaliyeed si ekoon wax ayan ku qaybsan.
Hanaankan 4.5 ayaa waxa uu soo bilowdey Shir weynihii Soomaalida Carta ee Dalka Jabuuti halkaasoo Siyaasiintii ku kulantay halkaa ayaa Hanaankaas ka sii weedy Shirweynihii Mbaghti Kenya ay soo jeediyeen in Soomaaliya ay sidaa wax ku qaybsatQaar ka mid ah Siyaasiintii Beelaha Shanaad ee Xiligaas la weeydiyay sida ay arrintaa u qaateen ayaa ay ku sheegeen in ay u arkeen Xalka Siyaasaddii Soomaaliya oo waagaas Cakirneed iyaguna ay garteen in ay qaataan Nidaamka 4.5ka oo illaa maantadan ah nidaam wax lagu kala qaybsado.
Si kastaba Odoyaashan shirka Jaraa’id ku qabtay Xarunta Dugsiga sare ee Boliiska ee magaalada Muqdisho ayaa shirkooda ku soo gunaanaday in ay sii wadayaan doonistooda ku aadan Xaqooda la duudsiiyay iyo nidaamkan aan u cuntamin Beelaha Shanaad ee Soomaaliya.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.