Home » Warar »

Maxjarkii ugu Weynaa ee Xoolaha ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo laga Furay Deegaanka Jasiira ee Duleedka Muqdisho.

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif oo Xariga ka Jarey Maxjarkaas

MUQDISHO: Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Ganacsato, Dhakhaatiirta Caafimaadka Xoolaha, mas’uuliyiin ka tirsan Maamullada Gobollada Banaadir iyo Shabeellada hoose oo lagu furayay Maxjar weyn oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Maxjarkan ayaa waxaa furtay shirkad lagu magacaabo Ancaam oo ay ganacsato Soomaaliyeed leeyihiin, waxaana dhismaha Maxjarkan uu socday muddo Saddex Sano ah, waxaana ay ku baxday lacag gaaraysa Sedex Milyan iyo Saddex Boqol oo kun Doollarka Mareykanka ah.

Guddoomiyaha Maxjarkan, Maxamed Cali Iimaan oo ugu horreyn ka hadlay furitaanka Maxjarka ayaa sheegay in Maxjarkan uu dabooli doona baahida Gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay u qabaan inay helaan Maxjar lagu sii hayo Xoolaha nool inta aan la dhoofin. Isagoo sheegay in Maxjarkan ay shaqo ka heli doonaan kumannaan qof oo Soomaaliyeed, laga soo billaabo Miyiga illaa Dekedda laga dhoofinayo.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda KMG ah, C/wahaad Ugaas Xuseen ugaas Khaliif oo xafladda ka hadlay ayaa u mahadceliyay intii kasoo shaqeysay inuu Maxjarkan hirgalo, isagoo sheegay in DKMG ah ay ku caawin doonto wixii ay ganacsatada furay Maxjarka u baahan yihiin.

Wasiirka arrimaha Gudaha iyo ammaanka Qaranka DFKMG, C/samad Macallin Maxamuud oo isaguna ka hadlay goobta ayaa sheegay inuu u mahadcelinayo Ganacsatadii hirgeliyay maxjarka, isagoo sheegay inaysan u suurogasheen furitaanka maxjarkan haddii aysan nabadi jirin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo isaguna ka hadlay xafladda ayaa sheegay in ganacsatada Maxjarkan furtay ay yihiin kuwo Geesiyaal ah oo ku dhiirrigelinaya Ganacsatada kale inay iyaguna Dalkooda Maal-gashadaan, isagoo xusay in Maamulka Gobolka Banaadir uu dhul siinayo ganacsatada doonaysa inay Muqdisho ka hir-geliyaana Warshadaha yaryar.

Waxaa kaloo ka Hadley Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdi Gabeyre oo ugu baaqey Dowlada Federaalka in u Naxariistaan oo Canshiuiurta ka Khafiiiyaan Ganacsatada dooneysa in ay Maalgashadaan Wadankaada wuxuuna Farta ku fiiqey Ganacsatadii Maalgashatey mMaxjarkaan oo uu sheegey in ay Dowlada uga baahan yahiin Taakuleyn dheeraad ah.

Waxaa sidoo kale Xafladda ka hadlay Ganacsade u dhashay Dalka Cummaan oo lagu magacaabo Axmed Saalim, kaasoo sheegay in dalkiisa uu aad u daneynayo sidii uu u qaadan lahaa Xoolaha Soomaaliya, isagoo goobtaas ka ballanqaaday in xoolaha ugu horreeya ee Maxjarkan la keeno uu dalkiisa noqon doono midka loo dhoofiyo.

“Xoolaha Soomaaliya waa kuwo aad u Hilib Macaan, taas ayaana keentay in Tartan loo galo in Xoolaha Soomaaliya loo iibgeeyo Dalal badan oo Caalamka ah, gaar ahaan kuwa ku yaalla Khaliijka Carabta,” ayuu yiri Axmed Saalim.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay furitaanka Maxjarka ayaa u mahadceliyay Shirkadda Ancaam oo suurogelisay furitaanka Maxjarka oo ah mid aad u weyn, wuxuuna sheegay Dowladda KMG ah ay dhiirri-gelin doonto ganacsatada doonaysa inay Maal-gashadaan Dalkooda,Waxaa kaloo uu sheegey Madaxweynaha in Furitaanka Maxkjarkaam uu Bilow u yahay in Dalka laga hirgeliyo Warshaddo Waa weyn.

Dawladda Ugandha oo Shaaca ka Qaadday In Ciidamo Hor Leh ay u soo Diri Doonto Soomaaliya Marka Dastuurka la Ansixiyo.

Dawladda Ugandha ayaa iminka soo dhamays tireysa Tababarada Ciidamada UPDFta kuwaasoo ay u qoondeysey in loo soo diro Dalka Soomaaliya. Ciidamadan oo ah kuwo si gaar ah loo tababaray ayaa waxaa ay in muddaba ku jireen Dugsiga Tababarka Giza ee ku yaala Dalka Ugandha halkaasoo Tababaro kala gooni gooni ah ay ku qaadanayeen.

Saraakiisha Tababarkaas xiritaankiisa ka hadashay ayaa sheegtay in Ciidamadan ay bedeli doonaan Ciidamada Ugandha ee mudada dheer joogay Magaalada Muqdisho iyagoona Dagaalo kama dambays ah la galayan Dagaalyahanada Xarakada Shabaab.Ciidamadan oo la sheegay in tiradooda ay kor u dhaafayso illaa Seddax Kun oo Askari ayaa waxaa halkaas ku tabarayay Saraakiil ama Tabarayaal ka kala socdey Dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska oo qayb ka ah Midowga Yurub.

Ciidamadan oo ah Dufcaddii Tobanaad ayaa la filayaa in dalka Soomaaliya loo soo daabulo wixii ka dambeeya Bisha Ogosto oo ah xilliga uu dhamaanayo Nidaamka kala Guurka. Ciidamadan UBDFta ayaa la filayaa in dhawaan loo soo duuliyo Dalka Soomaaliya kuwaasoo la filayo in ay la wareegayaan Dagaalada lagula jiro Ciidamada xarakada Shabaab gaar ahaana Gobolada Jubbooyinka oo Xarakada Shabaab si weyn ugu xooggan tahay Waqtigan.

Ciidamadaan ayaa la sheegey in ay yihiin kuwa Booliis ah oo ka howlgeli doona Xarumaha Booliiska ee Magaalada Muqdisho , waxaana ku wehlin doono kuwa u dhashey Wadanka Nayjeeriya iyadoo maalimihii la soo dhaafey Waxaa Dekeda Magalada Muqdisho ka degayey Gawaarida ay isticmaalaan Booliska kuwaas oo isugu jirey Beebeeyaal, Cabdibilayaal,Konteerano ku jirta qalabka iyo Hubka Ciidamada Booliska waxaana ku qornaa Booliska Midowga Afrika , hase yeeshee waxaa arrintaan wel wel ka muujiyey Shacabka Soomaaliyeed maadaama beesha ay ka baxyaan Ciidamadii Booliiska

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.